Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xaqsoor deputy Cali sandule abducted

Recommended Posts

Cali Sandulle iyo saraakiil kale oo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ah oo la Af-duubtay

Cali Sandulle iyo saraakiil kale oo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ah oo la Af-duubtay

Laascaanood(Waaheen) Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamud Axmed Cali Sandulle iyo Saraakiil kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Ururkaasi Rashiid Jaamac Dheri ayay Maleeshiyo aan ilaa hada la aqoonsani ka af-duubteen meel waqooyi barri ka xigta laascaanood oo la yidhaahdo Damal.

Saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ee la af-duubtay oo watay laba gaadhi ayaa la sheegay inay ka kicitimeen dhinaca magaaladda Ceerigaabo isla markaana ay u sii jeedeen dhinaca Laascaanood, balse iyaga oo jidka haya waxa jid-gooyo u gashay maleeshiyo loo aanaynayo inay ka tirsan yihiin Khaatumo.

Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaadhay Af-duubka loo geystay saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaq-soor waxa ay sheegayaan inaan la haynin meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen, wallow ay warar hordhac ah oo na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Gurmad badan oo Somaliland ka tagay baadi goob ugu jiraan soo dayntooda.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee dad ka soo horjeeda Doorashada Somaliland ay ku kacaan isla markaana ay khasaare ugu geystaan Madax ku hawlan arrinta Doorashada, wallow laga soo jeediyo Maamulka Puntland hanjabaado ka dhan ah Doorashooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this