Sign in to follow this  
malistar2012

Ciidamo milatari ah oo xaaladda Kismaayo wax ka qabta oo dhawaan Muqdisho ka bixi doona.

Recommended Posts

Waxaa socda qorshe balaaran oo ay wado dowladda Soomaaliya taa oo ku aadan in dhawaan magaalada Muqdisho maraakiib iyo diyaarado looga daabulo ciidamo ka mid ah xooga dalka Soomaaliya kuwaa oo wax ka qaban doona xaaladda magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Shabakada Balcad.com ayaa in dhawaan dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyn doonto magaalada Kismaayo.

“Dowladda ciidamo wax ka qabta xaaladda amaanka magaalada Kismaayo ayeey diri doontaa kuwaa oo Kumanaan gaaraaya, waana ciidamo dhex dhexaad ka ah dhinacyada halkaasi isku haaya” sidaasi waxaa inoo sheegay sarkaalkaan oo magaciisa ka gaabsaday inuu sheego.

Ciidamadaan ayaa laga yaabaa hadii ay Kismaayo tagaan in xaaladda ay sii qasaan maadaama magaalada Kismaayo hadda la aaminsan yahay in dagaalada ka socda ay dowladda ku lug leedahay.

Ciidamadaan xilliga la diraayo ilaa iyo haatan ma cadda hase yeeshee xaaladda Kismaayo ayaa shalay iyo maanta waxay tahay mid kacsan iyadoona magaaladaasi dagaalo ay ka dhacaayaan.

Balcad Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this