Sign in to follow this  
malistar2012

Todobaadka iyo Soomaaliya Ku Dhegayso Qodob Xiiso Leh [Dhageyso] Taliyaha Booliska iyo Agaasimaha

Recommended Posts

Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu magacaabey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa loo magacabey Gen. Cabdixakim Dahir Siciid (Saacid), oo horey u ahaa ku xigeenka Taliyaha Booliska. Muddoyinkii la soo dhaafey waxaa la hadal hayey in la beddeli doono Taliyaha Ciidanka Booliska Shariif Shiikhunaa oo la magacabey xiligii madaxweyne Shiikh Shariif.

 

 

Agaasimaha cusub ee Hay’adda nabadsugida Bashiir Goobe

Dhanka kale isla shirka ayaa lagu magacaabey Agaasimaha rasmiga ah ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Waxaana loo magacaabey Gen. Bashiir Maxamed Jaamac oo dowladii Shiikh Shariif la soo shaqeeyey, haddana ahaa Wasiir kuxigeen ka tirsan Xukuumadda Raysalwasaare Saacid, ka hor waxa uu muddo ka soo shaqeeyey arrimaha Ciyaaraha.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Cali Mire oo saxaafada la hadlay shirkii Golaha Wasiirrada kadib ayaa sheegay in goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda qaranka, kadib markii ay magacaabistooda gollaha u soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka.

 

“Waa labo Jeneraal oo dalka laga yaqaan, aad baana Soomaalinimadooda, aqoontooda iyo hawl karnimadooda ugu kalsoonahay, waxaana ku kalsoonahay inay horseedi doonaan isbadal iyo horukac dhanka amniga dalka laga gaaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 

Agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugida Axmed Macalim Fiqi ayaa xilkan iska casiley mar sii horeysey, kadib markii cadaadis lagu saarey, isla markaana ay soo bateen maxaabiista jidadka la soo dhigaayo, iyo Xarakada al-Shabaab oo galaangal ku yeelatey sirdoonka Dowladda.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

gen_saacid.jpg

 

bashiir_goobe.jpg

 

Waa labo Jeneraal oo dalka laga yaqaan, aad baana Soomaalinimadooda, aqoontooda iyo hawl karnimadooda ugu kalsoonahay, waxaana ku kalsoonahay inay horseedi doonaan isbadal iyo horukac dhanka amniga dalka laga gaaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this