Sign in to follow this  
Daqane

Somaliland oo sheegtay inay isku soo dhiibeen ciidamo ka soo goostay maamulka Khaatuma

Recommended Posts

Daqane   

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi xalay isku soo dhiibay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kuwaasoo ka soo goostay sida ay sheegeen maamulka Khaatuma State.

 

Taliyaha ciidanka militeriga maamulka Somaliland gaar ahaan qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abaara 8:00-fiidnimo ay isku soo dhiibeen ciidamadooda fariisinka ku leh gobolka Sool ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Khaatuma iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.

 

Sidoo kale taliye Axmed Hurre Haariye waxa uu sheegay inay ciidamadan isku soo dhiibay ee ka tirsan Khaatuma State ay wateen sida uu hadalka u dhigay baabuur nooca dagaalka ah oo uu ku raKibnaa qoryaha sida darandooriga u dhaca amaba lidka diyaaradaha, wuxuuna intaasi ku daray inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen ciidamadaasi, ayna kala wareegeen hubkii iyo gaarigii dagaal ee ay la soo baxsadeen, isagoo sheegay inay u lacageyn doonaan hubkooda.

“Ciidamada isku kaaya soo dhiibay si fiican ayaan u soo dhaweynay, waxaana ka iibinay hubkii iyo gaarigii ay wateen, waxaan u balanqaadnay inaysan wax dhib ah la kulmi doodnin oo qofkii rabaa uu ciidanka ka mid noqon karo, kii rabaana uu dadkiisa dhinac ka raaci-karo, waxaana ugu baaqeynaa ciidamada kale ee weli la safan maamulka nabad diidka ah ee Khaatuma inay ka soo tagaan oo ay ciidanka Somaliland ee walaalahooda ah ku soo biiraan” ayuu yiri taliyaha ciidanka Somaliland Mr. Hurre

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Khaatuma State oo beeninaya amaba rumeynaya warka ka soo yeeray maamulka Somaliland, sidoo kalena ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidan ka tirsan maamulka Khaatuma State isku dhiibaan kuwa maamulka Somaliland, waxaana maamulayaasha Somaliland.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this