Sign in to follow this  
Jiir-Jiroole

Siyaad Bare Muu Samayn Jirin Waxa Uu Madaxweyne Siilaanyo Samaynayo

Recommended Posts

Hargeysa(HWN):-ururka suxufiiyinta Somaliland ee Solja ayaa canbaareyey xukunka lagu riday masuuliyinta wargeyska Hubaal.

 

Hargeysa(HWN):-ururka suxufiiyinta Somaliland ee Solja ayaa canbaareyey xukunka lagu riday masuuliyinta wargeyska Hubaal.

 

Xoghaya guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid oo xarunta maxkamada kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ururka suxufiyinta Somaliland ay canbaaraynayaan xadhiga lagu xukumay masuuliyiinta wargeyska Hubaal waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ? waxaanu aad u canbaaraynaynaa oo aanu ka soo hor jeednaa xukunka cadaala darada ah ee lagu qaaday wargeyska Hubaal oo maalintii labaatanaad xidhan iyo tafatirihii iyo maareeyihii oo lagu xukumay laba sano iyo hal sano, kuwaas oo lagu qaaday xeerka ciqaabta oo aan ahayn xeer madaniya?

Xoghaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo hadalkiisi sii wata ayaa intaas raaciyey ?Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin in lagu qaado xeerka madaniga ah iyo xeerka saxaafada Somaliland ee dalka u yaala,maaha macquul in la yidhaa wargeys ayaa labaatan cisho xidhnaanaya,dadkii laayeyna way maqan yihiin.?

 

Ugu danbayntiina xoghaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja waxa uu baaq u diray shacabka Somaliland,saxaafada madaxa banaan waxaanu yidhi ? Waxaan ugu baaqayaa dadka xoriyatul qawlka u dooda iyo deeq bixiyaasha inay fara gelin toosa ku soo sameeyaan arintaan, dadweynaha Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay ka mudaharaadaan oo ay ka dhiidhiyaan, saxaafada madaxa banaan ee Somaliland-na waxaan leeyahay waa inaad samaysaan shaqo joojin oo aanay mudo soo bixin, Siyaad Bare muu samayn jirin waxa uu maanta madaxweyne Siilaanyo Samaynayo wuxuu ku soo baxay Dimuqraadiyad waxaanu ku danbaynayaa digteetar ka soo baxay geeska Afrika.?

 

 

 

Cabdirisaaq Good Nuur

 

Hadhwanaagnews.com/Office

 

Hargeysa/Somaliland

 

Goud423@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this