Sign in to follow this  
Aaliyyah

Turkiga Oo Dib U Dhisaya Wadooyinka Magaalada Muqdisho-

Recommended Posts

Aaliyyah   

Lasanod Online. Friday, December 07, 2012

 

 

Muqdisho,(lasanod Online)- Hay'adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga [TIKA] ayaa dib u dhis ku samayn doonta waddooyinka

 

magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

 

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hay'adda TIKA ay hadda waddo qorshe ay ku hagaajinayso meelihii ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay burburiyeen roobabkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka da'ay iyo bullaacado ku yaalla degmada Yaaqshiid.

 

"Hay'adda TIKA waxay billowday inay dib u dhis ku sameynayso marsha-biyeedka wadadda isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo madaxtooyada, waxayna sidoo kale dayactir ku sameynaysaa biyo fariisin ku yaalla inta u dhexeysa KM-4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho," ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

 

Sidoo kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in haya'ddu ay degmada Yaaqshiid ka waddo sameynta bullaacado ay biyuhu maraan oo aan wax dayactir ah helin 20-kii sano ee u dambeysay, isagoo xusay in sannadka soo socda si rasmi ah loo billaabi doono dhismaha waddooyinka Muqdisho.

 

"Muqdisho waxay la mataanowday magaalada Istabuul ee dalka Turkiga, waxaana ay dowladda Turkigu ballaanqaaday inay dib u dhis ku sameynayso caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan waddooyinka gaaraya 36-km, bullaacadaha biyaha qaada iyo weliba marsha-biyoodyada ay dadku maraan," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brilliant news. Manshallah.

I hope some knowledge transfer (by way of training) takes place so that the road-system can be maintained and further expanded when the Turks leave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this