Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab Suicide bomb attack ended up in Failure

Recommended Posts

Qarax loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Guriga Shaqaalaha ee wadada maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha uu geystay qaraxaas.

 

Sida ay sheegayaan wararka gaari qaraxa ayaa la dhigay wadada dhinaceeda, iyadoo lala rabay Gaadiid ay wateen Ciidamada Booliska AMISOM oo wadada maray ka hor inta aanu qarxin gaariga.

 

Hal ruux ayaa ku dhintay, halka 7-kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dad rayid ahaa, waxaana laga yaabaa in qasaaraha intaa ka bato.

 

Qof goob jooge ah ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa nin kaxeynayay, isla markaana uu u muuqday mid qarxay ka hor inta aanu gaarin bartilmaameedka uu u socday.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliska Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in gaari yar oo loo yaqaano Kaarib uu qarxay, kadib markii wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana uu sheegay inay hayaan taargada gaariga qaraxa loo adeegsaday.

 

Gaariga qarxay waxay taargadiisa aheyd AB 5143, mas'uuliyada qaraxaas waxaa ka dambeeyay Al-Shabaab, waxaan hada wadnaa baaritaan aan ku ogaaneyno cida leh baabuur, waxaa meesha dhigay labo dhalinyaro"ayuu yiri Jen. C/llaahi Xasan Bariise

 

Dad goob joogayaal ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inay u maleynayaan in gaariga uu saarnaa qofkii wadayay, inasktoo aan si rasmi loo cadeyn karin.

 

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay goobo ganacsi ku yaala wadada dhinaceeda, iyadoo bur bur soo gaaray tabeelayaashooda iyo saqafyada kore ee dhismaha, waxaana dadka ka degenaa nawaaxiga qaraxa ka dhacay ay sheegeen in qaraxu ahaa mid weyn.

 

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Muqdisho, iyadoo wadada ay isticmaalaan gawaarida ay leeyihiin ciidamada dowladda AMISOM, gawaarida mas'uuliyiinta iyo kuwa shacabka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this