Sign in to follow this  
Dr_Osman

Dubai - Culusow Storms Out On Anti Piracy Meeting

Recommended Posts

Dr_Osman   

War Deg Deg ah– Fadeexad ka qabsatey Madaxweyne Xasan Sheikh Shirkii Dubia

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo lagu casumay shirka Caalamiga ah ee looga hadlayay la dagaalanka Burcad Badeedka ayaa Madaxweynuhu saaka ka jeediyey khudbad ay wadamada ka soo qayb galeen ay ka caroodeen.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa khudbadiisa wuxuu kusoo qaatey hadalo aan siyaasadeysneyn isagoo hilmaamey inuu carabaabo ama u Mahad celiyo Wadamada qaybta wayn ka qaatey la dagaalanka Burcad badeedka.

 

Hadalada Madaxweynaha ee laga xumaadey waxaa kaloo kamid ah isagoo shirka ka yiri “Soomaaliya anaa masuul ka ah cid kale Wax lagama waydiin karo, Burcad badeedka la dagaalankooda anagaa masuul ka ah”

 

Hadalkaas ka dib ayuu madaxweynuhu fariistey, Wax yar ka dibna wuxuu isaga baxay shirkii isagoon sugin khudbadihii ay jeedin lahaayeen wafuudii ka socdey Wadamada shirka soo abuubuley, waxayna arintaas dhalisey buuq iyo iney aad uga xumaadaan kasoo qayb galayaashii shirka.

 

Sida warka lagu heley Madaxweynaha iyo dhamnaan Wafdigii la socdey oo ay kamid ahaayeen Wafdi ka socda Gaal Mudug waxay u safreen Abu Dhabi, shirkuna wuxuu markaas socdey halsaac oo qura.

 

Marrkii Madaxweyne Xasan Sheikh shirka isaga baxay waxaa hadalka ku Alexander Rondos oo ah Qoraa Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Geeska Afrikada bari, wuxuuna aad uga xumaadey in Madaxweynihii Dowlada Federaalka Soomaaliya uu iska baxo isagoon sugin khudbadihii muhiimka aha.

 

Alexander Rondos wuxuu aad ugu Mahad celiyey dhamaan Wadamada qaybta ka qaatey la dagaalanka Burcad badeedka, wuxuu kaloo Amaan dheer usoo jeediyey Dowlada Puntland oo uu sheegey iney u tafa xayteen sidii Burcad badeedka ku xiran dalka dibadiisa ay usoo ururin lahayeen si ay xabsigooda ugu qaataan Puntland gudeheeda, wuxuu kaloo sheegey in Puntland ay qaybta ugu wayn la dagaalanka Burcad badeedka qaadatey, wuxuuna yiri waa Wax wanaagsan in la xuso taas.

 

Baroness Warsi Senior Minister of State, Foreign and Commonwealth Office, United Kingdom oo isna hadalka qaatey ayaa cadeeyey in Ladagaalanka Burcad Badeedka howlgalka la dagaalanka Burcad badeedka Dowladaha iyo maamulada ka shaqeeya ama kasoo shaqeeyey, wuxuuna xusey Puntland iyo Somaliland iney yihiin meelaha kaliya ee Soomaaliya ay ka socdaan Mashaariicda ladagaalanka Burcad badeedka wuuna ku amaaney.

 

Nicholas Kay oo ah wakiilka Qaramada Midoobey u qaabil Arimaha Soomaaliya ayaa isaguna hadlay kanasoo sheekeeyey howlgaldii lagu la dagaalamayay Burcad badeedka iyo meesha ay marayaan.

 

Iskusoo duboo waxaa hada la hadal Hayaa sababta uu Madaxweyne Xasan Sheikh iaga baxay shirkaan Muhiimka ah ee beesha Caalamku soo qaban qaabiyeen, waliba waxaa qayb wayn ka qaatey Midowga Yurub oo iagu hada wada qaban qaabada shirka New Deal ee ka dhici doona Bruxelse, Waxaa kaloo la hadal Hayaa inuu Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay Shopping u aadeen Abu Dhabi maadaama ay Yurub u socdaan.

 

Ajandaha shirku waa inuu ilaa beri socdo oo ay goob joog wada ahaadaan dhaam Martida lagu casumey,iyadoo ay jireen Wafuud qorsheyneysay iney Madaxweyne Xasan Sheikh si gaar gaar ah ula kulmaan.

 

Waxaa hada socda kulamadii gaargaarka ahaa. faahfaahinta kala soco Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this