Sign in to follow this  
Abwaan

DAAWO SAWIRRADA:-Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Magaal

Recommended Posts

Abwaan   

Dhusamareeb, March 04,2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, sida, maamulka dowladda, mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, iyo dadweyne fara badan kuwaas oo lulayay caleemo qoyan.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa uu u gudbay xarunta degmada halkaasoo ay ku sugnaayeen kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha uu ka kooban yahay gobolka Galgaduud, waxayna dadkani wateen boorar iyo sawirada Ra’iisal Wasaaraha.

 

Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.

 

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaacah sida ay isaga difaaceen kooxaha nabad diidka ah oo uu sheegay inay marar badan isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada balse ay u babac dhigeen xoogaga Ahlusunnah, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo degmada.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada waxa uu xusay in degmada ay ka muuqato dib u dhac ayna ka muuqdaan raadadkii dagaalada, isaga oo u balan qaaday in xukuumadu u howlgali doonto sidii looga taageeri lahaa dhinacyada waxbarashada iyo adeeg bulshada.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in booqashadan ay jawaab u tahay booqasho ay mas’uuliyiinta Ahlusunnah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho markaas oo uu balan qaaday inuu booqasho ku tegi doono Dhuusamareeb. waxaana inta uu joogo Ra’iisal Wasaaruhu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka isaga oo kormeero ku sameyn doona qeybaha taariikhiga ah ee degmada.

 

 

 

IMG_2191.jpg

 

IMG_2203.jpg

 

IMG_2239.jpg

 

IMG_2246.jpg

 

IMG_2308.jpg

 

IMG_2316.jpg

 

IMG_2333.jpg

 

IMG_2343.jpg

 

http://radiomuqdisho.net/daawo-sawirrada-wafdi-uu-hogaaminayo-raisulwasaaraha-oo-si-heer-sare-ah-loogu-soo-dhaweeyey-magaalada-dhuusamareeb-2/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this