Sign in to follow this  
malistar2012

Gudigii Dowladda Soomaaliya u xilsaartay arimaha Jubooyinka oo ka warbixiyay halka ay wax u marayaan

Recommended Posts

Khamiis, May 23, 2013(HOL) :- Gudigii ka koobnaa 16-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya u magacoowday arimaha Jubooyinka, mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay u marayaan kulamo maalmihii u danbeeyay ay la lahaayeen waxgaradka iyo odoyaasha kasoo jeeda Jubooyinka.

 

Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo ka mid ah gudiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayaan howlihii ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay, isagoona xusay in ay kulamo la qaateen odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, saraakiisha ciidamada, ururrada bulshada rayidka iyo weliba qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Juboooyinka.

 

Masuulkan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen magaalada Kismaayo ay ahayd sidii shir dib u heshiisiin ah loogu qaban lahaa beelaha dega Jubooyinka, wuxuuna tilmaamay in shirarkii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo weliba doorashooyinkii madaxweeynayaasha sheeganaya Jubbaland ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga iyo qaanuunka u yaal dalka.

 

“Dadka shacabka ah waan la kulannay, odoyaal dhaqameedyada ayaan la kulannay, waxaan la kulannay bulshada rayidka ah, dumarka ayaan gooni u aragnay, ciidamada saraakiishooda iyo iyagaba waan aragnay, koley fariinti aan wadnay way soo dhaweeyeen, ayaguna waxay lahaayeen waxaanu dooneynaa dowladnimo iyo in wadanka loo helo xal waara,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

 

Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in ilaa imika aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen afarta madaxweeyne ee sheeganeeysa hogaanka Jubbaland, isagoona intaa ku daray in aysan jirin cid ay u aqoonsanyihiin madaxweeynenimada Jubbaland.

 

Ugu danbeyn masuulkan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Jubooyinka in ay taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ay dooneeyso in ay ku xasiliso dalka, isagoona intaa ku daray in hadii aan sidaa la sameyn ay dhici karto in gobollada Jubooyinka ay dib ugu noqdaan colaadihii iyo dagaalladii sokeeye ee uu dalku kasoo gudbay.

 

 

 

……………………….

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo-Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this