Sign in to follow this  
Dr_Osman

Hassan Shaykh And Professor Samatar To Arrive In Puntland's Capital Garowe

Recommended Posts

Dr_Osman   

War Deg Deg ah– Madaxweyne Xasan Sheikh oo beri tagi doona Garowe

 

Garowe April 27, 2012–Puntlandi– Warar dublamaasiyadeed oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu beri oo axad ah April 28 Garowe tagi doono islamarkaana uu halkaa ku qaabili doono Madaxweyne Faroole

 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo iminka ku sugan Magaalo xeebeedka Mombasa ayaa halkaas wuxuu kulan kula yeelanayaa Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, oo ay ka wada hadlayaan amuuro ku saabsan xaalada Soomaaliya.

 

Sida ay warka ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com Kulanka ka dhici doona Garowe ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu wada tashi ku aadan Shirka London uu kala yeelanayaa Madaxweyne Faroole.

 

Puntlandi.com

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Prof.Axmad Ismaaciil Samater oo kusoo wajahan Deegaanada Puntland

 

Prof.Axmad Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoon yahana Soomaaliyeed,waxna ka dhiga Jaamac ku taal Mareykanka ayaa shaaciyay inuu socdaal ku imaan doono deegaanada Puntland,isla markasna u guur gali doono xaalada dadka degan dhulkaasi ay ku sugan yihiin.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Prof.Axmad xooga inuu saari doono sidii uu dhaayaha usoo saari lahaa xaaladaha kala duwan ee dadka soomaalida ah ay ku jirto,wuxuna sheegay Xamar oo kaliya inaysan Soomaaliya ahayn balse ay wanaagsan tahay in la helo dareenka dadka Soomaaliyeed.

 

Hadalkaan ayuu sheegay xilli uu ku dhawaaqayay inuu isaga baxay baarlamaanka Soomaaliya oo xubin ka ahaa,wuxuna sheegay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed inay san ku xirnayn xil basle loo baahan yahay in mar kasta laga shaqeeyo midnimada Soomaali oo dhan iyo sidii loo horumarin lahaa.

 

Docda kale siyaasada madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku sheegay inay ka bixi la dahay ku dhaqanka 4.5 ayna wax sidaasi usii wayn gudaha dalka kusoo kordhin,wuxuna Prof,ku sheegay inay wanaagsan tahay in lagu dhaqmo nidaamka federaalka iyo waliba sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ay kusoo jireen in ka badan 20-sano.

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War deg deg ah oo toos ah–Live– Garowe oo gabi ahaan Xiran, Xasan Sheikh oo la sugayo iyo amaanka oo la adkeyey

 

Live from Garowe

 

Inkastoo uusan Wali Madaxweyne Faroole uusan Tagin Garoonka diyaaradaha Garowe si uu usoo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Sheikh hadana waxaa Garoonka hada ku sugan Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Wariyayaal fara badan, Magaalada Garowe ayaa amaankeeda aad loo adkeyey iyadoo wadooyinka qaar ay xiran yihiin, waxaa magaalada lagu arkayaa qaybo kamid ah Ciidan dheeraada, Wadooyinka Magaalada soo gala ayaa goor dhaweyd gabi ahaan la xirey iyadoo la sheegey in dib loo furayo dhowaan.Waxaa magaalada dul heeheebaya Helikopteradii dowladda Puntland oo ka qayb qaadanaya ilaalinta, amaanka iyo nabadgelyada Magaalada Garoowe.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh Marka uu yimaado Garowe waxaa losoo galbinayaa dhinaca Magaalada, Waxaa lasoo dhexmarsiinayaa Magaalada, si uu salaan uga qaato shacabka Magaalada iyadoo xawaara gaaban gawaarida lagu wado, ka dibna waxaa loo galbinayaa Madaxtooyada cusub ee Puntland halkaasoo ay kulamo goos goos ah ku yeelanayaan isaga iyo Madaxda Puntland, Waxaa iyana la qorsheynayaa inay wada qadeeyaan isaga iyo Madaxweyne Faroole, qadadaasoo ka dhacaysa Madaxtooyada Puntland ee Cusub. Boolis dheeraada ayaa koox koox u lugaynaya Wadooyinka Garowe, meelaha qaar waxaa lagu arkayaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Martida, kuwasoo ku hubeysan hub culus iyo Qalab casri ah, waxaa iyana meelaha qaar lagu arkayaa Ciidan dharcad ee nabadsugidda ah(PIS).

 

Waxaa jira wadooyin gabi ahaan xiran magaalada, inkastoo shacabka Magaalada ay badankoodu isu diyaarinayaan soo dhoweynta Madaxweynaha

 

Kala soco Puntlandi safarka Madaxweynaha ee Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Shacabka Puntland oo siyaabo kala duwan u arka soo dhaweynta Madaxweynaha Dowlad Federaalk

 

Qormadaan mid ka mid ah Wariyayaasha Puntlandi ee Garowe ku sugan ayaa ku falanqaynaya jawiga Iyo soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheikh ee Puntland

 

Garowe–April 28, 2013–Pi— Maanta waxaa Magalad Garowe ee Caasimda Puntland marti u ah Madaxweynaha Dolada Federaalka Soomaaliya taasoo imaatinkiisa ay siyaabo kala duwan uga sheekeysanayaan Shacabka Puntland goobaha lagu qaxweeyo iyo goobaha shaqada.

 

Dadk badankooda ayaa aamin san inuusan Xasan Shiikh marnaba uusan heleyn soo dhaweyntii loo sameyn jirey ragii isaga ka horeeyey sida Madaxweyne Shariif Shiek Axmed iyo Raysal waaare Gaas, tasoo ay ku macneeyeen dad badan inuusan Xasan Sheikh ahayn nin u muuqda inuu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed, balse habdhaqankiisu yahay Madaxweyne Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sida uu u diidan yahay nidaamkii isaga lagusoo doortey ee Federaaliisamka, waxay kaloo ku macneeyeen sida uu u maareeyey Xaalada Jubooyinka oo aan lagu farax sanayn, dhinaca Siyaasada Arimaha Dibada ayay dad badan u arkaan inuusan wax guul ah uusan ka gaarin.

 

Saaka Waabarigii mar aan dhexmaray suuqa Garowe waa la hadal hayaa imaatinka Madaxweynaha lakiin jawigu wuu ka dawan yahay subax aan xasuusto oo la mid ah subaxaan oo kale waa subixii uu madaxweyne Shariif imaanyay Magaalad, iilamana muuqato inuu Madaxweyne Xasan sheikh helaayo soo dhaweyn diiran dhinaca shacabka Puntland.

 

Goor dhow ayaa la filayaa inuu madaxweynuhu kasoo dago Garoonka Diyaaradaha Garowe, halkaasoo ay iminka kusii wajahan yihiin Madaxweynha Dowlada Puntland Dr. Faroole iyo Masuuæiyiin kale.

 

Puntlandi.com

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War Deg Deg Ah—Madaxweyne Xasan Sheikh oo Garowe u duuley iyo Madaxweyne Faroole oo Garowe kusoo dhweynaya

 

 

Muqdisho–April 28, 2013–Puntlandi.com– Madaxeynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Wafdi uu horkacayo ayaa goor dhowayd ka duuley Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade ee Magaalada Muqdisho isagoo kuii jeeda Puntland.

 

Sacada soo socota ayuuna ka dagayaa Garowe halkaasoo uu ku soo dhwayn doono Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Masuuliyiin ka tirsan Labad Gole ee Puntland.

 

Kala soco puntlandi safarka Madaxweynaha

Puntlandi.com

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dr_Osman;944009 wrote:

Ciidan dheeraada, Wadooyinka Magaalada soo gala ayaa goor dhaweyd gabi ahaan la xirey iyadoo la sheegey in dib loo furayo dhowaan.Waxaa magaalada dul heeheebayaHelikopteradii dowladda Puntland oo ka qayb qaadanaya ilaalinta, amaanka iyo nabadgelyada Magaalada Garoowe.. Boolis dheeraada ayaa koox koox u lugaynaya Wadooyinka Garowe, meelaha qaar waxaa lagu arkayaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Martida, kuwasoo ku hubeysan hub culus iyo Qalab casri ah, waxaa iyana meelaha qaar lagu arkayaa Ciidan dharcad ee nabadsugidda ah(PIS).

The security forces are looking 4 the xunjufs, the jbs, the burahadeers and theyre shabab infested family

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War Deg deg Ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Garoowe

April 28, 2013 - Written by Webmaster - Edited byadmin

 

Wararka Deg dega ah ee ku soo dhacaya Warqabadka SBC International ee xarunteeda Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in si rasmi ah uu u soo gaaray garoonka diyaaradaha Kanoko ee magaalada Garoowe Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Garoowe Dadweyne aad u tiro badan oo ay horkacayaan Madaxda Sar sare ee Puntland .

 

Waxaa ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamanka.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn iyo salaan safdheer ka dib loo gelbiyay dhanka iyo madaxtooyada dowlada Puntland ee magaalada Garoowe,

 

Waxii ku soo kordha wararka dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

Daalacatey :122

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Indeed man you are right yaa Oba, and bad move too from Faroole for welcoming him to Puntland. Culusow's HAG mentality belongs to Muqdisho and should stay and keep locked in there never to visit Puntland ever again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Oba, Xamar and Garowe are both Somalia. The President has every right to visit anywhere in his country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhoweyey Garowe

28 Apr 28, 2013 - 4:00:43 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn maanta 28 April,2013 loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Puntland Garowe ,waxana wehelinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo barlamanka Somalia.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ,taliyaasha ciidamada kala duwan ,aqoonyahano ,culimo ,dhalinyaro iyo ururada haweenka ayaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweyey Xasan Shiikh.

 

Aqalka madaxtoyada cusub ee Puntland ayaa wafdiga DF Somalia loo galbiyey ,waxana halkaasi labada masuul ay kula hadleen saxaafada.

 

Madaxweyne Farole ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay booqashada madaxweynaha Somalia uu ku yimid Garowe ,isagoona xusey in ay filayeen indhowaale imaatinkiisa.

 

Dhismaha DF Somalia iyo kaalintii Puntland ay ka qaadatay hirgelinta geedi socodii ''RoadMapka'' ayuu wax ka taabtay ,halka uu Puntland ku tilmamay hooyadii Dowladda Soomaaliyeed.

 

Nidaamka Federaalka Somalia ayuu ku sheegey Farole mida keliya ee la iskugu soo celin karo Somalida ,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada ay yeelan doonaan.

 

''Somalia waxa la iskugu soo celin karaa oo keliya waa Nidaamka Federaalka oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay'' Ayuu yiri Farole oo sheegey in latashiyo iyo shirar ka yeelan doonaan dhamaystirka dhismaha DF Somalia.

 

Dhankiisa ayuu Xasan Shiikh Maxamuud ka mahadceliyey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey,isagoo hoosta ka xariiqey in Puntland bud dhige u ahayd dadaalkii looga baxay KMG-nimada Somalia.

 

''Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir'' ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay sida dowladiisu ay u dhaqan gelineyso nidaamka Federaalka Somalia.

 

Midnimada Somalia iyo sidii la iskugu keeni lahaa Somalida ayuu madaxweynuhu sheegey inay ka shaqeeynayaan ,waxana uu yiri.

 

''Dalkaani waa mid ,war ma kaal go'naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno ,Somali waa hal''.

 

Puntland ayaa Xasan Shiikh ku tilmaamey mid tusaale u ah Dowladda Soomaaliyeed maadaama ay ku timid fikir Soomaaliyeed oo isku tashatay iyadoo cidna dibadda uga iman.

 

Kulamo iyo shirar ayaa la filayaa inay galaan madaxda DF Somalia iyo Puntland intay booqashadani socoto ,waxana sidoo kale ay booqan doonaan xarumo ku yaal magaalada Garowe.

 

Kala soco Garowe Online booqashada Xasan Shiikh ee Garowe

 

1_39.jpg

18_3.jpg

8_22.jpg

2_37.jpg

3_38.jpg

5_33.jpg

15_5.jpg

4_33.jpg

7_29.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this