Sign in to follow this  
Hawdian

Highway Road From Burco To Erigavo Rep. SL

Recommended Posts

Somaliland is getting there building their own roads constructing major infrastructure this makes me proud well done the Somaliland government and the people of Somaliland.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

One last update the work on Jidkaaa JSL is beginning today @ Saanag/Erigavo/Jahumridaa Somaliland.

 

One humble thanx to all the people who donated their time shurkan jidan jidAn .

 

Wasiirka

 

Madaxtooyadda Oo Maanta Jidkii Ceerigaabo ka Bilaabay Ina Af-madoobe

MAY 9, 2014

IMG_0084Ceerigaaabo (Somaliland.Org)-Dhismaha wadada Ceerigaabo ayaa saaka si rasmi ah uga bilowday barta ay wadada ceerigaabo kaga baydho wadada isku xidha Burco iyo Laas-caanood gaar ahaan Ina-afmadoobe oo ahayd halkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dhagaxa-dhigay Taariikhdu markay ahayd 16-09-2012, Balse nasiib wanaag maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2014 waxa si raasmi ah loo bilaabay wadadaasi.

 

Bilowga wadadan ayaa barbilow u ahayd 4 qaybood oo ay wadada ceerigaabo dhismeheedu ka dhaqaaqi-doono isla maanta kuwaas oo kala ah Ceerigaabo oo laga soo bilaabi doono 10KM, Ceel-afweyn oo 5KM laga soo bilaabay, 5km oo laga soo bilaabay Gar-adag iyo 10Km oo bilowgeedu uu noqday mid ay isugu yimaadeen masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ahna Gudoomiyaha Gudida Wadada Ceerigaabo, oo uu wehelinaayo Maareeyaha Wadooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan.

Maanta oo jimce ah waxa ay shacbiga reer Somaliland gaar ahaan bulshada Gobollada Saraar, Sanaag iyo guud ahaanba Gobolada Dalka u ahayd maalin ay u rumawday riyadii ay ku riyoon jireen ee ahayd in ay mar uun idhaha ka qaadaan Wadada Ceerigaabo oo dhisme rasmi ahi oo laami ah ka socdo, una dhan yihiin masuuliyiinta Xukuumada iyo Engineer-ada gacanta ku haya dhismaha wadadaasi.

 

Waxay ahayd jawi qurux badan oo ay ku dheehan tahay farxad iyo shaqo qiimo iyo sharaf ugu fadhida shacbi weynaha Reer Somaliland, rumaysayna Balanqaadkii madaxweyne Silaanyo.

Waxa wasiirka iyo Maareeyaha ku wehelinaayey Safarkaasi shaqo Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Mudane Cali Siciid Ragal, WASIIRKU XIGEENKA Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiyaha Gobolka TogdheerM, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Ramaax, Xildhibaano, Masuuliyiin kala Duwan, Heer Degmo iyo Heer tuulo, waxa sidoo kale goob joog ka ahaa dhismaha wadadaasi Gudida dhismaha Wadada Ceerigaabo xubno ka mida iyo weliba Gudoomiyaha Qurba-joogta ee wadada Ceerigaabo ee Dalka UK Oday Faarax Xasan Jagac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this