Sign in to follow this  
Dr_Osman

Faroole Meets UN Somalia Chief Nicholas Kay. PICS and AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

UN & Puntland oo ka wada hadlay dastuurka Somalia

13 Jul 13, 2013 - 3:50:04 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 13 July,2013 xarunta madaxtoyada Garowe ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Ambassador Nicholas Kay.

 

Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa garoonka diyaardaha Garowe ku soo dhoweeyay wafdiga Kay ,waxana hogaaminayay wasiirka maaliyada Faarax Cali Jaamac ,wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf Cade iyo wasiirka gaadiidka Eng.Daahi Xaaji Khaliif.

 

Ka dib kulan saacado qaatay ayay labada masuul si wadajir ah saxaafada ula hadleen ,waxana lagu soo hadal qaaday mawduuucyo ay ka mid ahaayen doorashooyinka deegaanka ee dhowaan ka dhacaya Puntland, Wax ka bedelka Dastuurka DF,Dhibaatada shilinka Somaliga ,Cunaqabadaynta hubka iyo heshiiska DF & Somaliland ee hawada oo ay ku galeen Turkiga.

 

Madaxweyne Farole ayaa shacabka ugu baaqay inay doorashooyinka u soo baxaan ,ayna u codeeyaan isbedelka si nabadgelyo iyo dimoqraadi ah ,isagoona raacshay inaysan muhiim ahayn cida loo codaynayo balse muhiimadu tahay in laga gudbo habkii hore.

 

''Somalia waa in dib loo soo celiyaa dastuurkeedi ka hor intaan xeerar kale la gudbin ama dib u eegis loogu samayn'' ayuu yiri Farole oo ka hadlayay dastuurka Federalka Somalia.

 

Dib u dhiska Maamulada dalka iyo xiriirka Puntland iyo DF ayuu xusay inay ka wada hadleen Mr.Kay oo uu raaciyay inay intii macquul ah u tanaasuli doonaan DF.

 

Dhankiisa ayaa madaxa xafiiska UNSOM Amb.Nicholas Kay bogaadiyay horumarka iyo nabadgelyada Puntland ay ku talaabsatay ,isagoona sidoo kale ugu hanbalyeeyay doorashooyinka soo socda ee degaanka.

 

''Qaramada Midoobay qayb kama aha doorashooyinka Puntland,balse waxaan soo dhoweynaynaa isbedelka siyaasadeed'' ayuu yiri Kay.

 

Waa booqashadiisi ugu horeysay Puntland tan iyo markii uu shaqada Dr.Mahiga kala wareegay 03 June,2013.

 

Booqasho labo maalin ah ayuu ku joogi doona Puntland Mr.Kay oo xariga ka jari doona mashruuc UNDP ku taageereyso garsoorka Puntland.

 

AUDIO

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/UN_PL_oo_ka_wada_hadlay_dastuurka_wax_laga_badalay.shtml

 

DSC00062.JPG

DSC00064.JPG

IMG_3758.JPG

IMG_3769.JPG

IMG_3777.JPG

IMG_3785.JPG

IMG_3794.JPG

IMG_3830.JPG

IMG_3838.JPG

IMG_3852.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

useless pirate chief, 22 yrs and they still can't build proper capacity and institutions. they think photo ops with white dignitaries is an achievement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arrrgh! Pirates have rights to criticize other pirates just like everybody else...:D

 

But on a serious note, we welcome the real president of Somalia, Mudane Nicholas Kay to Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;968503 wrote:
No you are not a Somalilander, you probably a HAG

kkkkkkkkk, why can't he be Somalilander?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this