Sign in to follow this  
Liibaan

Amiirka Qatar oo Booqanaya Somalia Iyo Qatar Airways oo Shaqo Ka Bilaabeysa Caasimada Muqdisho

Recommended Posts

Liibaan   

A+Qatar+Airways+Boeing+777-200+Long+Rang

 

Amiirka Qatar oo Booqanaya Somalia Iyo Qatar Airways oo Shaqo Ka Bilaabeysa Caasimada Muqdisho

 

 

Dowladda Somaliya ayaa waxay soo dhaweyneysaa in diyaarada Qatar Airways ay ka shaqo bilowdo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, markii ugu horeysay.

 

Raa’isal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Somaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo galabta Saxaafada kula hadashay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay sheegtay in diyaarada Qatar Airways ay ka hawl bilaabeyso Magaalada Muqdisho dhawaan.

 

Raa’isal Wasaare Ku Xigeenada maysan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay Magaalada Muqdisho ka hawl bilaabeyso Qatar Airways, balse waxay sheegtay inuu ka soo horeyn doono Amiirka Qatar.

 

Amiirka dalka Qatar Sheekh Xamad Bin Khalifah, ayaa waxay Fowsiya Yuusuf sheegtay in uu imaanaayo Magaalada Muqdisho, isla-markaana waxay sheegtay in uu ku imaan doono si deg deg ah.

 

Qorshaha diyaarada Qatar Airways ay uga hawl bilaabeyso Magaalada Muqdisho, ayaa timid kulan Magaalada Doha ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Xamad Bin Khalifah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

I do hope Qatar airways starts flying to mogadishu so that we are not at the mercy of turkiga anymore and their awful service

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this