Sign in to follow this  
xiinfaniin

Disagreement between Goverment Ministers at the Airport and Gov Comm in Kismayo

Recommended Posts

War Deg Deg ah– Wafdigii Dowlada Federaalka ah ee Kismaayo Joogay oo khilaaf soo kala dhex galay.

Kismaayo– Talaado, 28 May,2013–Pi– Xog rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Maalmahaan uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay labadii Wafdi ee Dowlada Federaalku usoo dirtey Kismaayo, kuwasoo kala ahaa Wafdigii ka koobnaa Xildhibaanada iyo kuwii ka koobnaa Sadexda Wasiir.

Sida aan xogta ku helney khilaafka oo markii hore u dhexeeyay labada Wafdi ee Kismaayo ku sugan ayaa iminka u gudbey Muqdisho ka dib markii Madaxweyne Xasan Shiekh uu amar ku baxshey in la baajiyo diyaarad maanta Muqdisho kasoo dooni lahayd Wafdiga Wasiirada ee Garoonka jooga.

 

Wafdiga ka kooban Xildhibaanada ee ku sugan gudaha Kismaayo ayaa markii hore ka caroodey Sababta keentey in uu Madaxweynuhu kasoo daba diro Wafdi kale oo ka koobnaa sadexda Wasiir, tasoo keentey in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo Wasiirada iyo Xildhibaanada Kismaayo ku sugan.

 

Wafdiga Dowlada Federaalka ee Degan Hotel Cascasey ah ayaa iyagu u arkayay in Dowlada Federaalku ay iyaga usoo wakiilatey suluxeynta Arimaha Kismaayo, Waxayna aad uga xumaadeen Wafdiga Wasiirada ah ee lagasoo daba direy iyadoon lasoo ogaysiin,Waxayna ka warheleen saacado badan ka dib Wafdiga wasiirada ah iney joogaan Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Dhinaca kale Khilaafka ayaa usii gudbey dhinaca Muqdisho ka dib markii Sadexda Wasiir ay Xalay dalbadeen in Diyaarad loosoo diro, lakiin nasiib daro Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si cad u hor istaagay diyaarada iney Muqdisho ka soo duusho.

 

Warar kale oo waxaa jira iyana sheegaya in Xubnaha ku sugan gudaha Garoonka Diyaaradaha dhexdooda ay kukala Aragti duwan yihiin joogitaankooda Kismaayo, Abaanduulaha Xooga Dalka ayaa si cad u cadeeyey ineysan Kismaayo joogin Ciidan isaga ka amar qaata oo Dowlada Federaalka hoos yimaada tasoo keentey iney ka xumaadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Cadaalada.

 

Khilaafka soo kala dhex galay Xubnaha Dowlada federaalka ah ayaa keeney in rag uu kamid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ay xiriir

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://puntlandi.com/daawo-video-xildhibaan-jabriil-xoosh-oo-sheegay-in-wafdigii-df-iyo-madaxweynaha-jubaland-sheekh-axmed-madoowe-uu-wadahadal-uga-bilaabmay-kismaayo/

 

In this video the spokesperson of PM's technical committee contradicts President's chief complaints against AMISOM in Kismayo . It also affirms that the committee recognizing the reality in the ground entered dialogue with Jubbland Federal State .

 

Hoosh reports progress , and showers praises on Jubbaland administration . They offered us protection he says, and we are happy to be in Kismayo :D :D, meanwhile three ministers are being holed up at the airport after denied entry for their misbehavior against Kismayo admin.

 

Hassan is being taught the other side of politics ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Xasan Sheekh Culusow oo dhexda ka celiyey Diyaarad dib ugu soo celin lahayd Muqdisho, Wasiiro ka tirsan DF ee Soomaaliya(Warbixin)

 

Kismaayo: (pp)-Waxaa meel xasaasiya maraya khilaafkii siyaasadeed uu u dhaxeeyey dowlada Jubbaland State iyo Madaxweynaha Df ee Soomaaliya, kaas oo si naf lacaariyaya isugu dayaya, inuu dhibaato siyaasadeed ka abuuro magaalada Kismaayo, inkasta oo maamulka Dowlada Jubbaland uu arrinkaas meel fiican ka istaagay.

 

Waxaa kaloo jira in weli garoonka diyaradaha ee magaalada Kismaayo ay ku xiyiran yihiin wasiiro ka tirsan Df ee Soomaaliya oo markii ay Xamar ka soo baxayeen laga soo dhaadhiciyey in Ciidamada Kenya ee Amisom ay amaankooda sugayaan , ayna u gudbinayaan guddaha magaalada Kismaayo, waxaa arrinkaas meel dhex-dhexaad ah ka istaagay ciidamada Kenya ee AMISOM , kuwaas oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya Kooxda Xasan Culusow iyo Madaxda Jubbaland State aysan ku lahayn wax Lug ah, laakiin howshoodu ay ku egtahay sugida ammaanka deegaanada Jubbooyinka meelaha ay ka joogaan.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saraakiisha sar sare ee AMISOM ay ka diideen Xasan Culusow kaddib markii Taleefan uu kula soo hadlay Saraakiisha Kenya ee ku sugan Kismaayo kana codsaday in Wasiirada DF ee ku xayiran Garoonka diyaaraaha inay u gudbiyaan Gudaha magaalada Kismaayo, arrinkaas oo ay AMISOM ay ka gaabsadeen ayna u sheegeen in Maamulka Jubbaland State Madaxdooda uu kala xaajoodo wixii siyaasad ah , laakiin aysan wax shuqul ah ku lahayn Ammaanka iyo Galbinta Wasiirada ku xayiran garoonka diyaaradaha .

 

Waxaa kaloo warar sugan oo na soo gaaraya ay sheegayaa in Xasan Sh. Maxamuud Culusow oo ku amray diyaarad soo qaadi lahayd Wasiirada Kismaayo ku xayiran in aysan usoo qaadin dhankaas iyo magaalada Muqdisho, isagoo ka baqaya inuu Weji gabax siyaasadeed oo sadexaad uu kala kulmo , haddii Wasiirada lagu soo celiyo magaalada Muqdisho oo ahayd xarruntii uu markii hore ka tageen.

 

Sababta ay ciidamada AMISOM ee Kenya, Xasan Culusow uga diideen inay Wasiirada u galbiyaan guddaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay ka baqayaan in magaalada Kismaayo uu ka dhacaan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Wasiirada DF ee ku xiyan garoonka, arrinkaas oo ugu wacan tahay shacabka Jubbooyinka oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Xasan Sheekh oo markaan la ogaaday inay ku dhisan tahay Colaado xiriir la leh kuwii Soomaaliya ka qarxay sanadkii 1991-dii oo la sheegayo inuu isagu Lug weyn ku lahaa.

 

Sikastaba, Maamulka Sare ee Jubbaland ayaa ciidamada amaanka Jubbaland Heegan geliyey , iyagoo isu diyaariyey khataro laga firan karo Al-shabaab oo la isleeyahay in ay wada xiriir hoose kala dhaxeeyo Xasan Sheekh, maadaama asbuucii la soo dhaafay Muqdisho laga hadal hayey inuu qalabaynayo Ciidamo Qabiil, oo loo ekeysiinayo kuwa Al-shabaab oo la doonayo in lagu carqaladeeyo Maamulka Cusub ee ka hana-qaaday Jubbaland State, oo 15-kii Bishan May lagu soo doortay si Dimoqraadiyad ah Madaxweyne iyo Kuxigeenkiisa intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I am wondering, where is the elected president of Jubbaland Korneyl Barre Hiraale on all this saga, maybe he is the one meeting up the government officials but I need Gabbal to confirm this, and that the level of coorporation between President Barre Hiraale and the SFG envoys is in good shape, waryaa Ilaah yaqaano oo runta noo sheego.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^LOL

 

Barre provided a valuable political cover for Hassan Sheekh's mischievous calculation ...but it was one time deal. Hassan's politics lacks firm foundation , it is one based on a spider web awoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

So it was a one day show, the 15th of May showdown, and we didn't heard from the man yet, and he caused hysteria on that day and got paid, and that was is it miyaad leedahay.

 

Also, if my good friend Xaaji Xeyraan is reading this, where is his breaking news about the Jubaland officials going to Nairobi, wallaahi SOL funny bey noqotey but without Xaaji Xeyraan SOL xaraarto yeelan meyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji habaar , composed a wicked habaar against jubbaland and he still prays dark against Puntland. The downfall of those two entities are his priority but Allah has other designs.

 

Ahmed did not go to Kenya for he has major tasks to do, listen to Aw Libaax he said they will be working on the parliament and cabinet soon. Hassan is in a rude awakening if he thinks he can reject federal states by a whim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfaniin anigu cidna ma habaaro , nin ilaahay ka cabsadan ahay oo foodu madoobatay sidan salaad u tukanayey.

Anigu waxan sheegaya uun XIinfaniinow Dawlada Somalia qaabkay wax u wado, iyo siday hada wax u yalaan. Iyo sharciyada ay dawlada Somalia leedahay hada. Anigu mamuulka budhcadbadeedka waligay ma habaarin. Mamuulka hada la dho dhoobay anigu kama so horjeeda eeh kismayo laga dhisayo wax aan uga so horjeeda ma hayo. Laakin cida ka so horjeeda wa dawlada Somalia oo raba inay mamuulka dawlada ku fidiiyaan deeganadaas.

 

 

Nuune Axmed madoobe safarkisi nairobi dib bu u dhigay ninka ku magac dheer Uhurro kenyatta ba yidhi iga joog waryeee xalaada ayaan wanaagsayn sabab madaxweynaha Somalia ayaa ad u dhalaceeyey dawlada kenya iyo qaabkay u dhaqmayso , wa sababta safarka Axmed madoobe ku tegi laha nairobi u baaqday. Laakin wu tagayey. Hada iGAD waxay tidhi axmed madoobe xamar ha tago oo ha la so heshhiyo madaxwyenihisa Bal taasaynu sugayna..

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xaaji wax baaqdey ma jiro waayo Hassan dhaleeceentiisu shalay unbey aheyd and your breaking news was last week, si fiican bal horta u fiiri, anyway, you know it yourself ku qodqodimaayo, balse in your opinion, what if we replace Madoobe with his old buddy Godane Amiirul Mu'miniin, what do you think of this.

 

 

Xiin, xaaladu meeshay ka quruntey dadka intiisa badan wey arkaan, laakin meeshan waxa ka soo socda ayaan la yaabanahay, dagaal horta ma dhici doono as some people campaign for it, but a major upsetis going to happen soon, even Hassan and Madoobe meeting up in Addis Ababa for heshiis is on the horizon, Nairobi would not be a good place for the two, nor Djibouti, markey kulmaan I like to see the facial expression on them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D @ what if we replace Madoobe with his old buddy Godane Amiirul Mu'miniin, what do you think of this.

 

Xaaji xunjuf would love it, he was always in bed with Alshabaab when they were slaughtering in the South

 

Xaaji your dark prayers are infamous , they are persistent as they are obvious

 

The thing is there is nothing your prayers could do the change the situation in Puntland or Jubbaland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune wa runta Axmed madoobe and Axmed godane heshiis bay ahayeen intanu Axmed madoobe Kiiniya raacin.

Horta waxan anigu raba muhiim maha waxa muhiim ah waxay dadka halkaas ku nool rabaan oo leader u raban , gaar ahaan dadka ku nool meeshas sida the camellovers the sheikhs the gedo community qolyaha tima adagta. Oo run ahaanti aad u saluugsan mamuulka Axmed madoobe , dawlada Somalia na aad bay uga so horjeeda because shirki kismayo looma dhamayn bay tagaantahya. Marka xalku wu adkanaysa,, axmed madoobe na ma rabu inu dib u dhaco because , magaca sharciyan u sito bay wax u dhimaysa.. Djibouti would be great to meet, or do you trust the Ethiopians more than the Somali Djiboutians? Bal weynu eegi halkay ka degto dhibaatada imika waxa wada kenya oo diidaya inay ka amar qataan dawlada Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Djibouti is no longer Djibouti, Faisal Cali Waraabe ayaa sheegay, wuxuu yidhi, Faransiis weeye kuwaa, no I don't like the Ethiopians, or Kenyans, or anyone of foreign nature.

 

Adigu Xaaji Xeyraan ahaan hadii maanta Jubbaland lagu qeebsanayo kuraas xildhibaano oo lagugu casuumo laguna dhaho kaalay kursigaaga qaado maxaad sameyn laheyd doesn't matter hadaad u dhalatey gobolka or not is the point Soomaaliweyn ayaa meesha wada dagto!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune Djibouti is a Somali country they have been trying to bring Somalis together its neutral ground you can discuss there your issues with the Somali president. The Ethiopians always have their motives never trust them Kenya is not good because the whole issue is about Kenya.

Nuune mise ugaandha..

 

Nuuune anigu waan tegi laha, laakin anigu hadaan meesha wax ku leeyahay waxan odhan laha shirka dadka qaban qaabinaya wa inay cid nagaga jirta dee hadi kale loooma dhama. Shir aan ogayn cidi ababuushay jin insi , maan iska dhex fadhisan kara?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I was in Djibouti recently, dadku waa horey Faransiisoobeyn, iyaagaaba daggan waddanka kaman aysan bixin so much for madax bannaani, no such thing as Somali in down there.

 

Uganda maxaa la dhahaa, Kenyana maxey tahey, Ethiopia haba ka hadlin, we all agreed foreign troops are not good for Somalia even if they are fighting Alshabaab.

 

Adigu su'aasheyda waxey tahey, Jubbaland wax waad ku leedahayee orod raadso kuraasta meesha lagu kala boobayo yaa yiri kuma lihid anoo Ruushka u dhashey xataa kursi baan ku yeelan karaa because waabaa Dayuurad Cargo oo Ruush ah ku soo dagtey Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this