Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: SNM militia fail. No secessionist election in Sanaag regions

Recommended Posts

Carafaat   

Fiqikhayre;893665 wrote:
It was indeed a coordination of the people, their leaders within the admin and Puntland providing the resources and confidence on the ground which deterred the secessionists from going anywhere near. The day they heard the Puntland troops are on their way they fled. The Defence Minister stuck in Ceerigaabo.

 

Today Commander Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole (Cumar Faroweyne) the Commander of the Presidents Staff was in Booda village where he praised the Puntland troops.

 

The Troops of Puntland passed Xingalool which was a final death nail to the mad ambitions of Somaliland and from Day 1 as President Farole send his own Staff Commander to the region they had to back-step from thereon.

:D iminka ma waxa ku faanisiin sanduuq loo wado Xingalool ayuu Faroole and Son horistageen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorashadii Maamulka Hargaysa oo Fashilantay

 

Puntland forces in Makhir

 

Ciidamada Puntland ee hor istaagay tanaagtii doorinta.

 

{Allsanaag.com} Doorashayoonkii loogu magacdaray ‘doorashooyinka golaha deegaanka’ ee maamulka Hargeisa ayaa furmay; codaynta ayaa si buuxda ugu dhacday deegaanada ay ku abtirsadaan Isaaqu, sida Hargaysa, Burco iyo tuulooyinka ku dhow, laakiin waxaa fashil ku dhamaaday isku dayo la doonayay in laga codeeyo meelo kale.

 

Doorashada ay soo abaabuleen maamulka Isaqland ayaan gebi ahaanba ka dhicin gobolada Sanaag, iyadoo sanaadiiqdii la geeyay Sool laga dhigay qaar la qabtay iyo qaar la gubay. Dhinaca kale dagaal aad u xoogan ayaa ka dhacay magaalada Xudun kaasoo kooxo la soo majara habaabiyay laga dilay shank ka mid ah, labo gaari oo tiknikada ahna lagaga gubay goobtaas.

 

Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnaayeen xiisado la xiriira codaynta doorashada golayaasha deegaanka ee maamulka Isaqland ayaanay maanta guud ahaanba ka dhicin doorashadu deegaanadaas, marka laga reebo magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo qeybta Isaaqu degaan qaarkood codeeyeen. Degmooyinka sida Badhan, Yubbe, Xiingalool, Dhahar, Laasqoray iyo dhamaan tuulooyinka hoostaga goboladda sanaag iyo Haylaan ayaysan saaka ka dhcin wax doorasho ah iyadoo deegaanadaasi ay joogaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

 

Dhinaca kale, magaalada Laasacaanood ayaa lagu soo rogay bandow iyadoo laga baqayo in rabshado iyo dagaal iswataa ay ka dhacaan magaaladaas. Wax codeyn ah ayaan ka dhicin marka laga reebo xoogaa shaqsiyaad ah oo meel banaanka ka ah magaalda iyagu isu fooday.

 

Shaqsiyaad marin habowsan oo uu hogaaminayey Wa-siir-ka Gaashaandhiga[Godobta] Axmed Cadami oo ku socday dhanka Badhan ayaan soo dhaafin magaalada Yubbe. Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka[Dagaal-Oogida] & Horumarinta[Dib-u-Dhiga] Reer Miyiga[Reer Miyir-Laawayaasha] Maxamuud Gacamey ayaan isna soo dhaafin magaalada Ceerigaabo. Waxaana la qiyaasayaa mar hadii arrintii ay u socdeen ay fashilantay inay ku noqon doonaan Hargeysadii laga soo dirsaday iyagoo ay si fiican raggii Isaaqa ahaa ee soo dirsaday ula xisaab tami doonaan. Wasiirka Godobta iyo Gardarrada iyo Wasiirka Dagaal-Oogida, Dib-u-Dhiga iyo Reer Miyir-Laawayaasha su'aala adag ayaa Hargeysa uga dambeeya. Sanaadiiqdii iyo waraaqihii ay wadeen ayaa la sheegay in haatan ay bilaabeen dadku inay u isticmaalaan musqusha maadaama aysan waxba tareyn.

 

Gabagabadii, guud ahaan doorashadii Hargeysa doonaysey in ay ka fuliso gobolada Sanaag iyo Sool ayaa fashil iyo guuldaro ka raacday maamulka Isaqland, iyadoo maamulka Hargeesana xisaabtii ay isku soo dhufteen ay boqolkiiba boqol guul darro ka raacday.

 

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this