Sign in to follow this  
Abwaan

DEG DEG: Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Isbitaalka La Dhigay

Recommended Posts

Abwaan   

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

 

Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen saraakiil militari waxaa caawa isbitaal la dhigay abaanduulihii ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” kadib markii xannuun dhanka madaxa ah iyo daal fara badan darteed uu la bukooday.

 

Jen. Dhegabadan oo shaqo ciidan u joogay deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galabta halkaasi looga soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana Jeneraalka la dhigay isbitaalka weyn ee AMISOM ee ku yaalla xerada Xalane halkaasoo haatan lagu baxnaaninayo.

 

Sarkaal aad ugu dhow Jeneraalka isla markaana aan rabin inaan magaciisa xigano ayaa Raxanreeb u sheegay in maanta abaare 4:00 galabnimo si kedis ah loogu soo booday Jeneraal Dhegabadan xilli uu joogay meel ay ku sugan yihiin ciidamada dawlada ee agagaarka KM-50 isagoo xilligaasna aad uga sheeganayey dhanka madaxa iyo daal fara badan.

 

Sida sarkaalkan uu sheegayo, waxaa sidan oo kale Jeneraal Dhegabadan uu u xannuunsaday toddobaadkii hore xilli uu ku jiray fasaxii usbuuca hase yeeshee markaasi waa uu ka roonaa sida uu maanta u xannuunsaday. Waxaana uu qaadanayey dawooyin isagoo shaqadana ku jiray.

 

Xaalada Jen. C/karin, ayaa sida sarkaalka u waramay Raxanreeb uu sheegayo hadda ka soo reyneysa, inkastoo laga yaabo in maalmo uu ku jiro isbitaalka.

 

Taliska ciidamada dawlada ayaa galabta booskii abaanduulaha ciidamada u diray inuu sii wado Jen Cali Caraaye “Gacmadulle” oo isla galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

 

 

http://www.raxanreeb.com/2012/11/deg-deg-abaanduulaha-ciidanka-xooga-dalka-oo-isbitaalka-la-dhigay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ilaah ha bogsiiyo Jeneraal Dhegabadan. Daal madaxa ah bay iska leeyihiin. I hope ninkaan dedaalkiisa intay ka yaabeen inaysan Shabaab sumayn. Nimankaan waa argagixiso Caalami ah with sophisticated techniques. Aniga aragtidayda Jen. Dhegabadan waa nin dedaal badan oo hawsha uu hayey sidaan is leeyahay nin haya xagga ciidammada inuusan ku jirin.

I talked to some people who might know about his background and I was told that he is a member of the Former Somali Commandoes. A hard worker, who was a colonel in the army during 1990s. I cannot confirm this though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this