Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking News: Suicide Attack in Gaalkacyo

Recommended Posts

Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay qoftii hure ah oo watay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Saldhiga Booliska ee waqooyiga Galkacyo.

 

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa gil gilay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo bartilmaameedka weerarka uu ahaa Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, oo maalmahan ku sugnaa Galkacyo.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, iyadoo Taliye kuxigeenka uu saarnaa mid ka mid ah gawaarida ciidamada, isla markaana ka soo baxayay xarunta Saldhiga.

 

Taliye kuxigeenka ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac soo gaaray, waxaana wararka intaa ku darayaan in dad badan oo ku dhaawacmay weerarkan loo qaaday Cisbitaalka Galkacyo.

 

Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ismiidaaminta, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoo rasaas laga maqlayo, inta badan goobaha ganacsiga iyo Iskuulada ayaa la xiray.

 

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarka ismiidaaminta oo ah kii u horeeyay ee gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo lagu weeraro Saldhig Ciidan oo ku yaala Waqooyiga Galkacyo, halkaasoo ah qeybta Puntland ay maamusho.

 

Laakiin weerar uu fuliyay qof naftii hure ah ayaa sanadkii hore waxaa uu ku qaaday Hoy uu Koofurta Galkacyo ka degenaa Jen. Cabdi Qeybdiid oo xilligaas Galkacyo u joogay howlo nabadeyn.

 

Qaraxan ismiidaaminta ee ka dhacay Waqooyiga Galkacyo ayaa ku soo aadaya, iyadoo deegaanada Puntland ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo banaan baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga Madaxweyne Faroole.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo[RBC Radio] Waxaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Qarax Xoogaan oo Laga wada maqlay Bartamaha Magaaladda.

 

Qaraxa oo Xooganaa ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska magaaladda Gaalkayo,waxaana fuliyey nin Isa soo miidaamiyey oo watey gaari laga soo buuxiyey Walxa qarxa.

 

Wararku waxay sheegayaan in Qaraxa lala beegsaday Taliyaha Saldhiga Warshad Galey,iyadoona meeshaba uu ku gubtay Gaariga Taliyaha,kan is qarxiyey iyo mid Shacab leeyahay.

 

Ciidamada amaanka magaaladda Gaalkacyo oo soo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay ayaa bilaabay in dadka ka celiyaan goobta,iyagoona bilaabay baaritaan kala duwan.

 

Sidoo kale Wararka qaar ayaa ku waramaya in Qaraxa Gaariga lala beegsaday uu ku jiray Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Puntland Col Muxiyadiin Axmed Muuse,waxaana jirin faah-faahin rasmi ah oo laga heli karo khasaaraha Qaraxa.

 

Taliska Ciidamada ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay ka hadlaan Qaraxa lagu weeraray Taliyaha Saldhiga Warshad Galey,waxaana weli kacsan xaalada magaaladda oo si weyn looga dareemay Qaraxa.

 

Wixii Kusoo Kordha kala soco Raxanreeb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Col Muxiyiddin is safe and sound and the latest is that the suicide bomb was a failure as it only killed the man who was intending to harm the innocent people. Alshabaab claimed it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar wax laga weydiiyey Sheikh Cabdilaziz Binbaz xukunka qof si ismiidaamin ku diley naftiisa iyo koox Yahuud ah oo cadow ah ayaa Shiikhu wexuu Fatwa ku sheegey in ruuxa uu isdilo qalad tahay Ilaaheyna uu yiri" ha is dillina"sidoo kale Nabi Muxammad (SCW) waxaa laga wariyey inuu yiri " Qofkii waxyaalo isku dila maalinta qiyaamo waxaa lagu ciqaabaayaa wuxuu isku diley".
Waxaan shaki ku jirin qofka is miidaamiyey inuu ahlu-naar yahay sidaas darteed dhalinyarada Soomaaliyeed ee la maran habaabiyey waxaan leeyahay kuwan ummada dulmiga u geeysanaaya yeeyan idin seeksiin Aduun iyo Akhiro.
Qofwalboo arin noocaan oo kale faraha kula jiranan waxaan leeyahy ilaahey u toowba keena oo ka waantoowa ficilada Ilaahey raali ka aheyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this