Sign in to follow this  
malistar2012

Bogga hore keydka sawirrada radio mogadisho tartanka ramadaanka tubta toosan wararka xuska maalmaha

Recommended Posts

Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aadan arinta Gobalada Jubooyinka kadib kulan ay ku yesheen Gaalkacyo waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Galmudug.

 

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed waxaana waxaana u aqriyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

 

Waxaana Warsaxaafadeedka ugu horeyn lagu sheegay in maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug aysan taageersaneyn maamulada lagaga dhawaaqay magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka jubbada Hoose.

 

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Galmudug ay ugu baaqeeyso shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobaladaasi in ay ka feejignaadaan qalalaase hor leh oo ka dhasha gobaladaasi kuwaasi oo sababi kara in ay dib ugu laabtaan dhibaatooyinkii ka jiray halkaasi ka hor intii aan laga xoreyn maleeshiyaadka nabadiidkaa ee gabalkoodu sii dhacayo.

 

Warsaxaafadeedka ayaa ugu danbeyn lagu sheegay in Galmudug ay ugu baaqeyso Bulshada Gobalada Jubbooyinka in arinta maamul usameynta Gobalada jubooyinka ay uga danbeeyaan dowlada Soomaaliya ayna u dhaga nuglaadaan go’aanada madaxda dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this