Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khatumo rejects Farooles's attempt to make peace with Somaliland even up to secession

Recommended Posts

Banaan Bax Balaadhan Oo Loogasoo Horjeedo Hadalkii Foosha Xumaa Ee Faroole Kasii Daayay Saxaafada Malintii Shalay Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle (Daawo Sawirada).

Buuhoodle(Allssc): Waxaa Maanta magaalada buuhoodle kadhacay isu soo bax balaadha oo ay isu gu soo baxeen bulshaweynta kudhaqan magaalada buuhoodle sida culimo awdiinta waxgardaka ururada haweenka iyo madax katirsan maamulka khaatumo oo uu hormuud ka ahaa madaxweynaha maamulka khaatumo maxamed yuusuf jamac (indho sheel)

Isu soo baxan ayaa waxaa lagu canbaaraynayey hadal kasoo yeedhay C/raxman Faroole Oo uu ku sheegay in Jabhada SNM Iyo SSDF Aygalayaan Hishiis Ayna dhici Karto Haday Is afgartaan Hesiiskan Hoose Ee Aywada Leeyihiin inay meel kasoo wada jeesanayaan islana Go,ayaan Go,aana kaqaadanayaan dawlada faderaalka .

Hadalkan ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Maamulka khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (indhasheel). Isaga oo sheegay Madaxweynuhu in uusan Faroole matalin Umada Kunool Deegaankaas Shacabka Reer Putlana Ay Yihiin dad Jecel midnimada somaliya .

Sidoo kale waxa uu Madxweynahu maah maah usoo qaatay Dameerku Markuu Ciyo dadku Shaydaanka Ayey Iska Naaraan Hadalka Faroolana Waxa Uu Udhigan Yahay Dameer Ciyey Waxaana Ugu Baaqayaa Shacabka Uu Usheeganayo Madxweynaha Inay SHaydaanka Kanaaartaan Dameerkaa Ciyey .e1`

Dhanka Kale Waxaa madasha Kahadlay Agaasimaha Wasaarada Arimha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo Maxamud Sh Cumar Isaga Oo Guubaabiyey Shacabka Reer Putland Inay Iska Qabtaan Waxii Nabdgalyadooda Wax udhimaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Buuhoodle Oo Ka Xumaaday Hadalkii Madaxwayne Faroole Ku Qiray Xasuuqii Siyaad Barre U Geystay Shacabka Reer Somaliland

 

Buuhoodle (Ramaas) Febr 2,2013 – Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ayaa maanta dhigay Mudaharaad ay kaga hal-celinayeen hadal Madaxwaynaha Maamulka Puntland ku qiray xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre u gaysatay shacabka reer Somaliland.

 

Mudaharaadkan oo ay soo abaabuleen Kooxda Falaagada ah ee la baxday Khaatumo, ayaa waxa ka qayb-qaatay dad maati u badnaa oo isugu jiray haween iyo Carruur, kuwaasi oo siyaasiyiinta dhibaatada ka wada aagaasi ay been u sheegeen.

 

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay weedho lid ku ah Madaxwayne Faroole, iyaga oo muujinaya inay ka xun yihiin weedhihii uu ku sheegay dhawaan in taliskii Siyaad Barre dhibaato badan iyo xasuuq u gaystay shacabka reer Somaliland.

 

Dadkan oo isugu soo baxay garoon kubadeed ku yaala Magaalada Buuhoodle, ayaa waxa hadalo u jeediyay qaar ka mid ah kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday, kuwaasi oo u jeediyay hadalo ku xidhiidhsan nacayb iyo xumaan ay u hayaan Somaliland iyo cid kasta oo taageerta ama dhibaatada loo gaystay sheegta ama soo bandhigta.

 

Shacabka reer Buuhoodle, oo Mudaharaadku caado iyo dhaqan u yahay isla-markaana ka gadooda wax kasta oo ay u arkaan inaanu dan u ahayn, ayaa Mudaharaadka wax kala qayb-galay Maleeshiyaadka ay addeegsadaan Falaagada Khaatumo la baxday ee xumaanta ka dhex wada bulshooyinka wallaalaha ah ee reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

My Khatumo should mind its business. Reactionary politics are not not helpful. Let the leaders formulate a response if one is warranted. Misleading the public is something I don't take lightly.

 

Xaaji - "Dad maato u badnaa" oo malaa Isaa-qu ma bukoodaan :)!, haddaadan xishoonayn waxaad doonto samee comes to mind.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this