Sign in to follow this  
Dr_Osman

Al-Amiriki And His Wife Killed

Recommended Posts

Dr_Osman   

bawjok-cmaaceqs.jpg

 

Al-Amriki oo la dilay iyo Xaasaskiisii oo la Qaniimeystay(Weerarka lagu dilay Al-Amriki ayaa waxaa la dhintay Nin Pakistaani ah oo Dhalashada Ingiriiska heysto)

 

Written by Administrator

Thursday, 12 September 2013 11:52

 

Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane ayaa maanta ku guuleystay inuu dilo Abuu-Mansuur Al-Amriki oo Mareykanka u dhashay kuna caasiyay amaradda Kooxda Alshabaab,waxaana sidoo kale lala dilay Muhaajir u dhashay Dalka Pakistan balse heysta dhalashadda Ingiriiska oo lagu magacaabi-jiray Usama Al-Britani.

 

Dilkan ayaa ka dhacay Deegaan ka mid ah Gobolka Gedo,waxaana Alshabaab ay ku guuleysteen inay nolol ku qabtaan Nin Masaari ah,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa fadwo shalay Culimo Soomaaliyeed ku soo saareen in lala dagaalamo Kooxda Alshabaab oo lagu tilmaamay inay yihiin Khawaarij Takfiir ah oo si khaldan Diinta u fahmay.

 

Weli wax hadal ah kamaa soo bixin Ururka Alshabaab dilka ay u geysteen 2-dan Muhaajir ee Jihaadka u yimid Soomaaliya,balse ay dileen Raggii ay u heysteen inay yihiin Muslimiin walaalahood ah,balse ku noqday Munaafaqiin waaba hadii ay rumoowdo dilkan loo geystay Muhaajiriin Soomaaliya u heystay inay Jihaad u yimaadeen,balse gacanta kuwii ay u soo gurmadeen ku baxay.

 

Shacabkamedia ma xaqiijin-karo dhimashad Abuu-Mansuur Al-Amriiki,balse xogtan waxaan ka helnay ilo lagu kalsoonaan-karo,waxaana xusid mudan in muddo 5-bil laga joogo ay mar Alshabaab ku faaneen inay dileen Al-Amriki,balse markan waxay u badan-tahay inay ku guuleysteen inay khaarajiyaan.

 

Dhinaca kale warar soo gaaraya Shacabkamedia ayaa sheegaya in Alshabaab ay qaniimeysteen Xaasaskii Abu-Mansuur Al-Amriiki,lamana yaqaan Diinta u fasaxday Xaasas la qabo in la qaniimeysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Cambuulo iyo bun;977154 wrote:
Loooooooooooooooool
@xaasaskooda la qaniimeystey..
Ina lilaahi
i wonder how many b@stard children those shabaabis produced. lots of weceelo kids out there

Ninyahow labadaas kore isma raacaan ee kala reeb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this