Sign in to follow this  
Che -Guevara

Kismayo talks collapse says Somali government

Recommended Posts

Shirka Kismaayo:

 

"Waxyaabaha kale ee aanu kusoo aragnay Kismaayo, waxaa ka mid ah shir-weyne ka socda Kismaayo oo ay qaban-qaabiyeen dad Soomaaliyeed oo runtii iskood u dadaalay, shirweynahaas danta ay u qal-qaaliyeen markii aan weydiinnay waxay noogu sheegeen inay ku dhisayaan maamulka Jubbaland oo mustaqbalka la filayo, runtiina waan u kuur-galnay waana dhegeysannay, dabcan waxaan bogaadinaynaa marka dhibaato timaaddo qaabka loo wajahayo inay tahay qaab dadka ka billowda, kana tashada aayahooda, hase yeeshee waxaan si cad ugu sheegnay dadweynaha iyo madaxda Kismaayo qaarkood, inay quman tahay in xal lag doono dadka dadka gudihiisa,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Qaabka shirka loo diyaarinayay ma aha mid waafaqsan sida aan ugu talogalnay in maamul goboleedyada loo dhiso, marka aan sidaasi leeyahay, waxaan uga danleeyahay, marka la sameynayo maamul goboleed waxaa hoggaaminta dowladda iska leh dowladda, iyada ayaana iska leh xaqiijinta sida loogu dhan yahay, laakiin go'aan-ka-gaaridda dadka ayaa iska leh."

 

"Shirkaas waxaa ka maqnaa wax badan oo ay ka mid tahay shuruuc, doorkii dowladda iyo xaqiijinta," ayuu mar kale yiri isagoo tilmaamay in shirkani ay qayb ka yihiin dad wanaagsan oo dowladnimo doonaya, balse qaabkan ma ahan sida lagu gaari karo xalka,” ayuu warkiisa ku daray isagoo raaciyay: "Shirkaas waxaa kasoo baxaya ma noqon doono mid shacabka gaarsiinaya maamul rasmi ah oo la aqoonsado, maadaama bilowgiisa uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka."

 

Arrinta maamulka isagoo kasii hadalaya ayuu yiri: "Waxaan soo jeedinay in shirkaas hoggaankiisa lagu wareejiyo dowladda, si ay u waafajiso tallaabada lagu gaari karo dowlad-goboleed, inta ay ka saxmayaan shuruudahaas si loogu bedelo shirka dib u heshiisiin, maadaama taariikhda Jubbooyinka marka la eego dadku ay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah."

 

"Maanta markii aan soo tagaynay, waxay maamulku codsadeen in la siiyo muddo saddex maalmood gudahood ah ay jawaab cad bixin doonaan, laakiin anigu markaan eegay duruufaha faraha badan ee muuqda, waxaan soo jeediyay in xitaa 20 maalmood ay ay qaataan haddii aysan dhib ku ahayn, laakiin iyagaa qabsaday saddex cisho waana ka dhur-sugeynaa," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

The Government has been behind the eight ball all this time and I don't think they handle this all that well but they are right a genuine reconciliation is needed coupled with robust political agenda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Well if they dont listen what do you think they should do i mean the pm could not convince them to listen to their government What do you suggest Che.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this