Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland opposition are opposed to clan federalism

Recommended Posts

Sir Culus: Mucaaradka Puntland xaggee taagerada ka helaan??

Waxaa Shabakadda Puntlandi la soo gaarsiiyeey in mucaaradka Puntland ee raba in doorashada dhacdo bisha 8. jan. 2013 ay taagero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka helaan magaalada Muqdisho oo toos ugu xiran yihii madaxtooyada Somalia iyagoo wata barnaamij ah inay Federalka laalaan isla markaana ay qashinka raaciyaan Dastuurka Puntland ee dhowaan la ansixiyay.

Warar aan ka helnay rag ku xiran ragga ugu tunta roon ee Mucaaradka ayaa noo xaqiijayay, in raggaan aaminsan yihiin inay Somalia maanta u baahneyn nidaam Federal ah waayo waxay ku doodayaan “Soomalia waa dad isku hal jinsi ah oo hal diin haysta isla markaana aan loo baahneyn nidaamyada hadda Somalia ka jira sida Puntland iyo Somaliland. Jubbalandna warkeeda daa”.

Waxaa kaloo naloo sheegay inay nimaankaan Mucaardka ah ay qaarkood tageen magaalada Muqdisho xilligii Dastuurkii Federaalka la ansixinayay isla markaana qaarkood ay rabeen inay ka qayb galaan shirkii Turkiga loona ballan qaaday inay ka qayb galaan oo Madaxweynihii hore mudane Shariif Shiikh Axmed uu ugu qoray safaaradda Turkiga ee Muqdisho in nimankaan lagu daro wafuudda ka qayb galayso shirka Turkiga ayna uga qayb galaan Bulshada Rayidka, laakiin ay markaas ka dib ay nimankaan ah mucaaradka Puntland u dirsadeen dad ganacsato iyo wax garad kale oo reer Puntland si aan looga shakin ileen waxay ogaayeen in Madaxweyne Faroole uu shirkaas diidanaa sababta oo ah in la qorsheeyay “dad ganacsato iyo urarda bulshada ee Muqdisho kaliyo ay ka qayb galeen shirkaas”.

Waxaa kaloo nala soo gaarsiiyay inay ciidan iyo hub urursi ku jiraan oo ay rabaan in 8. jan. 2013 dagaalamaan, qorshahaas oo ay dhiirigelin iyo taageraba ka heystaan Madaxtooyada Soomaliya.

Waxaa taas ka daran in shirar qarsoon ay dhowaan ka dhaceen magaalada Dubai oo rag madaxtooyada Muqdisho ka socda iyo ragga Mucaardka Puntland qaarkood ku shireen laguna gorfeeyay sidii qalqal nabadgelyo looga abuuri lahaa Gobolada Puntland.

Waxaan dhowaan idiin soo gudbin doonaa e.mailada mucaardka Puntland iyo Madaxtooyada Muqdisho ku wada xiriireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Annagu wixii Somalia midinimadeeda ilaalinayaa ama Baydhabaama beledweyne ama Bosaso oo aan Somaliland soo fargelinayn waan taageersannahay. United Somalia Hooora.

 

Having said that, Faysdal wuu kas digay nimanka Xamar fadhiya ee wasiirkii ugu muhiimsanaa inan reer Soamliland ah ka dhigtay ... siduu Faysal sheegasy nimankaasi niman Somalia ku ekaanaya maaha, intay Somalia mideeyaan yay doonayaan ionay Somaliland jajuub ama xeel ugu soo daraan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this