Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Puntland President Faroole welcomes Prime minister Saacid to Puntland's capital Garowe

Recommended Posts

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Garowe si diiran loogu soo dhaweeyey

Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland soo gaaray saaka.

| on March 9, 2013

1 Comments

SaacidFarooleGarowe1.jpg

SaacidFarooleGarowe1

 

Wafdigan uu Raysalwasaaraha hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah xubno kamid ah Golaha Wasiirada ee Federaalka oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amaanka iyo Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta, waxaa sidoo kale wehliya xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka.

 

Waa safarkii ugu horeeyey ee Raysalwasaaraha Soomaaliya Saacid ku yimaado deegaanada Puntland, wuxuuna Raysalwasaaraha bilihii lasoo dhaafay safaro ku kala bixiyey gobalada Shabeelada Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud oo uu todobaadkii lasoo dhaafay booqasho labo maalin qaadatay ku tagay.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa horey casumaad ugu diray Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, waana markii ugu horeysay oo ay labada dhinac kulan ku yeeshaan caasimada Puntland ee Garowe.

 

Dowlada Puntland ayaa horey walaac uga muujisay siyaasadaha Dowlada cusub ee Soomaaliya, waxayna kamid ahayd maamuladii sida weyn uga soo horjeeday in cunaqabteynta hubka laga qaado dowlada Soomaaliya oo kaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in labada dhinac ay ka wadahadlaan arrimaha Federaalka iyo xiriirka labada maamul oo muddooyinkii lasoo dhaafay mugdi soo kala dhex galay.

 

Wixii war ah oo safarka Raysalwasaaraha iyo wafdiga Dowlada Federaalka ee soo gaaray Puntland la xariira gadaal baan idinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR- DEG DEG: Ra’isul Wasaare Saacid oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe.

 

Garowe(Puntlandi.com):- Magaalada Garowe ee caasimada Puntland waxaa dhawaan soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’isul-wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Saacid.

 

 

Wafdigan oo duhurnimadii manta ka soo duulay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe si weyn ugu soo dhaweeyay bulsho farabadan oo ay horkacayaan Madaxda dawlada puntland sida Madaxweyne ku xigeenka, xubno ka tirsan labada gole ee dawlada iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan.

 

Wafdiga ra’isul-wasaare Saacid waxaa ka mid ah xobno ka tirsan labada gole ee dawlada federaalka ah ee Soomaaliya sida Xildhibaan Abshir faarax, wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Wafdigu markii ay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe waxaa loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada dawlada Puntland halkaas oo uu hada kulan kula jiro Madaxweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud faroole.

 

Madaxdani markii ay magaalada Garowe soo gaareen waxay si kooban uga warbixiyeen safarkoodan puntland.

 

warbixintan oo faahfaahsan qaybaha dambe ee webka Puntlandi ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this