Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Foreign minister: Somaliland and Somalia to have talks in Turkey

Recommended Posts

Saalax   

Xukuumadda Somaliland oo goor dhaweyd Qasriga Madaxtooyadda kaga dhawaaqday inay wadahadalo toos ah Somaliya toddobaadka soo socda Dalka Turkiga kula yeelan doonto

 

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyadda goor dhaweyd ayaa ku dhawaaqay in wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland toddobaadka soo socda Si rasmi ah markale uga furmi doonaan Dalka Turkiga isla markaana Somaliland iyo Somaliya labaduba aqbaleen martigelintaas

“Waxaan jecelahayn caawa inaan saxaafadda halkan uga cadeeyo arrin la xidhiidha wadahadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Somaliya. Sida laga war-qabo beesha Caalamku waxay ku baaqday kal hore bishii labaad in labada Dal ee Somaliland iyo Somaliya ay wadahadlaan, oo ay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo Iskaashiga labada Dal dhex mari kara ee wax wada qabsigooda, intaasi kadib labada Dal waxay Dalka Ingiriiska bishii June eek al hore ku yeesheen wadahadalkii u horeeyay ee dhex mara muddo dhawr iyo labaatan sano ah labada Dal.

Waxa wadahadaladaasi la isku raacay in ay labada Dal ay ku wada heshiiyaan qaabka loo wada hadalayaa inuu noqdo qaab laba geesood ah Somaliland oo dhinac ah iyo Somaliya oo dhinaca kale ah, kana wadahadlaya markaa Arrimahooda iyo mustaqbalkooda.

Waxa taa xigay shir ka dhacay magaaladda Dubai oo labada Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Somaliya ay wadahadaladaas saxeexeen Ajandayaasha iyo waxyaabaha laga wadahadlayo, iskuna raaceen labada Dali nay sii ambaqaadaana dariiqaas, arrintaasi waxaad moodaa muddo inay joogsatay sababtoo ah iyada oo Somaliya ay Dawlad cusubi muqdisho ka dhalatay, muddana u baahatay inay arrimaheeda gaarka ah ka tashato.

Waxay labada Dal yeesheen xidhiidh iyo balamo ay markaas kaga wadahadlayaan sidii dib loo bilaabi lahaa, waxaan halkan doonayaa inaan ka cadeeyo in Dawladda Turkiga oo ah Dawladda la saaxiib ah Somaliland iyo Somaliya iskaashi iyo xidhiidhbana la leh labada geesood inay ku martiqaaday inay labada dal in ay dib u bilaabaan wadahadaladii hore u bilaabmay, labada geesoodna arrintaas way soo dhaweeyeen, waxaan markaa qaadanay in muddo gaaban gudahood oo laba wiig aan ka badnayn kadib ay labada dawladood ku wadahadlaan Dalka Turkiga oo ay sii ambaqaadaan arrimihii berigii hore ee wadahadalku ka furmay. Markaa waxaan jecelahay in shacabka reer Somaliland iyo beesha caalamka ee kalaba aanu sidaasi ku war-gelino, inaanu ka dal ahaan martiqaadkaas Dawladda Turkigu bixisay aanu aqbalnay oo aanu soo dhaweynay, oo aanu jecelnahay in dariiqaas hore u bilaabmay la sii wado si markaas qadiyadii Reer Somaliland ay u noqoto mid aanu ka midho dhalin karno, oo aanu himilada qarankani leeyahay ku gaadhi doono.

Waxa kaloonu warka ku qaadanay in ay geesta kale soo dhawaysay, waxaanu rajaynaynaa muddo laba wiig ah kadib in wadahadaladaasi mar labaad Dalka Turkiga ay ka bilaabmi doonaan.” Ayuu ku yidhi wasiirku shirkiisa jaraa’id

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

For those wondering, this is exactly the kind of engagement Somaliland should partake in (i.e. something that actually concerns SL) as opposed to a pointless London conference that holds little to no importance for the affairs of the country

 

We'll see where it goes, and close scrutiny should be paid to the role of Turkey, and how the talks affect the interests of the Turks in the region

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this