Sign in to follow this  
Daqane

Conventional Wisdom: Inj.Yarisow to be appointed the new Mayor of Mogadishu.

Recommended Posts

Daqane   

Xafiiska Raisal wasaaraha oo maalmaha soo socda laga sugayo in Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/Raxmaan Cumar Yarisow) lagu magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xog Hoose.


yariisow1.jpg
Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka soo baxdo xafiiska Raisal Wasaaraha Soomaaliya Wareegto lagu magacaabayo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in xilkaas loo magacaabi Doono C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), waxaana ilo Wareedyo laga helay Xarunta Madaxtooyada ay sheegayaan in maalmaha soo socda uu Xilkaas qaban Doono Yariisow.

Gudoomiyaha Xilkiisa dhamaaday Tarsan ayaa la sheegay in uu xilkaas ku wareejin Doono Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/Raxmaan Cumar Yarisow) oo lagu wado in dhawaan loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho.

C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) in uu uu Noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay u arkaan horumar uu Gobolka banaadir ku Talaabsaday, maadaama Xiligii uu ahaa Wasiirkii Warfaafinta waxd badan uu ka qabtay xaalada saxaafada iyo hanaanka bulshada ay ula shaqeeyaan Warfaafinta.

Eng. Yarisow ayaa ah aqoon yahan wax badan ka qaban kara xaalada amaan ee Gobolka banaadir iyo isku socod la aanta Xiliyada habeenkii ah, taasi oo ay u dheer tahay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u baahan yihiin dhismooyin oo xiliga Roobka dadka Muqdisho aysan isku socon Karin gaadiidka.
C/raxmaan cumar ayaa 10 sano madax ka soo ahaa Dowladda Hoose ee London, UK oo uu Agaasime ka ahaa Waaxda Guryeynta oo runtii leh aqoon ku aadan sida Dowladaha Hoose ay u shaqeeyaan.

48 saac ka hor markii ay soo baxeen Wararkaan ayaa waxaa si aad ah u Qoray Warbaahinta Soomaaliya iyo Warbaahinta caalamka iyo Bogaga Internetka.
Afhayeenkii Hore ee Xukuumadii Soomaaliya iyo Wasiirkii Warfaafinta ayuu soo qabtay C/Raxmaan Cumar Yarisow taasi oo ay u dheer tahay aqoonta maamul ee Dowlada Hoose uu u leeyahay, maadaama dalka Ingiriiska uu in badan ku Noolaa uu ka soo shaqeeyay Dowlada hoose ee dalkaas.

Saxaafada aya soo dhawaysay in badan arintaan ayaga oo u arkay maamulka Cusub ee uu Hogaaminayo Yariisow mid wax badan ku soo kordhin kara xaalada kala Guurka ee Gobolka banaadir iyo Xiliyada habeenkii ah oo magaalada Mugdi ay tahay.

Sidoo kale Wareegyada lagu magacaabayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo saacadaha soo socda, sida ay Bogan u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Raisal wasaaraha Soomaaliya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

if this becomes the truth the hell with the pm and his office. Tarzan should stay or appoint Jibriil Ibrahim Abdulle otherwise nobody wants Mogadishu to expand its progress

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Why do you say that, this guy has worked in local government in the U.K for a while and did good work as the Information minister with the setting up of SNTV.

 

Maxaa ku qadeey walaal mise cudurki reeraha qaarkod ba kugu abuurmay?? :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji lool waxasi its xaqdarro dee tan kale you dont know much about tarzan's sub clan they are a minority compared to yariisow's but they have more karti than the ''laandheere clan'' of Yariisow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

What charges do you bring before this man in a confirmation hearing other than his qabiil, Mr Oba?

 

Was Tarzan experienced? LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this