Sign in to follow this  
Saalax

Angry unpaid Puntland soldiers close down Puntland's only economic lifeline(Bosaso port)

Recommended Posts

Carafaat   

nuune;947652 wrote:
The news is true but the titles do kill the whole story and take to another level which is not healthy in my view.

 

Nuune, your anger should be directed elsewhere instead of attacking SOL'ers. Because this is what raxanreeb wrote:

 

 

 

DEGDEG: Ciidamo Gadoodsan Oo Saacado Kooban Qabsaday Kantaroolka Boosaaso iyo Xaalada Oo Kacsan

 

Boosaaso[RBC Radio]
Ciidamada Daraawiishta ee Deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso ayaa Saacado kooban la Wareegay Hoggaanka Kantaroolka,waxayna Joojiyeen gebi ahaanba Isu socodka Gaadiidka soo galaya Magaaladda iyo kuwa ka baxaya.

 

Ciidamada oo ku hubeysnaa Gaadiidka Dagaalka ee Tiknikada ayaa sida la sheegay ka Cabanayey Mushaar muddo shan bilood ah oo aysan siin Dawladda Puntland,waxaana Carada ugu weyn ay ka dhalatay ka dib markii loo geeyey Mushaarka bishii 4-aad.

 

Mid kamid ah Gaadiidleyda Safarka ee u baxda Magaalada Qaradho ayaa Raxanreeb Online u sheegay in Ciidamadu u diideen in ay ka baxaan Magaalada isla markaana Kantaroolku ahaa mid Gaadiid badan isugu Yimaadeen.

 

Ciidamada oo difaac kaga jiray deegaanka Sugure ee duleedka Boosaaso ayaa laga gooyey 30% lacagaha ay Mushaar ahaan u qaadan jireen,iyagoona bishii Mushaar u qaata laba Milyan oo Shilin Somali ah,waana tan keentay iney ka gadoodaan Lacagaha laga jaray iyo bilaha ka maqan.

 

Dekedda Boosaaso.

 

Ciidamada Daraawiishta oo wata Gaadiid dagaal ayaa xiray wadada gasha dekeda weyn ee Boosaaso,waxaana Saacado kooban ay khalkhal geliyeen Hawlaha dekeda iyo Isu soocdka Gaadiidka ka shaqeeya gudaha Dekedda Boosaaso.

 

Bangiga Boosaaso

 

Bangiga weyn ee Boosaaso ayaa kamid ah goobaha kale ee ay Ciidamadu galabta tageen,waxayna sidoo kale Xireen wadooyinka laga galo Bangiga,waxaana Cabasi xoogan ay lasoo deristay dadka Shacabka ah ee degan agagaarka Bangiga,waxaana laga Cabsi qabaa in Iska hor imaad ka dhex dhaco ilaalada Bangiga iyo Ciidamada Gadoodsan.

 

Dhanka kale War lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Raxanreeb Online ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac oo lagu wadey in Boosaaso uu soo gaaro maanta uu ka baaqday sababo lagu sheegay Ciidamada xirtay Kantaroolka magaalada,waxaana warar kale sheegayaan in Ujeedada ugu weyn ee imaatinkiisa ahayd Lacagta Shanta boqol ee laga diiday magaalada.

 

Si kastaba hadal haynta ugu weyn ee maanta magaaladda Boosaaso ayaa ahayd Ciidamada Daraawiishta ah ee gadoodsan ee magaalada soo galay,waxaana hada socoda waan waan loogu jiro sidii Ciidanka dib loogu celin lahaa goobahoodii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this