Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Madaafiic xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Recommended Posts

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlayay hugunka madaafiicda oo ahaa kuwo ku soo daadanayay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

 

Wararka ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley oo ay ku taal Madaxtooyada ay ku dhaceen madaafiicda, oo gaarayay ilaa todobo madfac.

 

Lama soo sheegin ilaa iyo hada hadii qasaare ay geysteen, hase ahaatee madaafiicda ayaa haa kuwo ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyada, halka qaarkoodna ay gudbeen.

 

Madaafiicdan ayaa soo dhacay xalay saqdii dhexe wixii ka dambeeyay 12-dii habeenimo, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo riday madaafiicda.

 

Muqdisho ayaa mudooyinkan laga maqlin madaafiicda hoobiyeyaasha, iyadoo dhamaadki sanadki hore dhowr jeer madaafiic lagu soo tuuray Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

 

Hase ahaatee weerarada hoobiyeyaasha ee lagu soo garaacay Madaxtooyada ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku sugnaa, iyadoo labadii jeer ee u dambeeyay ee madaxtooyada lagu soo weeraray Madaafiicda aanay dalka ku sugneyn.

 

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wali ka hadlin madaafiicdan xalay ku soo dhacay xaafado ka tirsn magaalada Muqdisho.

 

www.jowhar.com

 

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiicda Hoobiyaasha ayaa habeenkii xalay lagu weeraray Villa Somalia

| on May 20, 2013

3 Comments

 

hoobiyaalXalay (Isniin) saqdii dhexe ayaa laga maqley dhawaaqa gantaalada Hoobiyaasha magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsadey xarunta ay degan yihiin madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Ilamaa iyo iyo 7 hoobiye oo aan lahayn jiheeye ayaa ku soo dhacay meelo ku dhaw Villa Somalia oo uu markaas ku sugnaa Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

 

Hoobiyaasha ayaa ku dhacay qaybo ka mid ah degmada Wardhiigley oo ay ku taalo Villa Somalia, Lamaha Amniga ee Dowladda ayaan ka hadlin hoobiyaasha xalay lagu soo tuurey qaybo ka mid ah xaafadda Wardhiigley iyo in ay geysteen wax khasaaro ah.

 

Marar badan ayaa sidaan oo kale weerar Hoobiyaal ah loogu qaadey madaxtooyada Villa Somalia inkasta oo mararkaas aanu ku sugneyn madaxweynuhu, waxaana ku dhintey dad deegaankoodu ku dhawaa Madaxtooyada.

 

Dhawaqa Hoobiyaasha ee habeenimadiin xalay laga maqlaayey dhamaan xaafadaha ku dhaw Madaxtooyada ayaa imanaya, xili Saraakiisha Dowladdu ku dhawaaqeen in amniga Muqdisho sugan yahay oo la isku halayn kado.

 

Dhanjka kale isla maanta waxaa lagu xirey Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir dhalinyaro faro badan kuwaas oo lala xiriirinaayo weerarkii xalay lagu qaadey Villa Somalia.

 

Horseed Media

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mortar attacks on Mogadishu’s presidential place

Hiiraan Online

Monday, May 20, 2013

 

Mortars landed residential areas near the presidential place in Mogadishu.

 

There are no reports of casualties in the late night attack in the capital.

 

“There were mortar attacks aimed at Villa Somalia and there is no casualties so far” said one of Mogadishu’s residents.

 

“We were scared because the mortars were landing very close areas to our houses, we don’t know who was launching them” Rahmo Abdille added.

 

Alshabab is thought to be behind these attacks despite no group has claimed the responsibility.

 

Residents say mortar attacks on villa Somalia were routine, but this was the first since the beginning of this year.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;952621 wrote:
The president is preoccupied with Kismayo , Mogadishu is not a priority anymore
:D

You are right Xiin, the President's head thinks upside down, its called misplaced priority. On other hand look at the other about the progress Jubbaland administration has made thus far in its few days existence, newly unified well organised well dressed Jubbaland police has taken Kismayo city's security responsibility while he, Hassan Culusow, is being shelled in Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this