Sign in to follow this  
Somalia

Al-Shabaab Terrorist/Businessmen Sentenced To Death

Recommended Posts

Somalia   

q1yQhqS.jpgzKheo3G.jpg

 

Maxkmadda Miletriga Puntland ayaa maanta (Sabti) xukun dil ah ku ridey laba nin oo lagu qabtey magaalada Gaalkacyo 17/1172012, kuwaas oo lala qabtey iyaga oo soo gelinaya Puntland aaldaha qaraxa laga sameeyo.

Cabdirisaaq Xassan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam (Abu-xafsa) ayaa lagu qabtey magaalada Gaalkacyo iyaga oo Puntland u wada alaabo badan oo isugu jira noocyada qaraxyada laga sameeyo sida: jaakadaha qaraxa loo isticmaalo, bombada F1 oo gacanta laga tuuro, baaruuda qaraxa samaysa sida TNT, daasado lagu sameeyo qaraxa dhamaystiran,Telefoonada gacanta iyo aalada remote Control, saacado iyo Bettery, waxaana bishii Nofember sanadkii hore u soo bandhigey saxaafadda Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ilbir.

 

Xeer ilaaliyaha Maxkmadda Cabdrisaaq Cilmi ayaa maxkmada keenay qalabkii lagu soo qabtey nimankan iyo caddeymo kale in ay ahaayeen al-Shabaab, weliba qaarkood ahaayeen ilaalada Axmed Cabdi Godane (Abu-zubeyr) Hoggaamiyaha al-Shabaab, waxaana uu codsadey in dil lagu xukumo.

Qareenka difaacayey labadan nin oo lagu magacaabo Shiikh Siciid Axmed Faarax ayaa sheegay in nimankaani aysan muteysan dil, isla amrkaana ay u baatahay qaddiyadoodu in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo waxaana uu ka soo horjeestey wax dil ah lagu xukumo.

 

Labada nin ee al-Shabaab lagu eedeeyey ayaa goobta ka sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn al-Shabaab isla markaana aysan geln denbiyada lagu soo oogey.

 

Guddoomiyaa Maxkmadda Ciidanka Gobolka Nugaal Axmed Bootaan ayaa sheegay markii uu arkey caddaymaha lala qabtey nimankan, isla markaana dhegaystey markhaantiyaashii ka dhanka ahaa in dil toogasho ah lagu xukumey.

 

Mid kamid ah ragga dilka lagu xukumey, ayaa dad qaraabo la ah oo ka soo jeeda Galmudug hadda ka hor afduubteen dad socoto ah oo reer Puntland ah waxaana ay ku hayeen meelaha uu ka jiro maamulka Galmudug, kuwaas oo dhawaan ay siidaayeen, waxaana ay ku andacoonayeen in ninkaas laga sii daayo xabsiga.

 

Waa markii labaad muddo todobaad gudihiis ah Puntland dil toogasho ah ku xukunto dad lagu eedeeyey in ay ahaayeen al-Shabaab isla markaana fuliyeen falal amniga wax u dhimaaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan arkaa in laga dheeraado al-Shabaab iyo cidaha la shaqeeya, maxaa yeeley dhibaato mooyaane wax kheyr ah Soomaaliya uma soo wadaan. Soomaalidana waa ineey ku dadaalaan sidey u takoori lahaayeen. Qofkii maxkamad ay ku hesho inuu caawiyey al-Shabaaabna waxaan u arkaa in Sharciga wadanka u yaalo in la mariyo.

Ilaahayoow Soomaalida ka qabo kuwa dulminaya ee aan nabad u rabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this