Sign in to follow this  
xiinfaniin

Shirkii madaxada Federaalka Somalia iyo Puntland uga socday Garoowe oo isafgarad lagu gaaray

Recommended Posts

Shirkii madaxada Federaalka Somalia iyo Puntland uga socday Garoowe oo isafgarad lagu gaaray

 

 

Magaalada Garoowe waxaa ku soo dhamaaday shir u socday Madaxweynaha dowladda federaalka Somaaliya iyo Madaxweynaha Puntlan,Saxaafadda ay u faahfaahiyeen arrimaha is afgardka ay ku gaareen.

 

Madaxweynaha Puntland CabdiRaxmaan Maxamed Faroole oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay inuu soo xirmay shirkii ay la lahayeen Madaxweynaha Somaaliya,wuxuuna xusay in in wax badan ay isku afgarteen waxabadana ay weli dhiman yihiin.

Arrimaha is afgaradka laga gaaray ayaa waxaa uu sheegay Madaxweyne Faroole inay ka mid yihiin.

 

In dib u heshiisiinta Soomaaliyeed loo maro wada hadalka Socda.

 

In la sameeyo Guddi Farsamo oo ay ku wada jiraan Puntland iyo Dowlada Federaalka oo ka shaqeeya Nabad-galyada iyo Mideynta Ciidamada Soomaaliyeed.

 

In la Ayido Heshiiskii horey u dhexmarey Puntland iyo Waftigii Ra,iisal wasaaraha markii ay Puntland soo gaareen oo sidii lagu socodsiiyo xag Amni iyo xag dhaqaale.

 

Madaxweyne CabdiRaxmaan Faroole ayaa sheegey in wali ay jiraan qodobo aan la isku afgaran kuwaas oo ay ka mid yihiin wadada loo marayo dhisitaanka Maamul Goboleed-yada oo uu sheegey in wali lagu kala aragti duwan yahay.

 

Faoole ayaa ugu danbayn sheegay in khiyaano lagu sameeyey Dastuurka qaar ka mid ah qodobadiisa,oo uu sheegey in lagu soo darey qodobo aan ku jirin wixii lagu heshiiyey ee dastuurka sida rasmiga ugu qornaa, isagoo sheeagay inay ka wada hadleen Madaxweynaha Federaalka.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh oo isna hadlay ayaa sheegay inay is afgarad gaareen,isagoo sheegay inay soo socon doonaan wada tashiyada iyo iskaashiga ku aadan hirgelinta midnimada,iyo dowlada dhistaanka Somaaliya.

 

“Guud ahaan ujeedada socdaalkaygu waxa uu ahaa wada tashi waxyaabahan isla soo qaadnay basi waa isku afgatanay waxa dhimana waan waan sii wadi doona,arrinta ku saabsan Dastuurka Federaalka weli waa qabyo dhamaystirkiisna waan ka wada shaqayn doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

 

Sidoo kele Xasan Shiikh ayaa sheeagay inay fulinayaan hishiiskii hore ay u wada gareen dowladda Federaalka Somaaliya iyo Puntland.

 

Madaxweynaha Somaaliya aya intaas ka dib ugu dhoofay magaalada Muqdisho,waxaana sii sagootiyey Madaxweynaha Puntland iyo masuliyiinka ka tirsan golayaasha xukumadda Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is just nothing Xiinow, the reality of what just happened in Garowe is otherwise but this is only made to be released for diplomacy. Laakiin Culusow Kir baa layiri isagoo afka buurayana wuu kacararay Garoowe oo yiri 'ANIGA XAMARAA ISKAAGA LABAHAA'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole's argument is very simple: federalism is the only hope Somalia has, you touch it and we are done. It is the law of the land, the only political framework Somalis could agree on. Jubbaland is one manifestation of federalism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Got the gist of the Sayid's line but in reality the man was accorded more than a world of a welcome in Garowe but when it came to politics there has been greater disagreements and was told to get lost.

 

Laakiin xaga soo dhawaynta iyo isxilqaanka si sare oo sare cirkaa ah ayaa loosoo dhaweeyay inuu wadanka Madaxwayhiisi yahayna waa loo muujiyay Puntland-na ay hoostimaado xukunkiisa laakiin fikradihiisa iyo policy-giisa lagu diidanyahay ayaan laga gaban oo idhaha laga saaray oo lahoyo xamar kula laabo lagu yiri isaguna ma garowsan oo magarnaqsan ee isagoo ciilsanbuu meesha katagay, warku waa intaas isagoo kooban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I don't have any details yet.

 

But I agree Hassan has been making unforced errors , his trip is too late , and he got no time to go London with a unified agenda . He is still complaining to foreign parties about Jubbaland State instead of going there and reasoning with the people who are gathering in the city to contribute to Somalia's stability ...

 

So that disagreement will arise is not a surprise

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE: Shirka London iyo Jubbooyinka oo Caqabado ku noqday Sii socoshada Shirkii Garoowe (Warbixin)

 

Garoowe: (pp)- Dowlada Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo shir Albaabada u xirnaayeen uga socday Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa aakhirkiisii uu kusoo dhammaaday is af-garan waa, waxaana la sheegayaa in shirka Jubbooyinka ka socda iyo Shirka London ay noqdeen qodobada la isku mari waayey, laakiin arrimo badan oo khuseeyey sharciga Federaalka oo meelo badan looga tuntay la isku fahmay.

 

Madaxweynaha Puntland iyo wasiiradiisa ayaa ku soo jeediyey in ajandaha shirka London hadafka laga leeyahay la wadaago, halka dowlada ay ku doodayso inay Ajandaheeda ay iyadu afka iyo Lugaha ku wadato, arrinkaas oo ay Puntland ku gacan sayrtay.

 

Jubbooyinka ayaa ka mid ah qodobka kale ee Xasaasiga ah , iyadoo dowladu ay qabto inay u magacowdo Maamul kumeel-gaar ah , arrinkaas oo ay Puntland ku tilmaantay kutumasho tastuurkii dalka , ayna sharci u haysan dowlada Federaalka ee Soomaaliya inay magacowdo Maamul ay iyadu keensatay.

 

Dowlada Puntland ayaa ku dooday in aan la garab mari karin xuquuqda shacabka Jubbooyinka oo dastuurku u ogolaanayo inay maamulkooda dhistaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this