Sign in to follow this  
xiinfaniin

Injineer Yariisoow Kismaayo ma Dagaal baa ka Dhacay mise DAGAALLO maanta?

Recommended Posts

yariisoow.jpg

 

Nairobi (RBC Radio) Waxaa nasiib daro ah in sharafta madaxweynaha Soomaaliya ay si toos ah iyo si dadban ba ay uga qaadaan hawlwadeenada ka shaqeeya Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

 

Cabdirahman Cumar Cismaan laguna neynaaso Injineer Yariisoow ayaa waxa uu qoraal is burinaya ka qoray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan SH Maxamuud.

 

Injineer Yariisoow ayaa Madaxweynaha ama umada Soomaaliyeed waxa uu u hayaa labo shaqo oo aad u muhiim ah oo kala ah Senior Advisor & Spokesperson.

 

Qoraalka Injineerka waxa uu ku leeyahay in madaxweynaha in uu ka xunyahay in DAGAALLO ay ka dhaceen Kismaayo micnaha waxa uu ula jeedaa in Kismaayo ay hal dagaal ka badan ay ka dhaceen manta mana uu cadeen in dagaal oo ka dhacay manta ma labaa ma sadexbaa mase waa toban baa.

 

WAA KAN ERAYDII INJINEER YARIISOOW

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday DAGAALLO saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah

 

Hadii qoraalkaan oo warsaxaafadeed ahaa waxaad arkeysaaa in madaxweynaha uu ka hadlayo halka dagaal oo manta ka dhacey magaalada Kismaayo.

WAA KAN ERAYADII MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii yir “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u direyaa intii ku geeriyootay DAGAALKII saakay ee Kismaayo, ILLAAH-na uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan EEBBE uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo dhaawacooda.”

Ma haboona hadii uu Injineer iskiis wax u shuuceynayo uu u maro bahdilida ama sharaf ka qaadiska Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Ma si kahladan oo deg deg ayuu qoraalkaan uga soo baxay xafiiska Injineerka mise isagaa iskiis wax u shuceynaya?

 

Warsaxaafadeedka oo wada dhan halkaan hoose ka akhriso

 

Nairobi, 07 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday DAGAALLO saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii yir “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u direyaa intii ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, ILLAAH-na uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan EEBBE uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo dhaawacooda.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay ka soo kabaneyno dagaaladii 22ka sano inay nasiib daro tahay in Soomaali dhexdeeda is disho, waxuuna yiri “ Waxaan ku baaqayaa in xasiloonida la wada illaaliyo oo nabadeynta laga wada shaqeeyo. Dagaal shacab baa nooga dhinta oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh.”

 

Madaxweynahu waxuu ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara collaad, dagaal iyo dulqaad la’aan. Madaxweynahu waxuu yiri “Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si soomaalinimo ah ku wajahdo, kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada gaarno himilada aan wada hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isu taagto, lana tartanto caalamka kale.” Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa.

 

- DHAMAAD –

 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President

The Federal Republic of Somalia

engabdirahman@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually Ahmed and his men are doing what they supposed to do; keep the spirit of reconciliation in the national sense. But when it comes the governance of Kismayo , they have drawn a line on the sand. Today's conflict was triggered when some attempted to cross that line. No warlord can visit the Minister of defense without a prior notice to the admin. When Baasto wanted to defy that rule, he was intercepted and taken to Kismayo police station and detained. His elders came and collected him. When he was freed , he came back with militia hence the quick disperse that followed.

 

The admin imposed a security curfew ...the minister can stay as long as he wants, but his activities will be subjected to the local admin's rules.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this