Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal dagayo Guusha.......... (Hargeysa) - Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal dagayo Guusha uu Xisbiga Ucid ka soo hooyay Doorashadii Golaha deegaanka, islamarkaana uu ugu gudbay Xisbiga Qaran ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo Agaasimay waxaa ka soo qayb galay Guudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe, Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, Masuuliyiin kale oo ka mida Xisbiga, Cuqaal iyo Oday dhaqameed, Qaar ka mida Masuuliyiinta Ururadii Hadhay, Wasiirkii hore ee maaliyada, Taageerayaasha Xisbiga Ucid oo Tira badan iyo marti sharaf kale. Munaasibadan oo ahayd Mid meeqaamkeedu sareeyay islamarkaana uu hadheeyay Calanka Astaanta u ah Xisbiga Ucid ayaa lagu soo bandhigay Heeso kala duwan oo Xisbigaasi lagu Amaanayo iyo Heesaha Hidaha iyo dhaqanka. Waxaana Ugu Horayn ka hadlay Munaasibadaasi Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Sheekh Aadan oo dhambaal Hambbalyo ah u diray Guud ahaan taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid. waxa uu sidoo kale mahadcelin u soo jeediyay Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Xisbigaasi uga soo baxay doorashada Golaha deegaanka. Waxaan isna madashaasi ka hadlay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Xisbiga Ucid uga mahadceliyay Marti qaadka ay Xafladan ku marti qaadeen. Eng Maxamed Xaashi waxa Masuuliyiinta Xisbiga Ucid u soo jeediyay talooyin wax ku Ool ah waxaanu yidhi: "Waxaa ina soo maray Afar Madaxwayne oo hore. Haddiiba ilaahay Qadaro oo Xisbiga Ucid ku guulaysto Madaxtinimada soo socota, Kalmad ayaan odhan lahaa, Kalmadaas oo ah: Kitaabka aad Gacanta saartaan Rumeeya; Hantida Qarankuna ha idinka Nabad Gasho; waxa kale oo aad Ixtiraamtaan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala; Waxa kale oo aad samaysaan in Maamulkiinu Cadaalad ku dhisnaado. Ilaahayna waxaan idiinka Baryayaa in Dariiqii Hore ee lagu socoday uu idinka leexiyo". Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sucaad Carmiye oo ka mida Qurbo jooga ucid, Xaliimo Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ucid, Aamina Ismaaciil Coomay oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Qaarayada Yurub ee Ucid, Ugaasi Geele, Suldaan iyo Gudoomiye Xigeenka labaad ee Ururka Ummada Cabdirashiid Maxamed Cali Waxaanay dhamaantood u mahadceliyeen Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Hiil iyo hooba la garabtaagnaa wakhtigii doorashada iyo Ololha lagu jiray. Waxay sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Taageerayaashooda Guusha ay ka soo hooyeen dagaal Adag oo ay sheegeen in Xisbiga Ucid soo maray. waxaanay hoosta ka Xariiqeen in Xisbiga Ucid loogu tala galay in laga saaro saaxada Siyaasada balse dadaal dheer ka dib uu soo baxay. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo si kal iyo laab ah tahniyad ugu diray Taageerayaasha Xisbiga Ucid Guda iyo debadba. Jamaal Cali waxa uu u Rajeeyay Xisbigiisa iyo taageerayaashiisa Guusha Doorashooyinka soo socda. Jamaal Cali Xuseen waxa uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani u soo jeediyay inuu labada Xil ee uu isku hayo mid ka tanaasulo, isagoo sharci daro ku tilmaamay labbadaasi Jago ee uu isku hayo Cabdiraxmaan Ciro. "waxaan doonayaa in aan maanta markii u horaysay ka hadlo labada Xil ee uu isku hayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Waxaan leeyahay Saaxiibkay Cabdiraxmaan Ciro oo aanu saaxiib nahay Qadarin badana aan u hayo; waanu ognahay inaad markii hore Ishaa falataynaysay oo aad doonaysay inaad kursiga sii joogto oo aad eegto inaad in Ururkaagu soo baxo, laakiin Maadaama uu soo baxay Xisbigaagii oo aad halkaad doonaysay ku gaadhay labada xil mid iskaga tag iskuma hayn kartide" ayuu yidhi Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid. Gabagabadii Xafladaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna Hambalyo iyo bogaadin u diray Taageerayaasha iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay Guusha iyo Xisbinimada Ucid. waxa uu sidoo kale Dadwaynaha Reer Somaliland u soo jeediyay inay Ilaaliyaan Nabad galyada iyo wada jirka Somaliland, isagoo Xusay in doorasho la musuqmaasuqay oo iska hor keentay dad badani dalka ka dhacday balse hadda loo baahan yahay in dib loo walaaleeyo Umadda Reer Somaliland oo isku tanaasul iyo wada noolaansho ku soo caana maashay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
STOIC Posted January 1, 2013 Xaaji, Is it offcial that this young guy will be the presidential candidate for UCIID? I think with the way things are going with the Somaliland election engineering they have rare chance of winning! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 Well Jamaal is running he is a good candidate but he doesn't quiet understand the political culture of Somaliland he needs some experience but he is a good lad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 1, 2013 He is Harvard graduate , former city bank executive with international experience. If people want real change this is the man.to progress, you need people like him who already achieved success. good luck Jamaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted January 1, 2013 Xaaji Xunjuf;904009 wrote: Well Jamaal is running he is a good candidate but he doesn't quiet understand the political culture of Somaliland he needs some experience but he is a good lad. muse bixii is more experienced miyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 Muse bixii ciiro are all bad politicians and no presidential material and jamaal is a clown with his diwaanka qossolka Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted January 1, 2013 Xaaji Xunjuf;904080 wrote: Muse bixii ciiro are all bad politicians and no presidential material and jamaal is a clown with his diwaanka qossolka We rather see Jamal than Bixi anyday, people like Bixi are not meant to run for public office. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 1, 2013 Somaliland doesn't need biixi nor jamaal , Somaliland needs some one with a long term vision some one with good governance skills we need a real statesmen. Somaliland leaders since 1991 were all average with the exception of Cigaal, Somaliland needs some one with the caliber of Cigaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites