Sign in to follow this  
malistar2012

Breaking news: Fartaag and Radeer forces join Barre Hiiraale , Raskomboni defeated

Recommended Posts

Dhamaan ciidamadii Col Yaasiin Nuur Raadeer Iyo Jeneraal Cabdilaahi Ismaaciil ( Fartaag) ayaa caawa isu soo dhiibay ciidamada Col Bare Aadan Shire,waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay isa soo dhiibeen ka dib markii ay arkeen in xaalada kismaayo faraha ka baxday isla markaasna laga awood roonaaday dhinaciii ay la safnayeen..

 

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka isla markaasna la beel ah Col Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inay haddaka dhinac safan yihiin ciidamadiisa isla markaasna dagaal kula jiraan Jabhadda Raaskambooni,waxaana wararku sheegayaan in ciidamadani ay sheegeen siro badan oo ku aadan meelaha kaydka hubka u ah jabhadda Raaskambooni.

 

Intii badneyd jabhadda raaskambooni ayaa la sheegayaa inay magan galeen Jamaacadii kismaayo isla markaasna ay magan caawa u yihiin ciidamada kiiniya ee halkaasi ku sugan, waxaana la sheegayaa inay ciidamada dawlada kiiniya sheegeen inaysan daamanad qaadi karin hadii la soo weeraro.

 

Dhinaca kale waxaa Rasaastii laga joojiyey haraadigii ku harsanaa Sartii K2 ee magaalada kismaayo halkaasi oo lagu hareereysan yahay,waxaana laga codsanayaa inay isa soo dhiibaan iyadoo ay jiraan wada hadallo lala furayo dhinacooda isla markaasna lagu wargelinayo inaan la dili doonin balse hubka dhigis lagu sameynayo.

 

Dhinaca kale Jeneraal Fartaag ayaa la sheegayaa inuu isagu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo uu isna magan u yahay ciidamada dawlada kiiniya iyadoo la sheegayo inuu doonayo inuu laftiisu isu soo dhiibo ciidamada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale.

 

Khasaaraha Dagaalka

 

Dagaalkii maanta waxaa ku geeriyooday 23 askari oo 15 ka mid ahi yihiin jabhadda Raaskambooni iyadoo 5 ka mid ah ciidamada Bare hiraale halka 3 -da kale ay yihiin shacab,waxaana la sheegaya in wali xaafada siinaay ay yalaan maydad ka tirsan kuwa Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo hadda la wado in meesha laga qaado. Dhinaca kale waxaa laga qabsadey 4 gaari oo nooca dagaalka ah jabhada Raaskambooni iyadoo sidoo kalena la gubay idaacadii ku hadli jirtey afka Jabhadda Raaskambooni oo wali holcaysa.

 

Si kastey ahaataba Axmed Madoobe iyo kooxdii tageersaneyd ayaa la sheegaya inuu gabalku u dhacay isla markaasna aanay jirin wax gacanta ugu jiraa iyadoo Axmed Madoobe hadda ku sugan yahay magaalada Addis Ababa isla markaasna ogolaaday in Maamulku uu noqdo mid ku meel gaar ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not looking good for Sh Modaba if this news is true ....... the Pirates are to be blamed for The Rise and fall of the Caagdheer leader ..... Where is Farole help ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this