Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Eastern Sanaag elders , Garowe clan enclave you are warned stay away from our Territory.

Recommended Posts

Madax dhaqameedka Sanaag Barri Oo Puntland Ku Eedeeyay Inay Faro-gelin Ku Hayso Deegaankaasi

January 30th, 2013

 

Badhan (Somaliland.Org): Salaadiinta, Cuqaasha,Ugaasyada, Madax dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaanka Sanaag barri ee Somaliland ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ka joojiso faragelin ay sheegeen inay ku hayso deegaankaasi, iyagoo xukuumada Somaliland-na u soo jeediyay in ay talaabo dawladnimo ka qaadato arrintaasi.

 

Salaadiintan iyo Cuqaasha ka soo jeeda Sanaag Barri oo shalay khadka telefoonka ugu waramay Idaacada Radio Hargeysa, waxa ay sheegeen in shir ay ku yeesheen magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka dib ay ka soo saareen go’aamo iyo baaq ku waajahan faragelin uu maamulka Puntland ku hayo shacabka ku dhaqan deegaanada Sanaag Barri.

 

Sidoo kale madax dhaqameedka Sanaag Barri waxay ku sheegeen go’aamada ay ka soo saareen shirka ay yeesheen in beesha Sanaag Barri dad ahaan iyo deegaan ahaanba ay yihiin, isla markaana taageersan yihiin xukuumada Somaliland, wax shaqo ahna aanay ku lahayn maamulka Puntland.

 

Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa salaadiinta u waramay Idaacada Radio Hargaysa, ayaa faaf-faahin ka bixiyay shirka ay yeesheen Salaadiinta, Cuqaasha,Ugaasyada, Madax dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaanka Sanaag barri iyo sidoo kale u jeedada ay shirkaasi u qabteen, waxaanu yidhi “anaga oo ah odayaasha dhaqanka ee Sanaag Barri oo isugu jirna guurtida iyo wax garadka waxaanu ku shirnay magaalada Badhan, shirkayagiina waxaanu ka soo saarnay go’aan iyo in aanu baaq dirno, waxaanu ka shiraynay hawlo nagaga yimid xagga Puntland, faraglinta ay nagu ahayso Puntland ee ay ku hayso gobolada Sanaag Barri ee Somaliland” “Faragelintaasi waxay tahay iyaga oo xadka Somaliland soo dhafay, oo leh xisbiyo ayaanu ka furanaynaa aanay beeshu diyaar u ahayn oo sheegasho beena ah sheeganaya”.

 

Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka hadlaya waxa ay shirkooda ka soo saareen iyo faragelinta ay Puntland ku hayso deegaankaasi waxa uu yidhi “Waxaanu shirkayaga ka soo saarnay in beesha Sanaag Barri ay yihiin Somaliland oo aanay shaqo ku lahayn Puntland.Puntland faragelin gardaro ah in ay nagu hayso ayaanu caalamka ogaysiinaynaa, waxaanan u soo jeedinaynaa inay naga dayso faragelinta iyo khalkhalka nagaga imanaya”.

 

Sidoo kale Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa xukuumada Somaliland u soo jeediyay in ay arrintaasi talaabo ka qaadato, isagoo maamulka Puntland uga digay in ay faraha kala baxdo deegaanka Sanaag barri “waxaanu rabnaa dawlada Somaliland inay arrintaa talaabo ka qaado oo ay waajibaadkeeda gudato, hadii kale wixii ka yimaada mas’uuliyadeedda inay Puntland qaadayso.” Ayuu yidhi suldaanku.

 

Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ugu baaqay dhamaanba shacabka Somaliland in ay isku duubnaadaan isla markaana dhan uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabad geliyadooda, waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa dhamaanba shacabka Somaliland inay isku duubnaadaan, inay horumarka ka shaqeeyaan, nabadgelyada ka shaqeeyaan, wax wada qabsadaan, walaalo isku mid ah noqdaan, dawladoodana ay taageeraan, kuna adkaystaan mabaadi’ida Somaliland u taala”.

 

Nabadoon Xasan Faarax oo isna u waramay idaacada Radio Hargaysa ayaa sheegay in ay shirkaasi ka soo saareen saddex qodob, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkayaga go’aamadii ka soo baxay saddex qodb ayay ahaayeen, qodobka koowaad waxa weeye in Sanaag Barri ay ka tirsan tahay dawlada Somaliland, dad ahaan, deegaan ahaan iyo dhul ahaanba, qodobka labaad Puntland inay naga joojiso faragelinta iyo xasilooni darada macna darada ah ee ay ku ahayso Sanaag Barri, ka saddexaad dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay talaabadii dawladnimo ee dadkan iyo dalkan ay masuuliyada ugu hayso inay gudato, oo ay ka hortagto wixii dalkeeda iyo dadkeeda soo gardaraysta”.

 

Nabadoon Xasan Faarax ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka Somaliland “Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda, dawladooda iyo dadkooda aaminaan, Muqdisho aanay u dhegtaagin wax alla wax ka jiraana ma jiraan, Somaliland nabadgeliyada ay haysato caalamka cid haysataa ma jirto.” Ayuu yidhi nabd doon Xasan.

 

Ugaas Ibraahim Cali Shibiinoo isna ka mid ahaa ugaasyada shirkaasi ka qayb galay ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faragelin kula jirto dadka deegaanka Sanaag barri, isaga oo xusay in shacabka Sanaag barri ay yihiin dad reer Somaliland ah isla markaana aanay shaqo ku lahayn Puntland,waxaanu ugaasku u soo jeediyay xukuumada Somaliland in ay ka dayso faragelinta ay ku hayso Sanaag barri.

 

waxaanu yidhi “Puntland waxay nagula jirtaa faragelin aad u kulul, waxay wadaan xisbiyo, Shalay (doraad) shirbay qabteen niman reer Puntland ah oow asiiro ahi dadka aanay isugu yeedheen waana lagu oriyay wax ka soo baxayna ma jiro,Anagu waxaanu ku heshiinay in beesha iyo shacabkuba yihiin Somaliland, Puntlandna aanu shaqo ku lahayn.Puntland waxaanu u sheegaynaa inay naga dayso faragelinta ay nagu hayso xuduudeedana ay ku ekaato, Dawlada Somaliland waxa uu u soo jeedinaynaa inay waajibkeeda gudato, wadankeedana difaacato”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this