Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland VIce President receives delegation from Jubbaland and Kenya Government

Recommended Posts

Faahfaahin/Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay Wafdigii maamul u samaynta Jubooyinka iyo dawlada Kenya.

 

Garowe(Puntlandi.com):- Madaweyne ku xigeenka dawlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta xarunta Madaxtooyada dawlada Puntland ee magaalada Garowe ku qaabilay wafdigii ka socday guddiga maamul u samaynta Jubooyinka iyo dawlada Kenya.

 

Kulankan balaaran waaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ubno ka tirsan golaha Wasiirada ee dawlada Puntland iyo madax kale oo farabadan wuxuuna ahaa mid albaabadu u xiranyihiin saxaafaduna ay dibada ka joogtay waxaase aad loogu falanqeeyay labada dhinacna ay aad uga wada hadlayeen arrimo farabadan oo ku qotoma hanaanka maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo, Iskaashiga shacabka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo farabadan.

 

Arrinta ugu muhimsan ee aadka la iskula soo qaaday ayaa waxay tahay kaalinta Puntland ay ku yeelan karto maamul u samaynta jubooyinka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay samaynta maamul goboleedyada.

 

Markii uu soo gabagaboobay shirkan ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka ee dawlada Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir oo ka warbiiyay qodobadii iyo guddoomiyaha degmada Gaarisaa ee gobolka W/Bari ee Kenya Ismaaciil Garaad.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dawladu ay madextooyada Garowe ku qaabishay kulanna kula qaadatay Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Duqa degmada Gaarisa Ismaaciil Garaad oo ay ku jiraan xubnihii sar sare ee gudiga maamul u samaynta Jubooyinka, iyo wagarad kale oo ay dawladu si heer sare ah u soo dhawaysay.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in ujeedada wafdigani ay ahayd isxog waraysi iyo abuurid iskaashi labada dhinac ah, wuxuuna sheegay in labada dhina ay arrimahaasi si qoto dheer uga wada hadleen.

 

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka ee dawlada Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu kaloo sheegay in aad looga wadahadlay isdhegalka iyo iskaashiga bulshada walaalaha ah ee ku kala nool W/bari Kenya iyo Puntland iyo in ay mawif isku mid ah ka istaagaan kana qayqaataan dadaalka ka socda wadanka ee la xiriira Maamul u samaynta dhulka loo yaqaano Jubaland taas oo ka dhigan in dano isku mid ah oo midaysan ay leeyihiin labada shacab, muhiimadna u leh dhamaan umada Soomaaliyeed.

 

Duqa degmada Gaarisaa ee gobolka W/Bari ee Kenya Ismaaciil Garaad ayaa dhankiisa sheegay in is afgarad wanaagsan uu ka soo baxay kulankii maanta ay la qaateen Madeweyne ku xigeenka iyo Madedii kale ee Puntland islamaana ay aad ugu faraxsan yihiin qalbi furnaata iyo hanaanka soo dhaweynta ah ee ay Puntland kala kulmeen.

 

Duqu wuxuu carabaabay in ay aad uga wada hadleen iskaashi iyo wax wada absi buuxa oo labada dhinac dhex mara hadii ay maamulo ahaan lahaayeen iyo hadii dhinaa shacabka ay ahaan lahayadba.

 

Wuxuu kaloo carabaabay in Madaxda ay la kulmeen ay ka heleen talooyin farabadan oo la iriira sidii ay u wajihi lahaayeen dhacdooyinka amni daro ee dhawaanahan Gaarisa ku soo cusboonaaday iyo talaabooyinka loo mari karo wax ka qabashadeeda maadaama Puntland ay ka mid tahay deegaanada waaya araga u noqday dhacdooyinkaasi, sidoo kalana daraaseeyay siyaabaha wax loga qaban karo.

 

Wafdigani wuxuu ka koobnaa duqa degmada Gaarisaa ee gobolka W/Bari ee Kenya Ismaaciil Garaad, Guddoomiyaha guddiga maamul usamaynta Jubooyinka Sh. Khaliif cali Guure iyo xubin ka tirsan Aqoonyahanka ku lugta leh horumarka ka socda gobollada Soomalidu degto ee Wadamada Ethiopia, Kenya iyo Somalia sida Maxamed Cabdi Raage, waxaana la filayaa in ay Puntland maalmaha soo socda ku sii sugnaadaan.

 

Sawirada gadaal ayaan idinkaga soo gudbin doonaa

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meeting was about formation of Jubbaland. The fraternity of Garissa Town and Garoowe. The Press was briefed by Puntland Information Minister and delegation from Jubbaland and Kenya Government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The delegation first started sending their deep condolences of the passing of the former Puntland Vice President in Nairobi. They explained to what they discussed with the Puntland Vice President and the purpose of their visit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Delegation will further travel on the road further north to see more of Puntland such as Qardho and Bosaaso. It is worth noting that the distance between Gaalkacyo their starting point in Puntland to Bosaaso in the far north is 750 KM. The Purpose is to see the progress,development and peace in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this