Sign in to follow this  
Wiil Cusub

16 Abaarso Tech Students Gains Full Scholarship to US University

Recommended Posts

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday ka baxday Dugsiga Abaarso Tech

July 6, 2013 | Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by: Hargeysa

 

 

 

 

Hargaysa 06.June (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay arday ka Qallin Jebisay Dugsiga Abaarso Tech isla markaana lagu sii sagootinayay 16 Arday oo Deeq waxbarasho ka helay Dalka Maraykanka .

 

Munaasibadan waxaa ka qayb galay oo kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada, Wufuud ka socota Wadanka Maraykanka isla markaana uu horkacayo Aasaasihii dugsigan, Ganacsato,Aqoon yahan iyo Marti Sharaf kale.

 

Maamulaha Dugsiga Abaarso Tech Mr Jonathon Star ayaa ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee Dugsigani soo maray iyo Heerka uu Maanta taagan yahay waxaanu Sheegay inay maanta u fadhiyaan Midhihii u horeeyay ee Ka soo Go’ay oo ah ayuu yidhi Qallin Jebinta 19 Arday oo ka baxay Dugsiga Sare ee Abaarso Tech iyo Sagootinta 16 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay dalka Maraykanka.

 

Sheikh Maxamed Xaaji Maxamud Xiiray oo ah Gudoomiyaha Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista,iyo Ganacsade C.qaadir Xaashi Cilmi ayaa kula dardaarmay ardayda dhamaysatay Waxbarashadu inay aqoontooda sii wataan halka kuwa u baxaya wadanka Maraykankana ay ku booriyeen inay ilaashadaan dhaqankooda iyo diintooda.

 

Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka waramay aasaaskii dugsigan oo ay Sababtiisa lahaayeen Mr Bile,Mr Jonathon iyo Dr Axmed Xuseen Ciise Waxaanu xusay in Dugsigani uu ku fadhiyo dhul weyn nasiibna ay u yeesheen deegaanka Abaarso.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay Guud ahaan Waalidiinta inay la shaqeeyaan Maamulada Dugsiyada isagoo Tusaale u soo qaatay Waalidiinta ay ubadkoodu wax ka bartaan Dugsiga Abaarso Tech .

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay Madashaas ayaa ku sifeeyay Dugsiga Abaarso Tech Mid ku Dayasho Mudan, Isagoo Xusay inay Si Cadaaladi ku jiro u soo Xulaan ardayda loo fidiyo deeqaha Waxbarasho waxaa kale oo uu Sheegay in Tayada Waxbarasho ee Dugsigani ay Tahay Mid Sumcad u soo Jiidaysa Dalka Jamhuuriyada Somaliland .

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay in ardayda u ambo baxaya Wadanka Maraykanku ay Xambaarsan yihiin Magaca Qaran ee Somaliland isla markaana Xil balaadhani ka saaran yahay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Magaca iyo Calanka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Gaba Gabadii waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii ka Qallin jebisay Dugsiga Abaarso Tech, iyo Ardayda deeqda Waxbarasho helay.

 

Hargaysa SDN.

 

Qurbejoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Hambalyo baan dhihi lahaa Ardayda qalinjebisay! :) .

 

Waxaan rajayn in ay arday badan helaan jaaniskan oo kale laakiin ay jaamacad haboon ka helaan wadanka inta ay dibada u aadi lahaayeen sabata oo ah ardayda waxaa laga yaabaa in ay iskuulkan u galaan si ay dibada ugu helaan jaanis taasina waxay ila tahay mid aan haboonayn oo ka fiicantahay in wadanka laga dhiso Jaamacad/do sare.

 

Dowlada waxaan ka rajayn inay siyaasad aqoonsi aanay ku mashquulin oo ay wadankooda iyo dadkooda ka fakaraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Now this kind of news moves me..Congrats kids and may you stay Focused when you cross the Atlantic..Education opens many doors...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;967353 wrote:
Hope they succeed and take their acquired skills back to home.

Exactly that was my first thinking when I heard this news, bat later I thought even if they didn't return directly they will do one day. Look at new somaliland FM he went eerily 70's to Hartford and he came back now after 30 years in the UN and African bank

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

I wonder how many students in Somaliland take advantage of the University of Cambridge scholarship which is given exclusively to graduates from Somaliland's universities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Tallaabo;967400 wrote:
I wonder how many students in Somaliland take advantage of the University of Cambridge scholarship which is given exclusively to graduates from Somaliland's universities.

More info por favor

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Daqane;967431 wrote:
More info por favor

http://www.cambridgetrusts.org/scholarships/scholarship/?award=83

And there was a discussion about it here in SOL

http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/12476-Cambridge-Scholarships-for-Somaliland-Graduates

I think because of lack of enough quality applicants they have now widened the candidate catchment area to include all of Somaliland's neighbours:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this