Sign in to follow this  
Siyaasi

Cadde Muuse speaks!

Recommended Posts

Carafaat   

Gen.Cadde Muuse Xirsi: Xisbiyo Kama Jiraan Puntland ,Waxay Rabaan iney si Qarsoodi ah Sanaadiiq Wax Ugu Shubtaan (Dhageyso)

 

Qardho[RBC Radio] Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa maanta Shir Jaraa’id oo u ku qabtay magaalada Qardho markii ugu horeysay kaga hadlay Mowqifkiisa Siyaasadeed ee arrimaha Puntland xiligaan ka taagan.

 

Gen Cadde Muuse ayaa sheegay in muddo shan bilood ah uu ku dadaalayey sidii Puntland u adkeysan lahayd Shacab iyo Maamulba Nabadda 14-ka sano lagu naaloonaayey,wuxuuna xusay in mudda uu joogay uu ku wareegay gobolada iyo degmooyinka Puntland si arrimaha taagan wax uga qabto.

 

Maxaan u Aamusnaa?

 

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa sheegay in Sababta uu uga hadli-waayey arrimo badan oo Puntland ka dhacaayey ay ahayd inuusan dooneyn marnaba in Qalalaase iyo dhibaato ka dhacdo deegaanka balse xiligaan ay noqotay wakhtigii uu hadli lahaa,

 

…”"Waxaan u aamusnaa oo Shicbiga u sheegayaa wadanka iney qalalaaso iyo dhibaato ka dhacdo marabin,Issimadi baan arkay,Dawladii baan arkay oo ku noqnoqday raga dawladda u dhow baan u tagay una sheegay sidii Nabada looga shaqeyn lahaa oo la isugu imaan lahaa….”"”ayuu yiri Gen,Cadde

 

Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gen Cadde Muuse Guji Halkan

 

Xisbiyadda

 

Gen Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay Hannaanka Dimuqraadida wakhtigaan la wado waxba aysan ka jirin,wuxuuna ku sheegay Xisbiyada wakhtigaan jiraa kuwa laba qof iyo Saddex qof joogaan taasina aanba lagu sheegi karin Xisbiyo, wuxuuna Cadeeyey in Xisbiyo loo baahanyahay laakiin shaqada la wado waxba aysan ka jirin.

 

…”"” Xisbiyo sharci ku dhisan in la dhiso waa rabaa Dimuqraadi ah oo la doorto,qof kasta oo Puntland degan Xuquuqdiisa uu helo laakiin Xisbiyada hadda waad Ogtihiinoo Xisbi baa laba qof joogtaa,Xisbi baa Saddex, Xisbiyo majiraan waxa hada laga shaqeynaayo….”"”ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Xisbiyadu aysan shaqeyneyn isla markaana ay Ogyihiin rag loo soo diray Magaalooyinka kuwaas oo qorshahoodu yahay in si qarsoodi ah Sanaadiiqda ugu shubtaan balse taasi dhicimayso.

 

…”"”Xisbiyada shuruucdii la rabey oo dhan ayaa ka maqan,shuruuc badan,tira koobkii,Xuduudihii,warqadii la isku aqoonsanayey,Dimuqraadiyad waan rabnaa hala sameeyo marka Xisbiyadu ma soconayaa hada magaala kastaba rag baa loo soo diray waxay rabaan iney qarsoodi Sanaadiiq wax ku shubaan….”"”ayuu yiri Gen, Cadde Muuse.

 

Gen Cadde Muuse ayaa digniin u diray Dawladda Puntland,wuxuuna uga digay in si khaldan aysan u adeegsan Hannaanka Dimuqraadiyada isla markaana ay si toos ah uga shaqeyso Jiritaanka iyo Midnimada Shacabka reer Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D NGONGE

 

Our King is an old man...I knew the world endorsement of Puntland election as was apparent in London Communique will have an impact on certain blocks in Puntland, but I did not expect our King to come out ala mubaarazah style :D :D

 

This is not a big deal, We know where the pulse of Puntland people are , they want parties and that is what the world is supporting them to have

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this