Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia and Kenya both in full agreement on state building in Jubbaland

Recommended Posts

Kenya iyo Itoobiya Oo Isku Raacay Inay Taageeraan Maamul U Samaynta Jubooyinka

 

Muqdisho (RBC Radio) Dowladaha Itoobiya iyo waliba Kenya ayaa sheegat in ay taageerayaan maamul u samaynta Jubooyinka iyo waliba gobalka Gedo, waxayna sheegeen in mar walba loo baahanyahay maamul ay rabaan dadweynuhu.

Arintaan ayaa masuuliyiinta labada wadan waxay ku sheegeen war qoraal ah oo ay isdhaafsadeen, waxayna ku muujiyeen mowqifkooda ku aadan Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Hiala Mariam ayaa sheegay in dowladiisa iyo waliba dowlada Kenya ay shaaciyeen in ay taageersanyihiin sida haatan loo wado maamul u samaynta jubooyonka iyo gedo.

Wuxuu sheegay in labadaan dowladood ay taageersanyihiin qorshaha socda haatan ee maamulka oo ay wax ka wadaan masuuliyiinta maamul gobaleedka IGAD.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warqad qoraal ah u gudbiyay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in uu sii laba jibaari doono dhankiisa caawinaada dowlada iminka ka hana qaaday ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay maamul u samaynta jubooyinka inaysan waxba ka qusayn dowladaha dariska la ah Soomaaliya isla markaana iyada oo kaliya ay u taalo maamul usamaynta gobalada Soomaaliya.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya iyo Itoobiya oo taageeraya maamul u samaynta Jubooyinka

 

15. december 2012

 

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa isku raacay inay iska kaashadaan sidii ay nabad kaga dhali lahaayeen wadanka Geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya,gaar ahaan Deegaanada iyo Degmooyinka ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta labada dowladood oo si qoraal ah hadal isku dhaafsaday ayaa waxa ay ku qeexeen hadalkooda si mideysan ay u wajahaan xaalada Soomaaliya oo haatan meel fiican mareysa oo iyagana qeyb ka yihiin ayaa hadana waxa ay sheegeen inay sii laba jibaarayaan dadaalada Nabada loogu raadinayo ee laga wado Soomaaliya,gaar ahaan Maamul goboleedyada la doonayo in laga dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

“Waa in si wadajir ah ugu gaashanaa sidii aan u taageeri laheyn dowlada Soomaaliya iyo hanaanka la doonayo in maamul loogu sameeyo Jubooyinka iyo Gedo oo garwadeyn ay ka yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD,marka saaxiibka dhigayga ah ee Kenya waxaan ka doonayaa in si wadajir ah aan isaga kaashano sidii aan u gacan qaban lahayn maamulada la doonayo in laga dhawaaqo Soomaaliya” Ayuu Yiri Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Hiala Mariam.

 

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warqad qoraal ah u gudbiyay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in uu sii laba jibaari doono dhankiisa caawinaada dowlada iminka ka hana qaaday ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya oo markii uu qoraalka gaaray ka soo jawaab celiyay waxa uu sheegay in dhankiisa uusan ka dhaceyn u hanqal taaga in Soomaaliya dowlada rasmi ah ka dhalata islamakaana si taasi loo helo uu muujinayo kaalintiisa ku aadan sidii Soomaaliya ay haykalkii ay lahayd dib ugu soo ceshan lahayd.

 

Waxa uuna balan qaaday in uu taageerayo Maamul u sameynta laga wado deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo maalmahan danbe howshooda lagu guda jiray,waxaana Kenya ay ka mid tahay dowladaha garwadeynka ka ah dadaalada Mas'uuliyiin ka tirsan urur goboleedka IGAD ay wadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a welcome. No mote talk of dividing the Jubaland regional admin. Gedo, will be incorporated into the Juba's and that's a good step. If these two countries are in agreement, there is little room for spoilers to seize upon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this