Sign in to follow this  
General Duke

Sanaag: Minister A/Jamaal Mohamed Osman hunts secessionists SNM militia...

Recommended Posts

jam.jpg

 

Wasiirka ku xugeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal, oo galbeedka gobolka Sanaag u ruqaansaday

 

Dhahar (SPR): Waxaa maanta galabnimadii magaalada Dhahar galbeedkeeda u ruqaansadey, gadiid dagaal lagu qiyaasay tiradoodu inay dhan tahay 17 gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada iyo kolonyo ciidamo ah oo ka amar qaata wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan. Kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magaalada Dhahar.

 

 

Kulankaasi ka gadaal ayaa waxaa si wadajir ah ula hadlay goob fagaara ah oo ku taal xaafada Qunyar-Dega, wasiir-kuxigeenga amniga Puntland, iyo qaar katirsan nabadoonada gobolka Haylaan. Mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan, oo la hadlay boqolaal shacabka xaafada Qunyar-Dega ayaa ugu baaqay shacabka inay samraan, islamarkaana faah faahiyey sababta ay uga hortagayaan maamulka Somaliland. Mudane C/Jamaal ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa, “taako Ceerigaabo bariga uga baxsan yeeli mayno, degaankeegina yeeli maayo in nin reer Burco ah oo igula gorgortamo.” Cabdi Jamaal ayaa dadka u sheegey in labadii bilood ee ugu dambeysay uu ka shaqeynayay amniga gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo bishii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalooyinka Badhan iyo Laasqoray dhidibadana usoo aasay ciidamada deegaanadaasi.

 

 

 

Kaalinta odayaasha Reer Haylaan:

 

Nabadoon Warsame Aadan Geesood, oo kamid ah nabadoonada ugu tunka iyo miisaanka weyn gobolka Haylaan, oo isla goobtaasi fagaaraha ka hadlay ayaa sheegay in bixitaanka qaybo kamid ah ciidamada Puntland ay ku timid codsi ay ka odayaal ahaan ka dalbadeen. Odayaasha ayaa iska dhex doortay gudi amni, islamarkaana saldhigii horay ee booliska magaalada geeyey tiro ciidamo beeleed oo isku dhaaf ah kana wada kooban beelaha gobolka Haylaan. Ciidama beeleedkaan ayaa loo igmaday inay gaaf wareegaan duuleedka magaalada, ayna ka hortagaan wixii amniga khal-khal gelin kara. Ciidankaan ayaa sidoo kale loo igmaday inay taaba galiyaan go’aanka odayaasha.

 

 

Ciidamada Puntland Xagey u Boqooleen?

 

 

Inkastoo intii badnayd ciidamada Puntland ay ka baxeen magaalada, waxaase wali ku haray magaalada ciidan tiradoodu dhantahay 150 nin oo ka amar qaata gudoomiyaha gobolka (Jeentaro) oo haatan kusugan xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan.

 

 

Qayb ciidamada Puntland uu la socdo abaanduulaha ciidamada Puntland Goraya Cowl ayaa la sheegay in ay ay gaareen tuulada Balibusle oo 100 killometer waqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhahar. Qaybta labaad ciidamada ayaa la sheegay in uu la socdo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdiraxmaan Faroole iyo wasiir kuxigeenka amniga C/Jamaal in ay dageen meel u dhaxayso degmada Baraagaha Qol iyo Dhahar, islamarkaana ay usii socdaan dhanka galbeedka gobolka.

 

 

Isu Dheela Tirnaanta Somaliland iyo Puntland ee Sanaag iyo Haylaan:

 

 

Tan iyo magacaabista wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, miisaanka saamaynta labada maamul gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa isbedel aad u baaxad weyn ku yimid. C/jamaal Maxamed Cismaan ayaa kasoo jeeda galbeedka gobolka Bari, haybna la wadaaga shacabka Sanaag iyo Haylaan. Mas'uulka ayaa ku caan baxay, islamarkaana lugu xusuustaa aas'aasida ciidamada dhuxul joojinta degaanka Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari. Horaantii 2010, ayaa wada hadalo dhexmeray isaga iyo madaxweyne Faroole. Wadahadalaadaasi ka gadaal, saamiga ciidamada gobalada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland ayaa aad loo kordhiyey. Ilo wareedyo ka ag dhow mas'uulka in 200 oo nin horay uga tirsanaa ciidamada dhuxul joojinta la qareemeeyey.

 

Mudane Cabdi Jamaal ayaa gabi ahaanba wuxuu badalay saameyn ku yeelashada Puntland ee gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo dhanka amniga Puntlandna wax badan ka badalay gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ahayd meel ay dilal badan si joogta ah uga dhacaan ayaa waxay dadka siyaasada la socda deegaanada Puntland in uu gabi ahaanba arintaasi wax ka badalay.

 

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay kusuganyihiin degaanka Jingada ee u dhaxayso degmooyinka Xingalool iyo Booda Cad. Waxaa la saadaalinaayaa in ay iska horimaadaan labada ciidaan degaanka Booda-Cad, iyadoo dadka degaankaasi ay walac badan ka muujiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr Che its called a process of healing 10 years ago this was not the case, why because the war was still fresh in the minds of the people.

 

Reer dhan oo odaygoodi la socdo oo caaqilkoodi la socdo oo nina ka hadhin oo magaaladi berbera eeh qaadimiga ahayd lugu so dhaweye.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo u ruqaansaday Galbeed Gobolka Haylaan

Posted by Lee Heelo on November 27, 2012 in WARAR | 0 Comment

 

Dhahar (ln): Waxaa maanta galabnimadii magaalada Dhahar galbeedkeeda u ruqaansadey, gadiid dagaal lagu qiyaasay tiradoodu inay dhan tahay 17 gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada iyo kolonyo ciidamo ah oo ka amar qaata wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan. Kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magaalada Dhahar.

 

Kulankaasi ka gadaal ayaa waxaa si wadajir ah ula hadlay goob fagaara ah oo ku taal xaafada Qunyar-Dega, wasiir-kuxigeenga amniga Puntland, iyo qaar katirsan nabadoonada gobolka Haylaan. Mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan, oo la hadlay boqolaal shacabka xaafada Qunyar-Dega ayaa ugu baaqay shacabka inay samraan, islamarkaana faah faahiyey sababta ay uga hortagayaan maamulka Somaliland. Mudane C/Jamaal ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa, “taako Ceerigaabo bariga uga baxsan yeeli mayno, degaankeegina yeeli maayo in nin reer Burco ah oo igula gorgortamo.” Cabdi Jamaal ayaa dadka u sheegey in labadii bilood ee ugu dambeysay uu ka shaqeynayay amniga gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo bishii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalooyinka Badhan iyo Laasqoray dhidibadana usoo aasay ciidamada deegaanadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magalada Dhahar.

Duke, care to explain?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this