Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Two somali soldiers gets executed for commiting rape

Recommended Posts

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askar Loo Soo Qabtay Dil Iyo Waliba Kufsi

 

 

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ilaa iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Askarta la dilaya ayaa waxaa maxkamadu ay sheegtay in loo soo qabtay danbiyo la xariira kufsi iyo waliba dil, isla markaana baaritaan lagu sameeyay ka dib uu ku cadaaday.

Labadaan Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo waliba ciidamada Xooga dalka ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.

 

Halka uu ka dhacay xukunkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan cdowlada iyo waliba masuuliyiinta maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.

 

Xukunkaan ayaa noqonaya kii ugu horaysay oo maxkamadu ay ku filiyo askar loo soo qabtay falal la xariira in ay kufsi u geesteen Haweeb Soomaaliyeed.

 

Madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayaa horay waxay amar ugu bixiyeen askarigii kufsi kula kacaa haweenay Soomaaliyeed in xukunkiisu uu noqdo dil, isla markaana dowlada aysan wax naxariis ah u samayn doonin.

 

http://www.raxanreeb.com/2013/01/maxkamada-ciidamada-qalabka-sida-ee-soomaaliya-oo-xukun-dil-ah-ku-fulisay-askar-loo-soo-qabtay-dil-iyo-waliba-kufsi/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka waabarigii hore dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka, kuwaasoo falal isugu jira Kufsi iyo dil geystay.

 

Fagaaraha School Polizio ee Tiirka wax lagu toogto ayaa labada askari oo lagu kala magacaabi jiray Jamaal Axmed C/qaadir oo 23-jir ha oo dil u geystay nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Caddow lagu fuliyay dil toogasho ah.

 

Sarkaal ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in markii cadeyn iyo marqaati la horkeenay ay Maxkamada dilka ku xukuntay, isla markaana saakay ay ku fuliyeen dilka.

 

Ninka labaad oo ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka laguna magacaabayay Dable Cabdi Cismaan cali Magadn oo degmada Yaqshiid ku kufsaday gabar ayaa isna tiirka School Polizio lagu toogtay.

 

Dilkan oo ah kii u horeeyay ee askari wax kufsada lagu fuliyo ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la toogto qofkii kufsada haween Soomaaliya.

 

Goobta uu ka dhacay falka dilka ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo amaanka goobta uu ahaa mid aad loo adkeeyay.

 

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay kiisas la xiriira kufsi oo laga soo sheegayay deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo rag ku labisan dareyska ciidamada ay jidka u galeen gawaari safar ah, kadibna haweeenki saarnaa kufsi u geystay.

 

Xukunkan dilka ee ay fulisay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa loo arkaa tallaabo looga hortagi karo kufsi loo geysto haweenka, waxaana tani u muuqataa mid cadaalad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this