Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fierce fighting in beledxaawo alshabaab claims to control beledxaawo district gedo region.

Recommended Posts

Wararkii Ugu Danbeyey:Al-shabaab Oo La Wareegey Degmada balad Xaawo

Nov 24, 2012 -

 

Dagaalo culus ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii weeraro saf ballaaran leh ay ku soo qaadeen Ciidamada Ururka Al Shabaab.

 

Ciidamada Xoogaga Shabaab ayaa waxay weeraro qorsheysan ay ku soo kediyeen gudaha Degmada Beled Xaawo, iyadoo gees ka gees Degmada Beled Xaawo laga maqlaayo daryanka sawaxanka hubka cul culus.

 

Dagaalada ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Bartamaha Degmada Beled Xaawo, iyadoo Xoogaga Shabaab ay u suura gahashay inay gudaha u soo galaan Degmada Beled Xaawo, markii dagaalo gaadmo leh ay ku soo ekeeyeen.

 

Kahor inta aysan Ciidamada Al Shabaab gudaha u soo gelin Degmada Beled Xaawo, ayaa waxay hawada ka saareyn Isgaarsiinta Degmada Beled Xaawo, iyadoo aysan xilligaan Isgaarsiinta dalka ka shaqeyneyn Degmada Beled Xaawo.

 

Dadka reer Beled Xaawo ayaa waxaa lagula xiriira karaa khadka teleefanka ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom, iyadu laga lee yaahy dalka Kenya, waxayna si caadi ah ay shaqeysaa Degmada Beled Xaawo oo xududua dhacda.

 

Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa waxay baqdin iyo walaac badan ay ka muujinayaan dagaalo xoogan ee galabta Beled Xaawo ku dhex maraaya Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Beled-xaawo

 

Beled-Xaawo(Sh.M.Network)—Wararka laga helayo Magaalada Beled-Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal xooggan oo Khasaaro geystay uu halkaasi Galabta ku dhexmaray Ciidamada dowlada Somalia iyo Al shabab.

 

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Al shabab ay weerar ku qaadeen magaalada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada Somalia.

 

Dadka Deegaanka ah ayaa u sheegay Shabelle in dagaalka intii uu socday ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka Culus iyo midka fudud kaasi oo si weyn looga maqalayay Dafaaha Magaalada Beled-Xaawo.

 

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Al shabab ay mudoo kooban gacanta ku dhigeen Magaalada islamarakaanka ay ku dileen tiro dadka deegaanka ka tirsan,lamina oga sababta ay u dileen.

 

Dhinaca kale Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlada eek u sugan Magaalada ayaa u sheegay Shabelle inay dileen ilaa 13 ka tirsan Al shabab intii u socday dagaalka.

 

Si madaxbanana looma cadayn karo warkaasi, hase yeeshee wararka aynu halyno ayaa tilmaamaya in Xaalada Iminka ay Deggan tahay oo aan jirin wax dagaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

 

Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

 

Dagaalladan oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lixaad leh kusoo qaadeen saldhig ay duleedka degmadaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

 

Sarkaal magaciisa qariyay oo katirsan xoogagga Al-shabaab ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Beledxaawo.

 

Dhinaca kale xiriir aan la sameynay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayay wax kama jiraan ku tilmaameen la wareegidda magaalada Beledxaawo, waxaana sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo uu HOL u sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen magaalada wuxuuna sheegay in ay iska caabiyeen.

 

“Dagaal gaadmo ah ayay magaalada kusoo qaadeen, waana la ceyriyay, magaalada inaga ayaa gacanta ku heyno,” ayuu yiri sarkaalkani oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

 

Aadan Muxumed Barre oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay isagoo ku sugan magaalada Mandera ee dalka Kenya islamarkaasina aad ugu dhow beledxaawo ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada Beledxaawo, wuxuuna xusay in imika la maqlayo rasaas culus oo ka dhaceyso dhanka magaalada.

 

Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weliba xaaladda rasmiga ah ee halkaasi ka jirta.

 

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinku soo gudbin doonnaa Insh’allah

 

 

 

Hiiraan Online, News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beled-Xaawo (RBC Radio) Wararka naga soo gaarayo magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maanta weerrartay saldhigyo ay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalkaas.

 

Dagaalka oo socday dhowr saacdood ayaa la soo sheegayaa in uu geestay khasaaro xooggan, laakin ma cadda inta uu la egyahay.

Sarkaal u hadlay maamulka dowladda ee Beled-xaawo ayaa u sheegay saxaafadda in dib loo riixay ciidamadii soo weerraray magaalada.

Wuxuu ka gaabsaday inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay.

Xaalladda magaalada ayaa caawa deggan, laakin waxa ka socda howlgalo ay halkaas ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Al-Shabaab dhowr jeer ayey weerrar ku qaaday goobo ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ku yaalla gobalka Gedo.

Al-Shabaab weli waxay gacanta ku heysaa xarunta gobalka ee Baardheere, laakin dhowr magaallo ayaa laga qabsaday.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Yes, I understand they were not there, but the Empire will be back soon. Why is this village important?

 

Edit: Border control.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

This was a desperate attempt by the shabaabs which did not succeed, they have already abandoned Burdhubo last week. the only town in the region that they still hold is Baardhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this