Sign in to follow this  
Saalax

Hal qarni muddo ku dhow oo ceelkii u horeeyay laga hirgelinayo Degmada Taleex(Sawiro)

Recommended Posts

Saalax   

Hal qarni muddo ku dhow oo ceelkii u horeeyay laga hirgelinayo Degmada Taleex(Sawiro)

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jeneraal C/samad Cali Shire oo maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogay degmada Taleex ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu daah furayey ceel riig biyood ah oo ay ka hirgelinayso degmada Taleex hay’adda Bisha Cas ee dalka Kuweyt.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Ceelkaan ay iska kaashadeen hay’adda Bisha Cas ee dalka kuweyt iyo dowladda Puntland.

 

Ceelkani maanta qodistiisa laga bilaabay degmada Taleex ayaa la rajaynayaa in biyihiisa ay noqdaan biya macaan.

 

Waxaan munaasabadda maanta lagu daah-furayey ceelkan kasoo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen.C/Samad Cali Shire, qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland, xilibaano, duqa degmada Taleex iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.

 

Munaasabadda oo ahayd mid ballaaran ayaa waxaa ugu horeynba ka hadlay masuulka gacanta ku haya qodista ceelkan Rashiid,isagoo sheegay in dhawaan ay soo gaba-gabeen doonaan

 

Waxaa kale halkaasi ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin duqa degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame iyo Xilibaan Saadiq Garaad Abshir oo kula dar-daarmay dad weynaha reer Taleex in ay soo dhaweeyaan qodista ceelkani, isla markaasna aysan wakhti siin dad uu ku sheegay in ay lidi ku yihiin horumarka deegaankani sidoo kalena sheegay in waxbarshada dhankeeda iyadana dhowaan wax laga qaban doono .

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Samad Cali Shire oo ugu dambeyntii xafladda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ceelkani uu u leeyahay dad weynaha reer Taleex, waxaana uu madaxweynuhu xusay in ceelkani uu ka mid yahay mashaariicda dowladda Puntland ay ugu tala gashay degmada Taleex horudhacna uu u yahay .

 

Deegaanka degmada Taleex ayaa waxa uu yahay deegaan taariikh weyn ku leh Soomaliya gaar ahaan Puntland , waxaa xusid mudan in deegaanka degmada Taleex ceel laga qodo ay ugu dambaysay mudo gaaraysa -Hal qarni ah 100 inta la ogyahay.

 

Horseed Media.

News Desk

 

 

http://horseedmedia.net/2013/08/31/hal-qarni-muddo-ku-dhow-oo-ceelkii-u-horeeyay-laga-hirgelinayo-degmada-taleexsawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^^^ this is sad Walahi. The man they died for and sacrificed their freedom and existence for did not drill one well for them. Even in las canod it was the same case. First well was drilled under Dahir riyale Kahin.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this