Sign in to follow this  
nuune

gabadhii waxaa badalay mid ay habar wadaag yihiin

Recommended Posts

nuune   

Waaga oon wali baryin saaka ayey waxey igu tidhi "saaka miyaad soo luntey" anoo markaa salaadii subax intaan ka imid guriga hortiisa jardiinka iska dhigtey kursi yaroo gambar ah si aan iskaga leersado wadada hor marta guriga.

 

Codkii gabadha markey saas igu dhahdey waan maqlayey waana cod i hortaagan, wajigiina wali ma arkin, intaan u jawaabey baan ku dhahey "walaal inaan soo dhumey is weydiin malahanee ee tumaad aheyd hadaadan aheyn Daacuurtii aan 8 bilood ka hor kala tagney", isla markiiba waxey igu tidhi "waad indha dheetahey laakin ma ihi tii ee waxaan ahey tii tu ay habar wadaag yihiin, gabadhiina wey dhimatey, caruurtii 14ka aad isla dhasheena imika waa da' oo iyaguna dhawaan bey khaatumeysanayaan".

 

Intaan kor u soo boodey ayaan codkii hadalka meesha iiga imanayey ayaan isku dayey inaan qiyaaso oon gabadha fooda ama wajiga ku dhago balaayada iyo baaska ay sheegayso, jab iyo qalbi dhaawac saaka diyaar uma ihi waxaana ka xigaa dagaal iyo daandaansi aan dana gaara ka leeyahay.

 

 

Qiyaasteydi aan abbaarey ama aan doonayey inaan fooda qabto gabadhan waan ku guuleestay, isla markiiba intey xishootey ayey iskey tustey "ma anaad iga dhuumaneysaa laqmato", "mayee inaad awoodan leedahay maan moodeen" bey igu tidhi, "muraadkaaga sheego" ayaan su'aaley, anoon hadalka dhameysan bey la soo boodey "inaad ii maciintoo Maalikul Mulki isku keyn qoro ayaan doonayaa ee ma isla mashxaradnaa", intaan istaagii ka soo fadhiistey bey ayadna isoo ag fadhiisatey wanbar ma oolin balse wax la'aan ma aysan aheyn markiiba kursi dheer bey gacanta intey saa tidhi unbey ku fariisatey, waxaan ugu jawaabey "ma inagoo tacsidii Daacuurteydi ku jirna ayaan isla jaan-qaadnaa indha adkidaa", markey ogaatey in ibnu aadamka iyo qolyahooda aysan isku si wax u dareemin bey igu tidhi "mayee afartanka maalmood ee baroor-diiqa ka dib ayaan ka wadaa", durbaba hadlkeedi wey badashey si murugada durbaba i fuushey ay iiga masaxdo.

 

Waagii baa si fiican u dillaacey, guriga gudihiisa ayaana iska soo galey si aan qabowga uga soo xaroodo, laakin gabadhii wali ayadoo meesha fadhido ayaan uga soo tagey igamana ahan inaan cidleeyay ee ula jeedo ayaan ka wataa isla weyni ibnu aadanimo igu jirto oon ula kac u sameenayo si aan qolyahan iskaga dhiciyo weeyaaan igumana yaqaanaan jiljileec oo xataa dhanaklaaso iyo dagaal baan si badheedh ah iskula tagnaa mararka qaarkood.

 

Waxaan soo fadhiistey qolkii fadhiga ahaa waxaana iska daartey telefishinka si aan wararka adduunka ula socdo. Miis weyn oo horteyda yaaley oo shaaha iyo wixii cuntooyinka macmacaanka loogu tala galey oo waxaan arkey cunta ka buuxdo ayyi nooc ah.

 

Qolyahanna aad baan u aqaanaa oo waan laba soo korey in mudo ah, markiiba iney gabadhan meesha maamushey oo cuntada keentay waan iska fahmey, intaan hareeraha fiiriyey baan ku dhahay "walaal soo fadhiiso aynu wada quraacanee", intey qosol yaroo dhoola cadeyn ah ku jiro ku dhufatey bey tidh "sanadahan cunta maan cuneyn ee intaad cunteneyso waan soo laaban", waxaan ku iri "waxbana ha soo laabaninee iska fadhi intaan cunayo quraacda".

 

Cuntada Jinkana wax igu cusub ma ahan, wax aan la yaabayana ma ahan tira badnida iyo kala nooca, waa waxaan in badan ku soo dhax jirey oon shaahid iyo waliba aan gabadh ka guursadey, gabadhiina la ii sheegay iney geeriyootey, caruurtii aan isla dhalneyna ay hada da' yihiin, wali lagu farxo gabadhan kama hayo saaka!!

 

 

 

La soco qeebta 2aad

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Dadkii sheekooyinkan ku xirnaan jirey waxaa ka mid ahaa Sheh, she gave up on me ayadoo sheekadii tii Istanbul dhaxda mareyso oon aniga iyo qlanjadii ban ama bannaan cidla ah isla joogno, oon qumaati u arkey sidey u ekeyd gabadhii Jinka aheyd, oo tilmaamaha aan ka baxshey featureska badankeeda ama bodygeeda, that was the last time Sheh ugu dambeysay SOL,

 

marka anoo og saad u jeceshahay inaan dhameestiro sheekadan hadana waxaan ka yaabi aniga iyo gabadhan habar wadaaga la aheyd Daacuurteydi wixii na dhax marey subaxaa hadaan soo qoro in SOL lagaa waayo, waayo subaxaa waxey igu dhigtey iyo waxaan isla marney ma ahan wax qof ibnu aadama u adkeysan karo inuu halkan ama meejan ka akhristo, marka ma ahan dad underage aan u daneenayo, qofka da'duu doono ha ahaado lab iyo dhaddig cirro walaa carruur, waaba wax maskaxda ibnu aadamka aysan qaadi karin waxey gabadhaa Jinka subaxaa igu sameysay, anoo in yar kuu sii dul-marayana, quraacdii kolkaan dhameestay oy fara-xalkii isoo ag-dhigtey baa waxey damacdey iney gacanta isoo jiido ayadoo guriga bannaanka iiga saareyso, nasii daa baan ku dhahey ma inaan kaa baqayaad moodeysaa markaad gacanta ijiidaneyso bootadaada iyo bidhiq-bidhiqdaada waan aqaanaa,

 

markaan intaa dhahey bey ilmeysay, illin ayaa ka soo dareertey sagaalkeeda indhood ee ku yaala, dhulkii dhannaa bey illin biyo ka buuxisey, anoo yaaban ayaan isku dayey inaan iska keeno in yaroo illin ah si aan bal howsha balance uga dhigo, illintii waa iga iman weyday waa horaana la iga waayey jiljileecaas oo kale, anoo isa sii xil-qaamaya ayaan gabadhii isku dayey inaan ka tir-tiro illinta, sagalkii indho ayaan kolba illin ka tirtiraa anoo shaadhkeyga isticmaalaya maadaama ay gacmaheygi ka buuxsameen gabadha illinteeda,

 

 

mudo afar saacadood ayey igu qaadatey inaan gabadhii caadi ka dhigo, intaan soo kaxeeyay ayaan daarada horteeda fadhiisiyey halkaas oy fadhiyeen dad kaloo asxaabteyda ah laakin aanan war u heyn meeshan waxa ka socda iyo waxa aan halkan ku maamulanayo, kaliya ay moodayaan inaan iska wardinayo maadaama aan had iyo goor tasbiixda iyo alamtarayaasha aanan afka ka qaadin.

 

gabadhii baan meeshii isla fadhiisaney, dib ayaan u wareystey waxa ku kasbey iney ilmeyso, markiiba waxey igu tiri "ibnu aadam kaa madax adag ama kaa qalbi adag ma aanan arag waligey" waxaan ugu jawaabey "waligaaba ibnu aadam aanan aniga aheyn ma aadan arag waxa aad hada ka faa'iideesateyna waa masaakiinimadeyda ee warka ii balballaadhi",

 

gabadhii waxey ii sheegtay iney yaxyaxeyso oy dhib ku tahey fadhiga meeshan, iina sheegtay inaan isa soo raacno, haye walaal baan ku dhahey ina keen, goobtii baan ka soo dhaqaaqney anagoo gacmaha is heesano.

 

La soco qeebta saddexaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Mar hadey Sheh caafimaad qabto waa abshir, igu salaan, waanba hilmaamey sheekadan, dee inaad adiga un soo faagto mooyaanee reer SOL carar bey waxanoo kale ka taaganyihiin, xataa PM messagyo fara badan baan helay oo dadka qaarkiis iga dalbanaya inaan siiyo qaab ay gabdhaha Jinka kula xiriiraan, wallaahi messageyo noocaas ayaan helay, kuwa kalena waxey u badnaayeen inaan Muslimka aafadan ka daayo, aafo maxey ah, dadku wey waasheen

 

 

Hada ka dib sheekadan taxanaha ah qeeb qebeta aad uma dheereenayo si dadku u wada akhristaan waqti dheerna uga khasaarin.

 

 

Gabadhii meeshii baan iska soo raacney, gacantii aan heestay ee bidixda aheydna wey i daashey waayo ayada gacanteeda midig waxaa ku yaaley hal far oo kaliya, ma hal far baan maanta dhan gacanta ku heysan karaa, markaan daaley baan dhahey walaal dhib malahan waanba isla soconaayee isii daa gacanta, ma waxaa ku dhibaya halka far ee calaacasheyda ka lalmada, mayaan dhahay walaal ee gacan qabsigaan aqoonin waligeyna gabadh gacmaha ma aanan qabsan, intey istaagtey ay saas ii fiirisey ayadoo yaaban bey igu tiri oo ma heblaayo iyo heblaayo iyo tii iyo taa soo adigii gacmaha qabsan jirey, markaasaan dhahay walaal qof kalaad i moodeysaa, qarxis yar baa meesha ka dhacey.

 

Waxaan soconaba oon dhax jibaaxno magaalada dhaxdeeda baa waxaan ku soo baxney gidaar ama darbi weyn oo meel loo dhaafo laheyn, korna hadii loo koro aan la gaari karin, dhinacyada midig iyo bidixna hadii loo socdo aan la dhaafi karin meeshuu ku dhamaado, xaga samadana ay anoo arkayo isu badashey iftiin nal gaduudan ah oon laakin muuqanin wax feynuus ama mataramakis ama qorrax ama dayyax ama xidig, wax object ma jirin oo keenayo iftiinkan gaduudka ku dheehanyahay.

 

Isla amrkiiba anoo fajacsan ayaan istaagey, kolkaan hareeraha eegayna waa gadaasheydee oon is leeyahay bal magaaladii aad dhax joogtey fiiri, meeshuba waa gidaar kale, horey iyo gadaal labada dhinac waa wada darbi waa weyn iyo samadii oo iftiin ka muuqda, markiiba maan la yaabinee waxaan dhahay xageen joognaa magaaladii un soo ma ahan, waxey igu tiri mayee waxan waa gurigeyga albaabkaas weyn ee hada kuu muuqdo waa baabkii aan hada ka soo galney, waxaan ugu jawaabey bidaa huurtayee waxa intaa la eg sidee buu gurigaaga ku noqdey, waxey iigu jawaabtey in gurigeeda ay ku noolyihiin 2 malyan oo qof oo Jinka ah.

 

 

Xaaladu markey halka mareyso ayaan dib dib u gurtey, anoo fajac yar iyo gurasho gaad-gaatan igu jiro, waxaan ku dhahay anoo 10 meter gabadha u jiro "aawey alaabihii fadhigii iyo kuraastii gurigaaga yaaley haduu waxan makhluuqa intaa la eg yahay gurigaaga", waxey igu tiri hadii ay i tusto inaan indha-beelayo, isla markiiba waxaan ku iri indha beel dan kama lihiyee itus adiga unbaa hadhowna indhaha ii fiiqiyee.

 

 

La soco qeebta Afaraad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this