Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Tensions in Hobyo as Hassan daahir aweys arrived in the town by boat

Recommended Posts

Xiisad ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Faax oo u dhaxeeya degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo, kadib markii halkaas ay gaareen Ciidamo uu wato Sheekh Xasan Dahir Aweys oo labo cisho ka hor si qarsoodi ah uga soo baxay degmada Baraawe, markii uu Doon ka soo raacay.

 

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka Faax ay isku hor fadhiyaan Kooxo Burcad badeed ah iyo ciidamo la socda Sheekh Xasan Dahir, waxaana dadka deegaanka la soo deristay cabsi ku aadna in isku dhac dhex maro.

 

Hase ahaatee waxaa jira waan waan iyo dadaalo la xiriira in la dhameeyo xiisadaas, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in Sheekh Xasan Dahir uu ka dhoofi rabo garoon ku yaal Hobyo, kuna sii jeeda dalka Qadar.

 

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday wada hadalo u dhaxeeyay Sheekh Xasan Dahir iyo dowladda Qadar, kaasoo ujeedadiisa aheyd sidii dowladda Soomaaliya iyo Ururkii Xisbul Islaamki bur buray oo mas'uuliyiin ka mid ah ay dhowaan sheegeen inay ka goosteen ay dowladda wada hadal la furi doonaan.

 

War xalay lagu qoray bogga taageera Shabaab ayaa lagu muujiyay arrinta ku saabsan wada hadalada dowladda Qadar qorsheyneyso iyo dadaalada arrimahaas ku saabsan inay yihiin mid meel xasaasi ah maraya.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Shabaab oo ku aadan baxsashada Sheekh Xasan Dahir Aweys, iyadoo khamiistii degmada Baraawe uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Shabaab iyo kuwa daacad u ahaa Sheekh Xasan Dahir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this