Sign in to follow this  
Dr_Osman

Hargaysa Epedemic Pedophilia and Rape Crisis. SOMEONE DO SOMETHING

Recommended Posts

Dr_Osman   

DHACDO XANUN LEH:-8 jir ka sheekeyneysa kufsi loo geystay-: “Gabadhnimadeydii waayay, caddaaladna waayay”

November 13, 2012 - Waxaa Tafaftiray warkani : khaliif -

 

Kufsiga oo ka mid ah dembiyada ugu waaweyn ee laga galo haweenka, ayaa saameyn iyo cuqdad aan harin ku reeba noloshooda, gaar ahaanna wuxuu si aad ah uga jiraa dalalka ay dagaallada iyo colaaduhu ka oogan yihiin, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

 

Aamina (Ma aha magaceeda dhabta ah) waa gabar 18jir ah, hooyadeed iyadoo yar ayay dhimatay waxaana soo koriyay aabbaheed, sanadkii 2010kii dhammaadkiisii ayaa lagu kufsaday magaalada Hargeysa. Xilli habeen ah oo ay ka timid xaflad aroos, ayaa wiilal xaafadda ay isla degganaayeen ay soo weerareen, waxay kala carareen moobilkii ay wadatay, dabadeedna iyadoo kadaba carartay oo dooneysa inay moobilkii dib uga soo ceshato ayay surka bud kaga dhufteen, kadibna kula kaceen kufsi.

 

Aamina oo ka sheekeyneysa ayaa waxay tiri “ Muddo saacad ah oo aan miyir la`aa kaddib ayaan soo toosay, nin aan is garaneyno ayaan waddada kula kulmay kaddibna gurigeyga ayuu i geeyay, markii aan waalidkey arrinta u sheegay waxay i geeyeen saldhigga si loo dacweeyo wiilashii dhibka ii geystay, balse sidaan doonayay wax leyguma qaban, inkastoo urur samafl oo saacida haweenka kufsiga loo geysto uu i siiyay talooyin uuna ii caqli celiyay, igana caawiyay inaan nolosheyda dib u billaabo, niyda dhis fiicanna ii sameeyay”.

 

Aamina xilligaas ka dib waxay dacwad u gudbisay maxkamadda, iyadoo isku dayeysa inay cadaaladda la hortagto dadkii falkaasi foosha xun u geystay, balse maxay kala kulantay? “Garsoorihii ayaa igu yiri haddaad dooneyso in wiilashii dhibka kuu geystay laguu xiro, ma ahan mid suurto gal ah sababtoo ah wiilashu wax bey bartaan waana wiilal walaalahaa oo kale ah, waxaa kuu wanaagsan inaad iska cafiso oo aad qaadato magdhowgaaga 50ka halaad ah.

 

Runtii hadalkaas aad baan ula yaabay waana ka diidayay anigoo ku adkeystay in hal sano ha ahaatee wiilasha la ii xiro oo cadaaladda la ii mariyo, sidoo kale reerkeygu sidoo kale waxay doonayeen inaan magta qaato, balse sababaha aan u diiday magta waxaa kamid ah iyadoo aan maalin walba wiilasha is arkeyno oo aan xaafad wada degannahay taasoo i dhibeysa, iyo iyagoo haddii aan la xirin gabdho kale isla falkaan u geysanaya oo haddana mag dhiibaya. Dadaal dheer ka dib wiilashii hal sano ayaa lagu xukumay, nasiib darrose reerkooda ayaa lacag ka dhiibay waana lasoo daayay. Aniga magteydiina ma qaadan, wiilashiina lama xirin oo labada dhinacba waan seegay” .

 

Intaas ka dib waxaa gadhan ku dhacay niyad jab weyn, “Aad baan uga niyad jabay caddaalad darrada la igu sameeyay, haddii la ii ciqaabi lahaa wiilashaas dhibka ii geystay niyadda ayaa iigu degi lahayd, dhibka i gaaray culeyskiisa ayaa iga fududaan lahaa, iyagana mar dambe gabar kale kufsi uma geysteen. Balse hadda aniga ayaa is samirsiiyay maaddaama aysan ii harin wax kale oo aan sameeyo”.

 

Inkastoo Aamina cuqdad badan uu nafteeda ku abuuray falka kufsiga ah ee lagula kacay, haddana kama quusan nolosha, haatan gelin way shaqeysaa iyadoo gelinka kalana wax barata, balse waxaa walwal xooggan ku haya takoorka ay kala kulanto bulshada ay la nooshahay “Qof walboo i garanaya ayaa i far muuqaya oo dhahahay waataas gabadha la kufsaday, xitaa dadka aan guriga kula noolahay ayaan ka cabsi qabaa inay igu caayaan dhibka i gaaray.”

 

Aamina waxay ugu dambeyn farriin u direysaa dhammaan haweenka iyo gabdhaha sideeda oo kale loo geystay kufsiga, “ Waxaan ugu baaqi lahaa dhibbanayaasha kufsiga inay naftooda ku kalsoonaadaan, oo ay ogaadaan in kufsigu yahay qaddar gabar walba ku dhici karta, waa inaysan ka niyad jabin nolosha oo ay Ilaah talo saartaan.”

 

In badan ayay caddaalad darro ka cawdeen dhibbanayaasha kufsiga, iyagoo aaminsan in haddii ragga falalkan geysanaya la marsiiyo ciqaab adag, ay yaraan lahaayeen fal-dembiyeedkan foosha xun ee kufsiga.

 

W/Q:Nimco-Ayaan Maxamuud Ciise

 

Marqaan News Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Correction: Somaliland-Rapes story

 

MOGADISHU, Somalia (AP) - In a story May 12 about rapes in a region of Somalia known as Somaliland, The Associated Press erroneously reported that Somaliland declared independence from the rest of Somalia in 1960. Somaliland declared independence in 1991.

 

A corrected version of the story is below:

 

An upsurge of gang rapes has hit the breakaway region of Somaliland - a normally peaceful enclave considered by many to be a sanctuary from Somalia's decades of violence.

 

Knife-wielding young men follow women along the dusty streets of Hargeisa, the capital of the region, dragging them inside buildings to rape and rob them. Children are among the victims.

 

At least 84 women have been raped since the beginning of this year, according to rights activists and medical officials.

 

"This year is more terrifying than last year when we were barely receiving two or three in each month. This year we are seeing a new victim for every day," said a nurse at a hospital in Hargeisa. She insisted on anonymity because she is not authorized to release the details.

 

"It's rampant and victims are being attacked at homes, streets or anywhere now," she said.

 

The northern region of Somaliland declared independence from the rest of Somalia in 1991, but it has not won international recognition as an independent state. Having escaped decades of conflict in Somalia, Somaliland employs its own security and police forces, justice system and currency. It is seen by some neighboring countries as a bulwark against terrorism. It also has a reputation for successfully maintaining law and order for its population of 3.5 million.

 

The outbreak of gang rapes in Somaliland began early this year and has surprised local residents who blame gangs of young men.

 

Confronted by the spate of attacks, police have arrested dozens of suspects, but the rapes continue on Hargeisa's streets and in back roads.

 

Some of the victims were beaten while others suffered stabbings by the gangs. This could dent the women's freedom in Somaliland where they can drive and exercise many freedoms. Many women do not wear the veil in public.

 

But now some religious leaders suggest that women remain closer to their homes to avoid the rapes.

 

"This is in fact a horrible outbreak, raped and bleeding children are being brought into hospitals every day," said Nimo Hussein Qowdhan, Somaliland's deputy health minister. "It's becoming out of control. We must concentrate on fighting it."

 

Two young children were recent victims of the gang-rape attacks, said officials.

 

"It's a disturbing development, even children are being raped by criminals," said Fathia Hussein Ahmed, chairwoman of Somaliland's national human rights commission. "According to a report we have made, children are the most affected."

 

She said rapes continue to haunt victims, as many women are shunned by some communities after being raped by gangs. Some are divorced by their husbands because of the rapes.

 

"We are creating awareness among local communities to illustrate the negative impact of rape," she said.

 

The sexual attacks have brought the long-taboo subject into street conversations and have provoked calls for a new approach toward rapists, instead of the traditional clan-related legal solutions. Clan elders often let off rapists with softer punishments. In Somaliland, it is common for the clans to make their own rulings to evade harsher sentences from the government judiciary.

 

"We warn that the traditional clan justice system (should) avoid solving these cases, instead, courts must apply the ruling to such cases," said a statement from a consortium of human rights groups in Somaliland.

 

Unlike the rest of Somalia where women avoid reporting crimes to law enforcement agencies, women in Somaliland are increasingly reporting their cases to the hospitals and police. Hospitals are creating counseling for victims of sexual attacks. Activists say this may also be driving the increase in reported rapes, as women are aware of services and more likely to seek help or report rape.

 

However, police and rape victims struggle to identify the culprits who are believed to be unlinked, making it hard for investigators to contain the violence through arrests.

 

"You never know who's to blame," said Sadiya Hassan, a resident in Hargeisa, the capital of the breakaway region by phone. "The attacks forced us to avoid walking while dark or through back roads."

 

"This is not easy to pinpoint exactly what triggered (the rapes) but the cost of marriage for young people in Somaliland is too high and contacts between the opposite sex before marriage is also frowned upon and the fact that many youths in the diaspora returned to the country may also have contributed," said Mohamed Abdillahi, a university professor in Hargeisa city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

FADEEXAD: Kufsiga Dumarka loo geeysto ee Degaanada Somaliland oo laga caabaday

 

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in kufsigu uu magaaladaasi ka noqday mid aad u sii kordhaya. Warbixintaan baa waxaa qoray jaraa’idka AP

 

Kufsigaan oo ay geysanayaan inta badan dhalinyaro abaabulan ayaa waxaa loo geestaa badankii haweeen guryahooda habeenkii loogu dhaco ka dibna la xambaarto iyo caruur aad u da’ yar.

 

Warbixin laga qoray kufsigaan aadka u tirada badan oo ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo Hargeysa ku sugan ayaa lagu sheegay inta ruux ee kufsigaasi ku dhacay tan iyo bilaawgii sanadkaan in ay tahay 84 haween ah oo caruur ay ku jiraan.

 

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa ahayd markii Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadahana ee HRW sheegtay in ciidammo ka tirsan dowladda, kooxo hubeysan iyo horjoogayaasha kaamamka ay dhibaato isugu jira kufsi iyo dhac u geystaan barkacayaasha ku jira xeryaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay Hay’addaas ku qiyaastay tirada dumarka lagu kufsaday magaalada Muqdisho ay dhan yihiin 1700 dumar, ayna kufsadeen maleeshiyaadka dowladda.

 

Falalkan kufsiga ah ayaa Hay’addu sheegtay inaan inta badan la diiwaan galin amaba aan la sheegin, waxaana taa ugu wacan iyadoo haweenka la kufsado ay ka cabsadaan in laga aarguto iyo in bulshada laga sooco.

 

Shirkii London ee soomalida ayaa Hay’adda HRW ugu baaqday xubnaha ka qeybgalaya shirka London ka furmaya in ajandayaasha lagu daro oo mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha xuquuuqda aadanaha iyo isla xisaabtanka, gaar ahaa xuquuqda dumarka.

 

Isku soo wada duuboo kufsiga ku soo kordhaya deegaanada Somaliland ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ilaa hadda uusan jirin masuuliyiin Somaliland oo arrintaan ka hadashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay

 

Qisadan waa mid ka yaabisey qofkasta, waxaana qorey Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, waxaana u soo daabacney in waalidiinta caruurtu ay ku baraarugaan falalka naxdinta leh ee hareerahooda ka dhacaaya:

 

Kufsigii ugu naxdinta iyo yaabka badnaa ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii la faraxumeeyey gabadh yar oo jirta 7 bilood iyo wiil ay walaalo yihiin oo isagana da’diisu tahay laba sanno iyo badh.

 

Labada carruur ah ee la faraxumeeyey oo falkaas axmaqnimada ah dhaawacyo culus ka soo gaadheen oo hadda lagu daaweynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, aya sida la sheegay waxa arrintaas ciidammada boolisku u qabqabteen dhawr nin oo lagu xadhiidhinayo inay ka dambeeyeen falka cadowtinimada ah ee lagula kacay ubadka saqiirka ah.

 

Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana madax ka ah qaybta baadhista iyo la socoshada tacadiyada ka dhasha kufsiyada Mr. Axmed Daahir Aadan oo koox weriyeyaal ah shalay subax kula kulmeen gudaha cusbitaalka, ayaa xaqiijiyey in carruurtaas yaryar ee walaalaha ah lagula kacay faraxumayn cadowtinimo waxyeello weyn ka soo gaadhay.

 

Mr. Axmed Daahir waxa uu xusay in falkani yahay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faraxumeeyo wiilka iyo gabadhan walaalaha ah oo noqonaya carruurtii ugu da’da yaraa taariikhda ee soo mara Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

Agaasimuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wiilka iyo gabadha walaalaha ah oo cusbitaalka la geeyey Jimcihii toddobaadkan loo geystay kufsi dhaawacyo culus ka soo gaadheen labadoodaba, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay sii kordhiyaan falalka kufsiyada ah ee ka dhaca caasimadda Hargeysa.

 

“Arrinta kufsigu waa wax si weyn inoogu soo kordhaya, waxyaabo aynaan dhaqan u lahayn, waxaabaynu maraynaa maanta in carruur yaryar oo 7 bilood jira in la keeno cusbitaalka oo kufsi loo gaystay, waa laba carruur ah oo walaalo ah oo gabadh 7 bilood jirta iyo wiil laba sanno iyo badh jira, waxaana loo gaystay dhibtaasi oo ka muuqata, waxaanay iminka yaalaan cusbitaalka oo la keenay Jimcihii. Way jiraan kufsiyada noocan ahi oo waxa la arkay 3 sanno, 7 sanno , laakiin dhacdadani waa da’dii ugu yarayd.

 

Waxaannu codsanaynaa in la sameeyo wacyigelin fara badan, gaar ahaan warbaahintu, waa arrin aan loo dulqaadan karayn oo carruur aad u da yar ayaa la keenayaa, waxaanan qabaa in carruurnimada aanay waxba sheegi karin lagaga faa’iidaysanayo,†ayuu yidhi Dr. Axmed Daahir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan maqli jiray inanka geel jiraha ah oo caano ka dhergay ayaa wax samayn jiray, kadibna dalkaba wuu ka tagi jiray oo wuu baxsan jiray, iminka qofkii dhibtaa gaystay ayaa is difaacaya oo mararka qaarkood lagu odhanayaa waxba kama jiraan.â€

 

Agaasimuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey xafiis loogu talogalay inuu ka shaqeeyo falalka kufsiga oo laga sameeyey cusbitaalka Guud dhexdiisa, kaas oo hadda gacanta ku haya falka kufsiga ah ee loo gaystay labada carruur ah ee yar yar.

 

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafiiska SARC waxa loo sameeyey inuu ka shaqeeyo arrimaha kufsiga, gaar ahaan dumarka oo loo keenay hablo baadhitaan ku sameeya, waxaana iska shaakada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP. Runtii xafiiskani waxaad moodaa inuu faa’iido badan leeyahay, waayo qofkii dumarka ahayd qof la jinsi ah ayaa waraysanaysa oo qaadaysa oo maxkamadda gaynaysa. Dadweynahana waxaannu ku dhiirigelinaynaa cidii dhibtaa la kulanta inay xafiiskan yimaadaan oo ay ka helayaan caafimaadkii, booliskii iyo baadhitaankiiba, waxaannu xafiisku ku dhexyaalaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa.â€

 

Inkasta oo aan ilaa hadda xogo sugan laga hayn sida uu u dhacay falka axmaqnimada iyo nacasnimada leh ee lagula kacay ubadkaas iyo cidda fulisay toona, haddana sida aabbaha carruurtaas iyo adeerkood oo shalay ku sugnaa gudaha cusbitaalka Guud u sheegeen suxufiyiinta labadan carruurta ah oo ka soo jeeda qoys kala tegay, waxa faraxumaynta lagula kacay xilli ay gacanta ku haysay hooyadood oo sida la sheegay badhtamihii toddobaadkii hore kala soo wareegtay ayeydood aabbo o haysay, balse afar maalmood kadib markale hooyadood dib ugu celisay gacanta ayeydood, isla markaana ku wargelisay in carruurtu xannuunsanayaan, una raadinayso daawooyin dhakhtar u soo qoray, laakiin aanay dib ugu soo noqon ilaa hadda.

 

Waxa kale oo ilahaasi xuseen in markii ayeydood ka dareentay carruurta xaalad caafimaad-darro iyo oohin aan joogsi lahayn darteed isku dayday inay baadhis dhinaca jidhka ah ku samayso kadibna ku baraarugtay dhaawacyo culus oo ku yaal labada ubad ah, dabadeedna ula carartay dhinaca cusbitaalka, sidaana lagu ogaaday in waxyeellada soo gaadhay carruurtaasi ka dhalatay faraxumayn aan weli la caddayn siday u dhacday iyo cidda geysatay midna.

 

Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen waxa falkaas u xidhxidhan dhawr nin oo lagu tuhunsan yahay masuuliyadda tallaabadaas yaxyaxa iyo foolxumada leh ee lagula kacay gabadha toddobada bilood jirtay iyo wiilka yar oo isagana da’diisa lagu sheegay laba sano iyo badh.

 

Dhacdadan la yaabka leh, ayaa dad badan ku abuurtay argagax iyo fajiciso maskaxdooda ka dhaadhiciwayday, marka lo eego da’da carruurta la faraxumeeyey oo ah kuwo aanay weligood xataa ku riyoon in wiil rag u hunguroodo.

 

Geesta kale, saraakiisha laanta baadhista dambiyada ciidanka booliska (CID-da) oo sida la sheegay iyagu gacanta ku haya eedaysanayaasha u xidhxidhan falkan oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno xalay cawayskii si wax looga waydiiyo xogaha la xidhiidha faraxumaynta lagu kacay walaalaha abaydinka ah iyo cidda lo ohayo, ayaanay noo suurtogelin.

 

Xigasho: Jamhuuriya Newspaper

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this