Sign in to follow this  
Tillamook

The Night of the Long Knives: Godane borrows a page from Hitler's playbook

Recommended Posts

Axmed Godane oo ka takhalusay Hogaamiyashii kasoo horjeeday & Xiisad Xoogleh oo ka dhex aloosan Al Shabaab

 

Waxaa la xaqiijinayaa in Ciidamada Al Shabaab ay fuliyeen amar dil ah oo lagu fuliyey qaar kamid ah Hogaamiyayaashii ugu sareeyey ee lagu qabtay hawlgalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose.

 

Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (ibrahim Afghani) oo loo yaqaan Abuubakar Al-Saylici oo kamid ahaa hogaamiyaasha ugu sareeya Al Shabaab kana mid ahaa xubnihii uu Maraykanka baadi goobayey ayaa ku dhintay gacanta isla kooxdii uu kamid ahaa ee Al Shabaab kadib amar kasoo baxay Hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane.

 

Waxaa sidoo kale kamid ah xubnaha la dilay C/xamiid Xaashi Colhaye (Macalim Burhaan) oo kamid ahaa xubnihii dhawaan ka baxay garabka hogaamiyaha Al Shabaab. Labada nin ayaa kamid ahaa xubnihii lagu qabtay todobaadkii tagay magaalada Baraawe, kadib markii halkaasi uu weerar ku qaaday Axmed Godane.

 

Duulaankii Baraawe

 

Hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane ayaa fuliyey hawlgal aysan ku guuleysan Reer Galbeedka tan iyo intii la aasaasay xarakada AL Shabaab kadib markii uu maalin qura dilay intii ugu muhiimsaneyd kooxda Al Shabaab ee uu uga baqayey inay khal khal ku geliyaan hogaaminta Kooxda Al Shabaab.

 

Axmed Godane oo in muddo ah doon doonayey inuu hal goob kuwada helo sadex hogaamiye oo in dhawaale xurguf ka dhaxeysay ayaa helay fursadii ugu weyneyd habeenimadii Khamiista 19ka June kadib markii sadexda hogaamiye ee uu doonayey ay dhamaantood ku sugnaayeen magaalada Baraawe.

 

Ibraahim Afghani, Mukhtaar Robow Abu Mansuur iyo Xassan Daahir Aweys oo dhamaantood kasoo horjeeday siyaasada hogaamiyaha Al Shabaab ayaa la sheegay in ay magaalada Barawe ku lahaayeen kulan qarsoodi ah oo ay uga xaajeysanayeen sidii ay ka yeeli lahaayeen khilaafka xoogan ee soo dhexgalay Xarakada Al Shabaab.

 

Axmed Godane oo isagu hoos yimaadaan ciidamada Amniyaadka ee Al shabaab ayaa in muddo ah la socday dhaq dhaqaaqa Hogaamiyaashan wuxuuna isla habeenkii 19ka June diyaariyey ciidamo ka kala yimid Gedo iyo Jubada Dhexe kuwaasi oo uu u adeegsaday weerarkii lagu qaaday magaalada Baraawe oo ay ku sugnaayeen hogaamiyaashaasi.

 

Dagaalka ka dhacay Barawe ayaa waxaa ku dhintay in badan oo kamid ah dagaalyahanadii difaacayey hogaamiyaasha oo ay ku jiraan rag ajaanib ah. Waxay ciidamada Al Shabaab ee ka socday garabka Godane ay gacanta ku dhigeen sida la xaqiijiyey Ibrahim Afghani, Macalim Burhaan iyo xubno kale iyagoo nool.

 

Ibraahim Afghani ayaa lagu xiray guri ku yaal magaalada Barawe waxaana la toogtay saacado kadib markii magaalada Barawe uu ka baxsaday Xassan Daahir Aweys oo isagu ka badbaaday in la qabto.

 

Mukhataar Robow Abu Mansuur ayaa wararka laga helayo ay is burinayaan waxaana jira warar sheegaya in Roobow uu hada xiran yahay, isla markaana dilkiisa ay horjoogsadeen qaar kamid ah dagaalyahanada Al shabaab oo ay isku beel kasoo jeedaan, halka warar kale sheegaya inuu lug uga baxsaday magaalada Baraawe. Hase yeshee waxaa sii xoogeysanaya warar sheegaya in uu ku jiro gacanta Axmed Godane.

 

Xassan Daahir Aweys ayaa isagu gabaad ka helay qaar kamid ah maleeshiyaadka ay isku beesha yihiin oo ku sugnaa magaalada Barawe, waxaana lagu waday in maxkamad lasoo taago gudaha Magaalada Barawe, balse intaan hawsha loo gelin ayuu fursad u helay inuu dooni uga baxsado xeebta Barawe isagoo hada ku sugan magaalada Cadaado, isuna dhiibay maamulka Ximin iyo Xeeb.

 

Ibrahim Afghani (Saylici)

 

Dilka Ibraahim Afghani iyo Macalim Burhaan ayaa ah mid saameyn weyn ku reebi doona kooxda Al Shabaab hadii aysanba noqon mid burburisa kooxdaasi, maadaama labada nin ay qeyb ka ahaayeen tiirarka ay kooxdaasi ku taagneyd.

 

Ibrahim Afghani oo lagu tilmaami jiray xubnaha ugu waayo aragsan AL Shabaab ayuu Maraykanka ku doon doonayey 5 milyan oo dollar, wuxuuna ahaa xubin xiriir toos ah la leh Al Qaida iyo kooxaha kale ee Jihaadiyiinta ah, wuxuuna ahaa nin si weyn u aaminsan Jihaadka Caalamiga ah. Arrintan ayaa loo aaneenayaa inay sabab u tahay fikirka ay isaga horyimaadeen Axmed Godane.

 

Ibrahim Afghani ayaa difaacay raga Ajaanibta ah ee loo yaqaan Muhaajiriinta oo iyagu ku dhaliilay Axmed Godane inuu ku mashquulay siyaasad arrimaha gudaha ee Soomaaliya isla markaana illaaway jihaadkii Caalamiga ahaa, Afghani ayaa sidoo kale isku dayey inuu badbaadiyo xubno kamid ah Muhaajiriinta oo uu kamid yahay Abu Mansuur Al Amiriki oo uu xukun dil ah ku xukumay hogaamiyaha Al Shabaab.

 

Ibrahim Saylici ayaa tilaabadii ugu danbeysay oo uu qaaday ahayd qoraal uu u diray hogaamiyaha Al Qaida ee Ayman Al Zawahiri qoraalkaasi oo uu ku cambaareenayey Axmed Godane kuna codsanayey in ay Al Qaida soo dhexgasho xiisada ka dhextaagan Al Shabaab, qoraalkaasi ayaa waxaa sidoo kale la saxiixay Mukhtaar Robow Abu Mansuur iyo Xassan Daahir Aweys, arrintaasi oo uu Axmed Godane si weyn u dhibsaday.

 

Macalim Burhaan ayaa isaguna kamid ahaa xubnihii sida weyn uga qeyb qaatay dhanka wacyi gelinta dhalinyarada u dagaalanta Al Shabaab, waxaana la rumeysan yahay inuu kaalin weyn ku lahaa dhalinta ka tagtay wadamada reer Galbeedka ee ku biirtay Al Shabaab, ninkan ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay uu kamid ahaa xubnaha sida weyn uga soo horjeeda Axmed Godane.

 

Dhinaca kale Axmed Godane ayaa isku dayey inuu qariyo dilka Ibrahim Afghani iyo ragga kale oo uu gacanta ku dhigay, waxaa mar hawada laga saaray isgaarsiinta Baraawe, waxaa sidoo kale amaro uu dul dhigay kooxaha dhanka Warbaahinta uga shaqeeya Al Shabaab oo uu ku amray inaysan ka hadli karin hawlgalkii ay ciidamadiisa ka sameeyeen magaalada Barawe.

 

Xogta ugu danbeysay ee dilka raggan ayaa laga helay Xaasaskooda oo loo sheegay inay raggii qabay la dilay isla markaana ay asaysaartaan. Haweenkan oo ku sugan Barawe ayaa waxaa guryahooda ugu tagay qaar kamid madaxda Al Shabaab ee qaabilsan gobalka Shabeelada Hoose oo u xaqiijiyey in xukun dil ah lagu fuliyey labadaasi hogaamiye ee Ibrahim Afghani iyo Macalim Burhaan.

 

Waxaa isaguna weli baadi goobayaa Mukhataar Robow oo warar badan sheegayaan in la isku heysto dilkiisa maadaama ay maleeshiyaad badan oo kamid ah Al Shabaab ay kasoo jeedaan beesha hogaamiyahaasi, halka Ibrahim afghani oo kasoo jeeda gobalada Waqooyi uu waayey gacan militari oo ka difaacda duulaankii uga yimid Axmed Godane oo aan horey loo fileyn inuu ku tilaabsan doono weerar noocaan ah oo uu ku beegsado hogaamiyaasha Al Shabaab ka tirsanaa.

 

Waxaa iyaguna weli duurka ku jira kooxo Ajaanib ah oo la sheegay inuu isaguna kamid yahay Abu Mansuur Al Amiriki oo la sheegayo inuu weli nool yahay kuwaasi oo la sheegay inay ku guuleysteen in ay iska difaacaan weeraro uga yimid xoogaga Al Shabaab.

 

Arrimahan soo baxaya ayaa u muuqda kuwo uu Axmed Godane ku doonayo inuu awoodiisa ku adkeeyo balse dadka odorasa kooxda Al Shabaab ayaa ku tilmaamay xiisada hada ka dhex taagan Al Shabaab tii ugu xooga badneyd oo soo dhexgasha kooxdaasi xili ay kooxdaasi sii dhumineyso gobalo badan oo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moonlight, as the article states, Aweys and Roobow did escape, which is why the old man handed himself over to the government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He handed himself in to his clansmen. What this means for Shabab? Who knows. Godane rules it for now. But maybe a coup will happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amiir Godane just got rid of his trusted friend Ibrahim Seylici . Ibrahim Seylici was an explosive genius was the coordinator of all the attacks he was also in charge of the finances .rumors say that Abu mansur and Ibrahim seylici wanted to get rid of Amiir Godane. Godane got rid of Ibrahim seylici he beheaded him. And abu mansuur fled to his tribal home land. Others are saying Amiir Godane and Fuad shangoole are on the same side along with sh cali dhere and right now he has no one is challenging him for the throne he got rid of daahir aways got rid of seylici got rid of abu mansur. Seems Like Godane is the last man standing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Article also states that their beef started because Godane wants to focus his fight only within Somalia, while Aweys & co wanted to make their fight global. If this is true, the US will definitely want to get their hands on Aweys.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think it's the other way around. Aweys has always focused on Mogadishu as his final prize while Godane and crew believe in a Caliphate in Jerusalem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Amiir even though he allied him self with al Zawahiri, he did that just to get support, from them i doubt he is interested now to liberate Jerusalem. I wonder he will be focused on that he now just wants to annihilate the Amisom forces and carry more attacks against the SFG. I believe he just reorganized Alshabaab, its going through the same process as the Taliban in 2005. Getting rid of the difficult elements with in the movement, than shabaab will be more effective they wont be taking control of much regions but they will try to create havoc. And they will unite their strength all over the country and spare their resources and they will just double their attacks. Because Amisom will not face them as one front but they will be spread all over the place and fight a guerrilla warfare. The same as the Taliban exhausted the American NATO forces, Taliban got rid of the Al qaeda Afghanistan and the useless Arab fighters. Alshabaab is sick and Godane is trying to cure it by getting rid of the likes of ibrahim seylici daahir aways Amriki.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this