Sign in to follow this  
malistar2012

Horjooge Xasan Daahir Aweys oo Ogolaaday in uu isaga Baxo Cadaado

Recommended Posts

Horjooge Xasan Daahir Aweys oo Ogolaaday in uu isaga Baxo Cadaado

Wararka naga soo gaaraya degmada cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in horjooge Xasan Daahir Aweys uu ogolaaday in uu isaga baxo Cadaado,laakiin waxa aan la sheegin halka uu aadi doono.

 

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta ku dhowaaqay in horjooge Xasan Daahir Aways oo ka tirsan kooxda al-Shabaab uu oggolaaday in uu ka baxo deegaannada maamulka uu ka arrimiyo.

 

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey oo uu waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kadib wada-hadallo qaatay inka badan 48 saacadood oo dhexmaray maamulkooda, wafdigii dowladda ee ka yimid Muqdisho iyo Xasan Daahir Aweys ay isla garteen inuu Xasan ka tago degaanada uu ka arrimiyo maamulkasi.

 

Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay in horjooge Xasan Daahir Aways uu aqbalay in uu ka tago deegaannada maamulkaasi, maadama uu ku adkeystay go’aankiisa ahaa inuusan aadin magaalada Muqdisho.

 

Afhayeen Hagafeey ayaa intaasi ku daray in guddi 14 xubnood ah loo xil saaray ka bixintaanka Xasan Daahir ee deegaannada maamulka Ximan iyo Xeeb, isagoo tilmaamay in guddiga uu dib ka soo sheegi doono halka uu u baxayo iyo waqtiga uu baxayo.

 

Hagafey ayaa sheegay in gudiga la saaray uu kulamo yeelan doono caawa ilaa bari soona sheegi doonaan halka uu aadayo iyo sida uu uga baxayo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

 

Horjooge Xasan Daahir Aweys oo naftiisa kala cararay maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu ka tirsanaa ayaa degmada Cadaado ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all this Man has no place in living peace for the rest of his life, the madness and the number of widow and widower he caused are extremely well over million. he is solely responsible for the Murder of the D Clan, he is the one who bragged about Raping and Stealing their houses, he is the one who has to answer not only Allah but to each and every one, He should be Hanged and Hanged High ,He is a killer hate his Red Blood Beard.No mercy to him anyone who Pardon him is as guilty as he is . Kill Him

Share this post


Link to post
Share on other sites

They should Hang him if he does not want to cooperate ............ Its shame Maamulka Ximan iyo Xeeb should of handed him over to the SFG ASAP let the man face justice in Mogadishu as sign of victory over the terrorist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this