Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan troops kill Somali troops in lower Jubba

Recommended Posts

Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow

 

Sabti, June 15, 2013(HOL) :- Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose, kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

 

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaano ku dhow Hoosingoow, iska-horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ay is-hortaag ku sameeyeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay isaga tagaan deegaanka Hoosingoow, waxayna arintaasi keentay in labada dhinac uu dhexmaro iska-horimaad xooggan.

 

Warar xog ogaal ah oo aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana iska horimaadkaasi ku nafwaayay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

 

Afar askari ayaa iska horimaadkaasi ku dhimatay sida uu HOL u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka J/hoose.

 

Isgaarsiintii deegaanka Hoosingoow ayaa hawada laga saaray, Ilaa imikana ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac mana jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo faahfaahin ka bixiyay arintaasi.

 

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ay soo gaareen ciidamo ka socda dowladda Siera Leone kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali military forces clash with Kenyan defense forces this just shows that the Kenyans are fighting on their own terms and are not assisting the Somali federal government

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

HAG troops tried to enter Kismayo like Barre Hiiraale did but they didn't take a boat, so they were killed. HAG never learns.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Milateriga Kenya Oo Dhibaato Weyn U Geystay Ciidamada Dowladda Ee Jubada Hoose

 

 

16062013093129.jpg

Husingo, June 16, 2013, (Mareeg.com): Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Jubada Hoose ayaa lagu eedeeyey iney shalay dhibaato weyn oo meel ka dhac ah u geysteen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

 

Milateriga Kenya ayaa shalay dilay ilaa 6 ka mid ah ciidamada xooga dalka, kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Husingo ee gobolka Jubada Hoose kadib markii khilaaf dhex maray.

 

 

 

Ciidamada Kenya oo garab siinaya maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa shalay is hortaagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo doonanayey iney aadaan Kismaayo kadib markii sida la sheegay halkaas ay ku qabsatay raashin la’aan.

 

 

 

Ciidamada Kenya ayaa isku dayey iney ciidamada dowladda Soomaaliya ka celiyaan Kismaayo, hase ahaatee markii arintaas ciidamadu diideen ayay weerar taangiyo loo adeegsaday, ku qaadeen, waxeyna halkaas ku dileen 6 askari, labo gaari oo ciidamadu leeyihiin waa gubeen, sida uu xaqiijiyey Max’ed Amiin Cusmaan oo ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda Gobollada Jubboouinka.

 

 

 

Siyaasiga ayaa waxa uu sheegay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan qeybo ka mida ah gobolada Jubbooyinka ay wadaan dhibaato ay u geeysanayan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka.

 

 

 

Siyaasiga Max’ed Amin Cusmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa wax uu carabka ku dhuftay in saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyo Axmed Modoobe ku heshiiyeen in la baabi’iyo oo meesha laga saaro ciidaada dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Wuxuu ku eedeeyey ciidamada Kenya iney beebayaal ku dileen qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, taasina keentay in ciidamadu dhulka keymaha ah ku kala firxadaan.

 

 

 

Max’ed Amiin ayaa waxa uu sheegay in xiriir ay la sameeyeen saraakiil Ciidamada Kenya ee ku sugan Husinog iyo Afmadow oo labaduba ah rag kasoo jeeda gobolka Woqooyi Bari Kenya, hase ahaate ay ugu Jawaabeen in ay leynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, kadib markii ay feker ahaan la safteen dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Ciidamada shalay dileen milateriga Kenya ayaa ka mid ahaa ciidamo Soomaali ah oo dowladda Kenya kusoo tababartay dalkeeda, waxaana arintaas murugu ku beertay Soomaali badan.

 

 

 

Mareeg.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this