Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faroole visits Qardho and is welcomed with mass anti Faroole protests

Recommended Posts

Mudaaharaad Ka Socda Qardho Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Halkaas Ku Wajahan (UPDATED)NOVEMBER 23, 2012 20 COMMENTS

 

 

Mudaharaad 21 September ka dhacay magaalada Qardho oo loogu soo horjeedo qorshaha dowlada ee xil kororsiga

Wararka aan ka heleyno caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay ina saaka hiirtii magaalada Garoowe ka baxay Madaxweynaha Puntland, Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Qardho halkaas oo saddexdii todobaad ee u danbeeyey laga hadalhayey imaan shihiisa isaga oo marar badan arrimo farsamo uga baaqsadey.

 

Madaxweynaha waxaa ka soo horeeyey ciidamo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, sidoo kale waxaa ka baxay magaalada Qardho Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo ciidamo uu wato si madaxweynaha ay uga hortagaan.

 

Mudaaharaadka magaalada ka bilowdey.

 

11: 48:00 Updated: War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo gaarey magaalada isla markaana uu dhexmarey laamiga oo wada qiiqaya oo taayiro ka gubanayaan, waxaana la geyey guriga Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni, maadaama gurigii Martidu uu yahay mid qabyo ah weli.

 

Dhanka kale laba qof ayaa ku dhaawacantey rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, Horseed media oo la xiriirtey isbitaalka guud ee magaalada ayaa loo sheegay in la gaarsiiyey halkaas labo qof oo dhaawac ah kuwaas oo kala ahaa wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Faarax Axmed Ciise Gurey iyo gabadh magaceeda nalooku sheegay Sahra Ayax, waxaana ay ka m id ahaayeen dadkii ka qaybqaadanayey mudaaharadkii lagu diidanaa xili kororsiga madaxweynaha Puntland

 

Waxyar kadib markii ay magaalada soo gaartey in Madaxweyne Faroole uu soo dhawyahay waxaa is qabsadey dadweyne aad u caraysan, kuwaas oo taayiro ku gubey jidadka magaalada, isla markaana soo qaatey boorar ay kuqoranyihiin Dooni meyno xili kororsi, doonomeyno keli talisnimo, doorasho hala qabto iyo erayo kale.

 

Ciidanka amaanka oo markii hore jidadka xirey ayaa dadweynuhu jiireen, waxaana la maqlaayey rasaas ay ciidanku ridayeen. Mid kamid ah dadka mudaaharaadayey oo Horseed Media khadka Telefonka ku weydiisey sababta ay madaxweynaha ugu mudaaharaadayaan, ayaa yiri: Ma diidanin in Madaxweynuhu booqan karo magaalada Qardho taas oo aanu waxba u qaban 4 tii sano ee xukunka hayey, waa magaaladiisi, waa meeshii loogu soo dhaweeyey si aan Garoowe loogu soo dhaweyn markii uu Musharaxa ahaa, waxaan diidanahay waa ballan darada iyo ku tumashada dhaartii uu dadka u dhaartey in uu u adeego muddo 4 sano ah isaga oo hadda tumaaya durbaan la yiraahdo Dimoqraadiyad, taas oo aan u aragno arrin xaq ah laakiin baadil loola jeedo iyo xilli kororsasho, waana la yaqaan wadada dimoqraadiyaddu iyo waxay u baahan tahay, laakiin magaaladu waa magaaladiisi imaashihiisa looma diidana, waana xaq aan leenahay in aan muujino in aan diidanahay muddo kororsi, Dastuurkuna awoodda shacabka ayuu siiyey ayuu yiri Axmed Xaaji Cali oo kamid ahaa dadkii mudaaharaadayey.

 

Subaxnimadii hore ee saakey ayaa maamulka degmadu ku wargeliyeen suxufiyiinta in aysan ka qaybqaadan karin soo dhaweynta Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in go’aankaasi ka yimid madaxweynaha Puntland, arrintaasna dad gaar ah lo xilsaarey,

 

Sidoo kale maamulka ayaa ka codsadey ninka magaalada Jaadka ama Qaadka keena oo la yiraahdo OBOBAAY ama Daahir Axmed Ruke in uu soo dhaweynta isagu masuul ka yahay, waxaana uu kireeyey labo gaari oo nooca waaraadka loo yaqaan. waxaana uu tegey xerada ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Shabeele, waxaana uu caruurtii iskoolka ku khasbey in ay gawaarida soo fuulaan, markii uu laba jeer magaalada la dhexmarey laba gaari oo ay ka buuxaan caruur iyo Qaadwalayaal mudaaharaadkuna bilowdey ayuu ka baxay magaalada isaga oo aadey dhanka Garoowe si uu caruurta Barakacayaasha uga horgeeyo madaxweynaha.

 

Updated: Rasaas ka bilaamatey magaalada

 

War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in magaalada rasaas xoogleh ka dhacayso taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, waxaana loo diidey dadkii mudaaharaadka watey in ay sii wataan mudaaharaadkoodi taas oo kaliftey in dariiqyada la isku oryoodo iyada oo aan weli magaalada aanu soo gaarin madaxweynuhu.

 

 

 

gadaal ayaan warkaan oo faahfaahsan kasoo daabacynaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;892297 wrote:
Faroole needs to go after the election, Abdullahi yusuf AUN, Adde Muuse and Dr. Gaas is opposing faroole what does that tell you?

Abdulahi yusuf is dead how did he oppose faroole , ma akhiru fariin ka so diray.

 

Cabdi cawar is a subclanist and a failed politician he doesn't like faroole.Because faroole didn't gave him the fundings he needed to bribe the MPS to become president.

 

Cadde muse never liked faroole because faroole opposed him when cadde was the leader,so that is understandable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;892299 wrote:
Abdulahi yusuf is dead how did he oppose faroole , ma akhiru fariin ka so diray.

 

Cabdi cawar is a subclanist and a failed politician he doesn't like faroole.Because faroole didn't gave him the fundings he needed to bribe the MPS to become president.

 

Cadde muse never liked faroole because faroole opposed him when cadde was the leader,so that is understandable.

XX maxaad dadka ku ciyaaraysaa. Inuu Faroole meesha isku sii dhejiyo ayaad rabtaa oo uu dagaal dhaco. Ninyahow Soomaalida Koofurta dagaalkooda maxaad ka heshaa? Maad Ilaah ka cabsatid, Xaajina waad sheeganaysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole needs to tread carefully. The people come first always. However this is no more than a wake up call for the President of Puntland. Where Qardho goes so does the state..:D

 

XX, thanks for the news keep updating us...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan where did i say faroole should remain president at the end of the day its up for the Puntland people to decide or at least their leaders.so far the protests were peaceful and i don't see any problems there.

 

Duke ur wlc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

War XX iska daaya Faroole waa sedigiise lol. Cida uu ka qabaa gabar odeyga faroole ah lol, laakin saaxib seedigaa taageer laakin sidatan waalan oo aflagadada ah iska daa saaxib

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Xaaji Xunjuf;892376 wrote:
Maxa keeney ninka xaaskisa iyo wuxu qabo niyo dadka qaar maba xishoodan leave the mans household alone oo siyaasadisa ka hadal.

Adigu marka hore is eeg inta aadan cid kale eegin oo dib uu eeg waxaad ku hadashey. anigu waxa kaliya aan sheegey waxaa weeye in aad xidid tihiin odeyga. Taasina ceeb ma aha. Maxaad la kululaatey saaxib ?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odey;892379 wrote:
Adigu marka hore is eeg inta aadan cid kale eegin oo dib uu eeg waxaad ku hadashey. anigu waxa kaliya aan sheegey waxaa weeye in aad xidid tihiin odeyga. Taasina ceeb ma aha. Maxaad la kululaatey saaxib ?.

 

Dee meesha maxa xidid ba keeney anigu war baan so galiye maanta dhacday oo akhbaar ah doodada ka dhiibo laakin hebel ba reer hebel ka qaba xaajo rageed maha, its pointless.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Abwaan;892364 wrote:
XX maxaad dadka ku ciyaaraysaa. Inuu Faroole meesha isku sii dhejiyo ayaad rabtaa oo uu dagaal dhaco. Ninyahow Soomaalida Koofurta dagaalkooda maxaad ka heshaa? Maad Ilaah ka cabsatid, Xaajina waad sheeganaysaa.

Allow maxaad run sheegtey, lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Xaaji Xunjuf;892381 wrote:
Dee meesha maxa xidid ba keeney anigu war baan so galiye maanta dhacday oo akhbaar ah doodada ka dhiibo laakin hebel ba reer hebel ka qaba xaajo rageed maha, its pointless.

Calm down before you bust a vein man!. Waxaad la kulaatid meesha ma taal. xididnimo ceeb ma aha, waa wax fiican. Adigu maxaad taasi ay kuu dhibeysaa . Odeyga in aad xidid tihiin ayaan kugu ixtiraamayaa. Marka afkeyga waa ka nabadgaleysaa. Laakin adigu Marxuumka iyo Jananka iyo Diktoorka intaba waa seedigaa ilmo adeeradiis ee maad ka deesid aflagaadada mise xididnimadaada ayaa sidaas ah?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this