Sign in to follow this  
Daqane

Xafiisyadii QM ugu yiilay Nairobi oo la shaaciyey in dhowaan loo soo rarayo magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Daqane   

Jeffery Fartman Wakiilka xoghayaha guud ee ee dhinaca siyaasada ayaa kaga dhowaaqay xarunta Qaramada Midoobay magaalada New York ayaa sheegay in caasimada dalka Soomaaliya ay xiligan mareyso meel ka soo kabanayso burburkii ka soo gaaray dagaaalada ka dib booqasho uu ku yimid Muqdisho.

 

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in shacabka ku nool Muqdisho ay dareemayaan rajo cusub oo ka soo muuqata hoggaanka cusub ee dowlada Soomaaliya, kaasoo ku yimid doorasho ay qabatay dowladii KMG aheyd ee dalka maamuleysay sanadihii la soo dhaafay.

 

“Waxaa nagu waajiba inaynu taageerno howsha la qabtay iyo heerka ay mareyso waxaanu rajeyneynaa 4-ta sano ee soo socota in horumar taariikhi ah la gaaro ka hor intaan la qaban doorashooyinka Baarlamanka iyo midda Madaxweynaha’’ ayuu yiri Jeffery Fartman.

Wakiilka xoghayaha guud ee ee dhinaca siyaasada ayaa intaa ku daray in xafiisyada heyadaha QM ee ku yaala magaalada Nairobi dhowaan si dhaqsi ah loogu rari doono magaalada Muqdisho si halkaas ay uga shaqeeyaan.

 

“Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaan kula kulmay magaalada Addis Ababa xiligii uu socday shirkii Midowga Afrika, sidoo kale Muqdisho waxaan kula soo kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadiisa waxana isla garanay in xoogga la saaro sidii amaanka dalka loo soo xaqiijin lahaa, loona horumarin lahaa hay’ado ay ka mid yihiin garsoorka, kuwa dhaqaalaha iyo maamulka dowliga ah” ayuu intaa ku daray Jeffery Fartman.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

loool you are right qansax, I remember reading in the FP magazine a U.N officials take on somalia, who had responsibility for several programs there, disparaging the turkish involvement in mogadishu, he was asked during the 7 year period he held office how many times he had visited mogadishu his answer "half a day to visit some projects".....you cant make it up...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa tallaabo muhiim ah. I hope inay shaqo waxtar u leh dadka Soomaaliyeed qabtaan, nabadgeliyadoodana in la ilaaliyo lagu dedaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this